”Dhegdheer waxay ahayd dadqalato xoog iyo dheerayn ku caan
ah. Waxay lahayd haan weyn oo lagu magacaabo Bawdheer, taas oo marka
aabbudhka laga qaado dhul fog laga maqli jirey. Haantaas ayey dadka ay qalato
hilibkooda ku guran jirtey...”
”Beri waxaa jirey nin marka uu doono bahal noqda. Wuxuu
ismarin jirey geed uu keligii yaqaanney, kaas oo mar dad ka dhigi jirey marna
dugaag. Marka uu dugaagga iska dhigayo wuxuu u dan leh yahay in uu dadka cuno...”
”Arraweelo waxay ahayd boqorad awooddii talada ragga xoog
kaga maroorsatay. Si ay xukunka u haysato, isla markaa haweenka ragga ka
sarraysiiso, waxay go’aan ku gaadhey in ay ragga oo dhan dhufaanto. Waxay ku
guulaysatey kuwii ay dhufaantay in ay ciidamayso oo kuwa weli qoodha ah kula
dagaallanto...”
”Madaxkuti waa bahal garaad badan oo awood u leh in ay
hadasho qofka ay doontana codkiisa metesho. Sidaas ayey carruurta inta ay
hooyadood isaga dhigto magacooda ugu yeedhaa dabadeed cuntaa...”
Afartaa siyood waxaa u dhisan qaar ka mid ah sheeko
dhaqameedda badan ee ilkaha iyo ciddiyaha dhiigga ku leh. Giddigood waxay
inagu ridayaan argagax, waxaana aynu moodaynaa in ay malyuumaad soomaali ahi
ku maqan yihiin caloolo dadqal iyo dadqalato. Waxaynu dareemaynaa goonyaha
Geeska Afrika in ay daadsan yihiin lafihii awoowyo iyo ayeeyooyin qeedhinka
lagu feentay. Argagax kale waxaa abuuraya in laga fekero kuwa wax feentay
qudhoodu in ay awoowyo iyo ayeeyooyin inoo ahaayeen.
Bulsho waliba waa ay leh dahay sheeko dhaqameed soojireen
ah oo facba fac u soo gudbiyey. Sheekooyinkaasi inta badan waa khuraafaad iyo
male’awaal, mararka qaarna wax baa ka jira ee waa la beddeley ama la
buunbuuniyey. Haddii ay wax ka jiraan iyo haddii la halabuuraba badanaa waxay
u qaybsamaan laba nooc oo kala ah: mid ay bulsho sooyaalkeeda wax kaga
sheegto, iyo mid ay dunida kale ee aanay aqoon ku sifayso, dunidaas oo ay mar
ka baqato, mar ka haybaysato, marna neceb tahay. Ta gudaha ku saabsani
badanaa waxay ka hadashaa halyeeyo iyo guulo ay bulshadaasi sheegato kuna
faanto. Sidaa darteed waxaa looga dan yeeshaa in asal wanaag iyo geesinnimo
la isku barbaariyo. Ta kalena in ummado kale lagu liido, ama dunida iyo
dabeecadda aan la aqoon lagu maleeyo.
Sheeko noocaas ah oo la hayo waxaa ugu fac weyn mid afar
kun oo sano hortood lagu qoray Baabil (Ciraaq) laguna magacaabo Gilgaamish.
Waxay ka hadlaysaa halyey magacaa leh oo ummaddaas u dhashay, kaas oo lagu
mannaystay xoog, aragti fiicni iyo dhiirranaan. Wuxuu u hub qaadanayaa in uu
soo dilo ”Hororka Kaynta” oo ah noole laxaad iyo halis badan, kaas oo dad iyo
duunyo laga soo hooysan waayey. Hawshaa si geesinnimo leh ayuu Gilgaamish uga
soo dhalaalayaa. Haddana wuxuu u dhaqaaqayaa in uu ka war keeno awoodda
abuurtay xikmadda iyo jiritaanku halka ay joogto.
Sida muuqata reer baabil sheekadaas waxay u sameeyeen in ay
ku barbaariso akhlaaq sare oo shar la dirir iyo xikmad jacayl ah. Sharkii waa
la diley (Hororka Kaynta) xikmaddiina waa la raadinayaa. Haddaba waxaa yaab
leh innaga kuweennu halyeeyo iyo dhacdooyin lagu faano inooma sameeyaan ee
waa belo iyo baas. Waxaa aad ugu badan daadinta dhiigga sokeeyaha, inta
badanna dhambaal akhlaaqeed ma sidaan ee xumaha ayaa guulaysta.
Arraweelo waxay u eg tahay qof run ah oo ay rag xukunka ku
qabsaday colaad kululi dhex martay. Laakiin mabda’eedu in uu ahaa in ay ragga
oo dhan dhufaanto caqliga iyo dabciga nolosha ayaa beeninaya. Taasi waxay ka
hor imanaysaa saddex xaqiiqo oo dabiici ah: 1) baahida iyo naxariista
Arraweelo qudheeda ku abuuran ee ragga. 2) haweenka kale oo aan taloxumo
sidaas ah Arraweelo garab ku siiyeen, waayo baahidooda iyo riyadooda oo dhami
waa ragga. 3) dabciga iyo dhaqanka dadkii hore ee awood walba saari jirey
tarankooda (in ay ragga dhufaanto macnaheedu waa in ay bulshada dabargo u
qoondaysay taasina caqligal ma aha).
Sidaa darteed qisada Arraweelo runteedu waa in ay koox
niman ah oo taladeeda diiday ama damcay in ay xukunka ka ridaan la
dagaallantay. Markaa koodii ay qabato in ay dhufaanto iyo in ay qoorta ka
goysaa waa isku mid. Kelitalisyada maantaba qaar baa mucaaradka dhufaana.
Waxaa kale oo run noqon karta Arraweelo markii ay aragtay sida ay raggu u
liidayaan ee talada ugu quudhi la yihiin in ay haweenka dhiidhi gelisey, si
ay taageero uga hesho heerkooda bulshana kor ugu qaaddo. Waa taas ujeeddada
ay u leh dahay: ”Waxa ay raggu doonayaan diida xataa haddii aad doonaysaan,
waxa ay diidayaanna doona xataa haddii aad diidaysaan.” Markaa Arraweelo
waxay ahaan kartaa geesiyad aragti fog oo u halgantey sinnaanta ragga iyo
dumarka, laakiin ay kuwii xukunka kula loollamayey magaca ogaan uga dileen oo
kaga been sheegeen in ay ragga wada dhufaani rabtey.
Saddexda qiso ee kale, Geedismaris, Dhegdheer iyo Madaxkuti,
iyagu maba mudna in laga hadlo, waayo ma leh asal caqligal ah oo dhaqan ama
taariikh fog laga iftiinsan karo. Xataa haddii laga fekeri lahaa dadqalnimadu
in ay tahay wax bulshadii hore ka suurtooba, sida ay bulshooyinkii hore oo
dhan uga suurtowdo, kuwani sida ay u dhisan yihiin ayaa malahaas meesha ka
saaraya. Waayo dadqallada la sheegaa marnaba ma aha koox dad ah ee waa naag
ama nin keli ah. Mana dhici karto in ay naag keli ahi dadka iska qalqalato ee
aan markiiba wiil dhiirrani qoorta ka jebin.
Haddaba waa maxay sababta ay waxan xilka lihi kumanyaalka
sano inoo daba socdaan ee inooga hadhi la yihiin. Ma wanaag ayey inagu
barbaariyaan? Ma xumaan ayey inoo diidaan? Ma hidde iyo sooyaal ayey inoo
kaydiyaan oo ina baraan? Jawaabuhu waa wada maya. Mid ayaase dhab ah: waxay
ka tarjumayaan dabcigeenna qallafsan ee dhiillo ku noolka ah.
Sheekooyinka Cigaal Shidaad waa kuwa ugu madaddaalo iyo
murti badan. Badanaa dhaqankeenna qofka fulaynimo ku sifooba dadnimada kale
oo dhanna waa laga qaadaa, laakiin Cigaal Shidaad waxaynu ka dhignay fulay
caqli badan. Sababtaas ayaa sheekadiisa looga xiise dhici waayaa. Waxaa kale
oo iyaguna aad u xiise iyo murti badan kuwa ku saabsan xayawaanka sida Diin
iyo Dawaco, Yaxaas iyo Dawaco, Libaax iyo Dawaco, Maroodi iyo Dabangaalle i w
m.
Mar haddii ay fekerka iyo aqoonta dadku intaa korayaan
sheekada noocan ah abuuristeeda iyo haynteeda waxaa ku dhaca isbeddel
koritaanka garaadka dadka la socda. Ummad kastana xilli walba heerka
aqoonteeda ayaa go’aamiya waxa ay khayaaliga ka halabuurto; waxa ay rumaysato
ama beensato; jeclaato oo kaydiso ama nacdo oo illawdo. Maanta dadka dunidu
khuraafaad badan oo soojireen ah ayey ilaaliyaan, waayo waxaa sawir malluug
ah iyo cod dinniiq ah lagaga helaa fekerkii iyo noloshii quruumihii hore. Ama
waxay noqon karaan sheekoxariir khayaaliga ilmaha lagu kobciyo.
Haddaba Dhegdheer iyo Geedismaris ma yihiin sheekoxariir
khayaaliga carruurta wax taraysa? Ama dhaqan wanaagsan ku barbaarinaysa? Ama
sooyaal u binniixinaysa? Waa maxay wanaagga ku jira in ilmo yar lagu
yidhaahdo: ”Dadkaagii hore waxay ahaayeen dadqallo iyo bahalo?” Waa arrin aad
looga xumaado in ay waxaasi manhajka waxbarashada weligood ku soo jireen
welina ku jiraan. Iska daa ilmo yar ee dadka waaweyn ayaanay ku habboonayn.
Sheekooyinkaas cadaawadda badan ee la inagu koriyaa waxay door weyn ku lahaan
karaan dhiigcabnimada iyo arxandarrada aynu ku caanbaxnay.
Waxaasi wax kasta oo kaleba ha noqdeen laakiin sheekoxariir
ma noqon karaan. In ay muddo dheer soo jireen macnaheedu ma aha in ay fiican
yihiin ama carruurta ku habboon yihiin. Haddana buug carruureed kasta oo
soomaali ah, goor la qoray, meel lagu qoray iyo cid qortayba, waxaas ayaa ka
buuxa. Qof kasta oo hawshaas u qalin qaataa waxaas ayuu soo urursadaa oo
ilmaha ku wadne gooyaa. Maxaa wax cusub loo halabuuri waayey? Mise waxaa la
moodayaa sheekoxariir in aan la samayn karin ee dhaqanka uun laga raadiyo?
Dunidu maanta waa ay isu wada furantay, wax walbana waa la
isdhaafsaday. Taa darteed ummad walba waxaad ku dhex arkaysaa sheekooyin
badan, gaar ahaan kuwa carruurta, oo afaf kale laga soo guuriyey. Haddaba in
kuwo cusub la halabuuro iyo in kuwo ummadaha kale la soo tarjumo ayaa dhaanta
in Dhegdheer oo dadka qalan jirtey iyo Arraweelo oo ragga dhufaani jirtey wax
macno leh la moodo.
Manhaj xumada ina haysaa dhaqanka oo keliya ka soo duxi
mayso ee debeddana waa aynu ka soo dhoofsannaa. Markii aan sheeko akhriska
bilaabay kuwii ugu horreeyey ee aan af soomaali ku helay waxaa ka mid ahaa
Roobinson Kuruusow (Robinson Cruose) oo uu qoray Daniel Defoe. Buuggaasi asal
ahaan wuxuu qayb ka ahaa dadaalkii feker ee ay reer yurub dunida ku
dullaysanayeen. Waxaynu og nahay maanta xataa dalalka caddaanka ah
manhajkooda waxbarashada in uu ka baxsan yahay. Haddaba waxa uu Ilaahay buug
badiyey Axmed Faarax Cali “Idaajaa” in uu carruurta soomaaliyeed kaas u
dooray waxay muujinaysaa aqoonta aqoonyahanka soomaalida ee iska dacalbasarka
ah.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
QORAALADII HORE EE IBRAAHIM YUUSUF
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com