SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

HOGAAMIYEKOOXDYADDU MA U QALMAAN JAGADA MADAXTOOYADA EE SOMALIA

mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Hogaamiyeyaasha ku shiraya Nayroobi, kiinya ee somaliyeed siyaasadoodu . sida aan ka warqabno , waxa ay ku salaysantahay beel ama jufo, sida hadaan soo qaadano , Muuse Suudi,Cabdilaahi yuusuf, Qnayare, Caydiid, Cabdi Qaasim iyo dhamaan inta meesha joogtaa , mid walba waxa uu meesha u joogaa beel heblaayo , maxay heli iyo waa in ay madaxwayne noqotaa. Heshiisyada ay gaadheen waxa ka mid ah, ama hogaamiye walba la wayn sida loo soo xulayo Baarlamaanka , taas oo ay ku heshiiyeen in xulista baarlamaanka iyaka , hogaamiyeyaal , iyo Oday dhaqameedyada beeluhu ay soo dooranayaan xubnaha baarlamaanka, taas oo ay uga gol leeyihiin ama uga dan leeyihiin si ay hadhaw baarlamaanku ugu doortaan madaxwayne, iyada oo aan la socono in lagu heshiiyay in baarlamaanku yahay ka dooranaya madaxwaynaha.

Waxa jirta sida aan ka warhayno in ay tahay sida wax loo qaybiyay in ay ku salaysantahy beelaysi, oo afar beelo la yidhi iyaga ayaa ugu badan , markaana ha la siiyo tirada ugu badan ee baarlamaanka , tiraadaa oo sida aan u malaynayo is leeg ama ah ,4.5 . Hadaba haddii ay is leegtahay tirada baarlamaan ee la siiyay afrtan ama sadexda beel ku sheeg, doorashuna ku salaysantahay beelaysi, sidee ayay u kala baxayaan afartan ama sadexdan beelood marka midaba soo magacaabo madaxwayne, codkoodana ay siiyaan , miyaanay noqonayn afar madaxwayne, haddii ay mudaharaadaan beelaha lagu yidhi waa la idinka badanyahy oo ay diidaan in ay u codeeyaan madaxwayne ka socda sadexdan beelood?

Maxaa la gudboon beelahan lagu yidhi waa la idinka badanyahay, oo tirada ama xubnaha aad ku yeelanaysaan baarlamaanka way yaraanaysaa, marhadii beel ahaan la idinka badanyahay? Runtii waxa la gudboon in ay iskaashadaan oo codkooda siyaan mid iyaga ka mida , iskana ilaaliyaan in ay u codeeyaan madaxwayne ka socda ama ay soo doorteen kuwa la yidhi waxa aad tihiin 4.5. Kooxdan lagu timaamay kuwa kale ama others, waa in aanay noqon kuwo ay kala iibsadaan reer 4.5 si ay ugu kala baxaan, jagada madaxtooyada.

Hadaba hadii ay tahay rajada ama baahida ay hogaamiyeyaasha ku shirayaa Kiiniya Madaxwayne noqo , iyaga ku rajowayn baarlaamanka ay doorteen ama soo xuleen in uu magaacaabi doono ama u doorandoon madaxwayne, maxaa ay yeelayaan hadii ay iska dhex arkiwaayaan dawladda la dhisayo? Mase haboontahay nin siyaasadiisu ku salaysantahy beel in uu hogaamiyo qaran , Sida Cabdilaahi yuusuf, Caydiid ama Qanyare oo intaba matala beel ama jufo.

Haddii uu u noqdo madaxwaynaha ay Somalia doorato nin aan shaqo kulahayn kana soo horjeeda hogaamiye kooxdyada kana hortaga in ay jago ka qabtaan dawladiisa , hogaamiyekooxdyadu , ma qaadayaan wadadooda oo amar ma ku siinayaan maleeshiyadooda in ay hubka dhigaan kuna biiraan dawladda? Mise hogaamiye kasta meeshiisii ayuu ka sii wadayaa oo waxa uu odhanayaa ma aqoosani dawladda?

mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE SAMATAR

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD