SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Wuxuu yiri Shajaac-Udiin:

“Goor aan marayo baadiyaha masar(Saceed) , waxaan arkey nin waayeel ah oo aad umadow, waxaa lajoogey caruur cad-cad(European color) oo aad uqurux badan; waxaan waydinay sida ay kudhacday isaga oo sidaan u’eg iyo caruurtiisa oo sidaan u’eg,

wuxuuna yiri:

“Caruurtaas hooyadood waa Faranji(european), waxaana jirta qisa nadhexmartey aniga iyo hooyadood”. Oo maxaay tahey sheekadu? Wuxu yiri:

“Waxaan aadey Shaam(Palestine, Syria, and Lebanon) anigoo dhalinyaro ah, markii ay qabsadeen Saliibiyiinta(Crusaders), waxaan ka kiraystay dukaan aan ku iibiyo dharka. Maalin anigoo dukaanka dhex fadhiyo ayaa waxaa iiyimid naag Faranji ah oo uu qabo mid kamid ah hogaamiyaasha Saliibiyinta. Waxaay aheyd naag aad uqurux badan oo layaabey sida ay usameysantahey.

Dharkii ayaan kasiiyey qaymo aad uhooseeya, kadibna waa iska baxday. Maalmo kadib ayey soo noqotey hadana sidii oo kale ayaan kasiiyey qaymo aad uyar. Waxay bilowday inaay igu soo noq-noqoto; anigana waxaan bilaabey inaan udhoolo cadeeyo. Waxaay ogaatey inaan jeclahey.

Mar aan is-hayn waayey jeceelkeeda dartiis, ayaan waydiiyey habar lasocotay: “Islaantan aad ban ujeclaadey ee sideen kuhelaa?” Waxay tiri: “Waa xaaskii hebel, abaan duulaha ciidanka! Haddii uu ogaado arintan, sedexdeenaba qoorta ayaa naloo jarayaa!”

Waxaan daba taagnaadaba, markii danbe ayey igu tiri habartii: “Keen 50 diinaar haddii aad dooneysid inaan kuu keeno” Waayahey waxaad iigu keeneysa gurigayga.

Waxaan kudadaaley sidii aan ku uruurin lahaa 50 dinar(waayo aad ayey u’adkeyd sida loo helo 50) ilaa aan isu keeney lacagtii oo aan siiyey.

Habeynkii kobaad.

Guriga ayaan kusugay ilaa ay ii timid. Waan casheyney, cabaar markii aan wada joogney ayaan ku iri nafteyda: “Miyaadan Allah kaxishooneynin? Maxaad sameyndoonta marka aad hor istaagtid maalinta xisaabta? Waliba mawaxaad Allah ucaasinaysa naag Christian ah?”

Cirka inta aan fiiriyey ayaan iri: “Ilaahayow, kamarqaati noqo inaan naagtan christianta ah kadhowrsaday xishood aan kaa xishoodey iyo cabsi aan kaqabo ciqaabtada!” Kadibna waan kakacay gogashii aan kuwada jiifney,oo waxaan kufariistey gogal kale.

Marka ay aragtey inaan isaga tagey ayaan istaagtey oo ay iska tagtey ayadoo xanaaqsan.

Subaxii dambe ayaan kukalahey dukaankeygii. Markii barqadii lajooga ayey isoo martey naagtii ayadoo ii xanaaqsan. Walaahi wajigeeda waxaad umaleynaysay sida dayaxa oo kale!

Markaan isha kudhuftey ayaan ku iri nafteyda: “Nacasnimo ayaa kuqaadey! Maquruxdan ayaa kudhaaftey? War mawaxaad ismoodey Abubakar ama Cumar Ibn Khadab? Mise caabidkii Juneyd? Ama saahidkii Xasan ahaa ?”

Waxaan bilaabey inaan kaqoomameeyo wixii aan xaley dayacay ee fursad ahaa. Markii ay soo laabatey ee ay dukaanka hormareysay ayaan lahadley habartii lasocotay oo aan ku iri: “Naa caawa ii soo celi!” Waxaay tiri: “waan dhaartaye kuu keenimaayo ilaa aad bixisid 100 dinar!” Waxan iri: “Boqol dinar! Waayahey waan bixinaya”

Boqolkii diinaar ayaan soo aruuriyey oo aan siiyey.

Habeynkii labaad.

Markii habeynka lagaarey ayaan guriga isku diyaariyey anigoo sugaya… waay timid ayadoo aad umoodid inuu dayax isoo qaabilay qurux darteed! Markii aan agfariistey ayaan dareemey Cabsida Allah… ‘sideed ucaasiya Allah naag gaal ah awgeed’ waan katagey markale Allah dartiis!

Subixii ayaan ku kalahay dukaankii ayadoo uu qalbigayga uu aad iyo aad ugu mashquulsanyahey naagtii. Markii ay hadana barqadii aheyd ayey isoo martey sidii caadada aheyd, ayadoo ii xanaaqsan.

Markaan indhaha kudhuftey ayaan bilaabey inaan isciil-kaabiyo “Maxaay kaga fakatey” intaan gaarey ayaan kacodsadey islaantii ii keentey inaay caawana soo celiso, laakinse waxay iigu jawaabtey: “ walaahi inaadan kufarxeynin ilaa aad bixisid 500 dinar ama sidaas ayaad kudhimanaysa”. Waxaan iri: “Naa waan bixinayaye ii soo celi caawa”

Waxaan go’aansadey inaan iibiyo badeecada dukaanka oo dhan oo aan siiyo si’aan ula kulmo hal mar ah. Goor ay arintu halkaas mareyso ayaan maqley nin Christian ah oo kudhawaaqaya suuqa dhexdiisa: “Yaa muslimiin! Hashiiskii naga dhexeeyey waa dhamaadey! Wixii muslimiin ah ee meeshaan tijaaro kuleh waxaan ukaadineyna hal isbuuc!”

Wixii alaab ahaa ee iga harey dukaankii aan horey uxaraashayey si’aan naagta usiiyo, ayaan xirxirtey, waana kacararey Shaam oo dhan.

Waxaan bilaabey kaganacsiga dumarka adoonta ee lagu soo qabsado Jihaadka. Waxaan xooga saarey sidii ay qalbigeyga ugu go’e laheyd naagtii quruxda badneyd ee aan kufidnoobi gaarey.

3 sano markii ay kasoo wareegtey, waxaa dhacay dagaal ay muslimiinta kufurteen dhulka xeebta ah ee Shaam.

Waxaa layga codsadey jaariyad(adoon) loo rabey boqorka muslimiinta haystey xiligaas. Waxaan hayey jaariyad aad iyo aad uqurux badan. Waxaay iiga iibsadeen 100 dinnar laakinse waxaay isiiyeen 90 dinnar; boqorkii ayaa yiri: “Usheega ha’aado meesha ay kuxareysanyihiin adoomada lagu soo qabsadey dagaalkii udanbeeyey ee faranjiyiinta ah. Ha kala baxo mid oo 10 dinnar ee u hartey ha uqaato”

Wixii aan xaaran kuwaayey oo aan xalaal kuhey!

Markii ay iga fureen iridka, mise, waxaa kujirta naagtii lafteeda oo lasoo qabsadey. Gacanta ayaan soo qabsadey. Markaan guriga geeyey ayaan ku iri: “Ma ixasuusata?” waxaay ii sheegtey inaay igaraneynin. Waxaan xasuusiyey inaan ahey ninkii dukaan lahaa ee aad kutiri: “Walaahi inaadan kufarxeynin ilaa 500 dinar bixisid! Waa ikana maanta kugu qaatey 10 adigoo adoon ah oo”

Waxaay kudhawaaqdey shahaada, kadibna waa muslintey oo waxaay noqotey qof diinleh; kadibna waan guursadey.

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Waxyar markaan joogney ayey hooyadeed soo dirtey santuuq.. markii aan furney mise waxaaba kujira 100 dinar oo gooni ah iyo 50 dinar(lacagtii aan siiyey) iyo waliba dharkii ay xiran jirtey markii aan arki jirey.

Ciyaalkan hooyadood weeya. Raashinka aan cuneyna ayadaa soo karisay. “Ninkii Allah dartiis wax ugu tago, Allah wuxuu siiya badal kafiican” Xadith.

Isha sheekada: Madhaalic ul-Budur by Dimishiqi.

Waxaa kasheekeynaya nin layirahdo: Shajaacudiin, oo amir ka ahaa Qahira.

Tarjumay: Adam Abuzuhri Al-Hassani.

Salaamulahi aleykum?

Al-Hassani

abuzuhri1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD