Cismaan Jaamac Cali (Cismaan kalluun) oo hadda ku sugan
Magalada London ayaa dhexdhexaadin ka dhexwada Safiirka dalka Jabuuti iyo
Beesha Dir Koofureed,kuwaasoo isku khilaafay sidee loo qaybsan lahaa ergada
kusoo aadatanta Beelwaynta Dir.
Siyaasiyiin iyo oday dhaqmeedyo ka tirsan beesha Dir
koofureed ayaa dhawaan ka soo saaray shirka Mbgathi baaq ay uga dacwoonayaan
safirka Jabuuti u qaabilsan ariimaha Soomaaliya, ayagoo ku eedanaya inuu soo
faro gashaday arrimo ka baxsan howshiisa Diblumaasiyeed,oo uu wato bay
yiraahdeen dad aan haysan kalsoonida dadkay magacooda sheeganayaan,taasoo loo
malaynayo inay ula jeedaan Siyaasiyiinta rabta inay wax ku qaataan Degaanada
kasoo jeeda Somaliland
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inuu Cismaan kalluun
Xiriir la soo sameeyay labada dhinac kana codsaday in arimaha la qaboojiyo oo
ayna faraha ka bixin,waxaana dadkii uu la soo xirriray badiddodu ka codsadeen
inuu dhaqso u yimaado Nayroobi,si uu yareeyo Mashaqada ka dhalatay Ergo
qaybsiga uudhexeeya beesha Dir,waxaanse wali la xaqiijin inuu soo baxayo
Cismaan iyo in kale.
Masuul ka tirsan Dowladda ku meel gaarka kana gabsaday in
magaciisa la xuso ayaa ii sheegay in waxa la isku hayo ay ugu wayntahay
cadaalad xumo ka dhacday qaybsigii shirkii Carta oo waa siduu hadalka
udhigaye hadana la rabo in dulmigii ka dhacay Carta lagu dabakho Kan hadda ka
socda Nayroobi oo ay ka dhiidhiyayaan Dir Koofureed.
Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com