Waxaa beyhan socotay sheekada ah Cabdillaahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi
Xaashi oo isku khilaafsan xil korodhsiga. waxaase yaabka yaabkii noqotay
halka Duq cabdillaahi Xil- korodhsiga dawladda iyo Baarlamaanka diiddan yahay
in Oday Maxamed Cabdi Xaashi ku adkaysanayo.
Haddaba Waxaa laga yabaa marka Boqor hebel lagu yidha in aad Maskaxdaada
ka sawirato Boqor Fahadka Sacuudiga o kale nin waddan dhan u taliya sidoo
kale ha sawiran dawlad udbeheedii iyo dhigaheedii wadata markaad maqasho
dawladda Puntland ama wasiir hebelka Puntland.
Markii dadkaa aaggaas deggani arkeen in aanu Hawiye weli dawladnimo diyaar
u ahayn welina u sii hammuun qabo fawdada iyo is-dhexyaaca. Isaaqna xanuunkii
kusii xumaanayo oo aan beryahan bogsasho laga filayn. ayey go'aansadeen bal
wax uun ay ku meel gaadhaan in ay amaamudaan.
Dastuurka Puntlaandna inkstoo uu qoran yahay haddana waaba ay yartahay
marka isaga dib loogu noqdo oo lagu kala baxaa. mar kasta arrimaha waxaa lagu
dhammeeyaa odayeyn iyo maslaxaad. alloy majiraa Wasiir ama xubin Barlamaan oo
akhriyey dastuurkaas. Ha layabin waa dad somaaliyeed.u qaado weliba kuwii ugu
ilbaxsanaa in ay yihiin.
Ilaa hadda intii ay dawlad goboleedkasi jirtey wax doorasho ahi ma dhicin.
Waxaase is weydiin leh waayo? Mase loo baahan yahay? haadii Haa.
Sidee wax loo dooran? Yaa wax dooran?.
Malaha waxaaba ay ku fiicnaan lahayd intaannu Galkacyo, Burtinle,
Balibusle iyo Bacaadweyn Sanduukhyo geyno dabeeddna nidhaahno 97% ayaa
Cabdillaahi yusuf dooratay. looma baahna cidna been loo sheegi maayo waddamo
shisheeyana la iska iibin maayo.
Waxaa jirtey khalad oo hore oo la smeeyey Markii Punland la asaasay kaas
oo ahaa in Dawladda ugu horreysaa Dastuur qorto, dabeed dadku u codeeyaan,
haddana doorasho la qabto xor ah xisbiyana la samaysto. mar dambe ayaa la
dareemay in waxaas oo dhammi aanay suurta gal ahayn waxaanuna uu yahay Maamul
Goboleed lagu gaadhayo dawlad qaran, dawladdaa qaran ee timaaddana ay ku
xidhan tahay in maamul goboleedka la ictiraafo oo uu sii jiro ama aan loo
baahnayan. waxaas oo hawl ah iyo dhaqaalena meel laga keenayo aan laga
fiirsan.
Marxaladda hadda lagu jiro ma suuro galbaa in Puntlaand shir loo
fadhiistaa? sow tan shirk Kenya waxii dhaqaale la hayey lagu bixiyo ma aha.
Xaggee laga keenayaa Dhaqalaha dhawrka kumanaalka ergey la siinayo dhowrka
bilood.
Sow tan dadkii abaartu laynayso oo wax la siiyaba la waayey maaha.
Sowtan duullaanka Isaaq soo yahay maaha. sow markii Caynaba iyo Ceerigabo
looga daba hadli waayey midkale ma soo doonan.
Midda kale ma u malaynaysaa haddii inta shir loo fadhiisto, ergo la xulo
dabeedna la yidhaa madaxweyne doorta. haddiiba ay dhacdo in ay nin aan
Cabdillaahi ahayn doortaan cabdillaahin Xaggaas iyo Keenya ku soo hungoobo
(Allow aanu ku soo hungoobine) uu aqbalo oo sidaa ku tago. ha sugin!!!!!!!!!!!.
Sow runtii arrika Cabdillaahi Yusuf Ha lagaa sheego ma aha.
Waxaa jirta in Baarlamaanka lagu qaybsado hab Qabiil. Haddaba qabiilkii
doonaya in ay xubnohoodii beddelaan si dhib yar kuwo cusub ha u soo
magcawdeen iyakoo aan wakhti iyo dhaqaale midna lumin.
Haddii wasiirada labeedlayan Dee Kolleyba Cabdillaahi ayaa magcaabi jireye
hadduu doona maantaba ha beddelo giddigoodba kolley Xashiish ma waayayee.
Hadal iyo dhammaantiis Maxamed cabdi Xaashina Xaqiiqduu ogyahay
Cabdillaahina Raad gadashuu wadaa..
waaxaba lagu sheekaystaa in ay tahay arrin ay isla ogyihiin oo dadka
Riwaayad loo jilayo.
Cawl Mareero
Sultaankii Cal-Miskaad
cawl_mareero@hotmail.com