ALSALAAMU CALEYKUM.
Akhristayaal waxaan daba socdaa sheekadii fitnada iyo darsiga aheyd ee ku
soo baxday boggaan
SomaliTalk, 28feb2004.
Anigu shakhsiyan gabadhaasi miskiinta ah imtixaankuna uu ku dhacay[ALLAAH
TOWBADDEEDII ha u aqbalo hana unaxariistee]soomalliyad umalayn maayo, sida
iiga cad cinwaanka[Fadeexada
Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah] haddii ay
soomaaliyad tahay waxaa la dhihi lahaa:[DULMIGA WALAASHA SOOMAALIYADDA
AH],iyo sida ay ula dhaqantay odaygeedii,iyadoo aan wax dhibaato ah ka
sheeganayn, bal ku amaanaysana khuluqiisa iyo khalaqiisa wanaagsan, haddana
sabab la 'aan isaga jeclaatay dad qal ugaarsade malcuuna ah,inkastoo dadkii
gaalada noogu dhoofay ALLAAH ha noo ilaaiyee ay DIIN door soomid halis
uyihiin, qof uun ALLAAH uu badbaadiyo maahanee, asagana is ilaaliya.
Sheekada aan sheegi rabo waxay ka dhacday SACUUDI CARAABIYA, waxaana lagu
sooqaatay KHUDHBATULJUMCAH,waxayna ku tacaluqdaa dhibaatooyinka telphonada
iyo dushashka, waana laba khudhbadood, sheekadiina sidaan ayuu khadhiibkii
uga hadlay:Waxaanan ku hormarayaa mida telphonka:
Nin ayaa guursaday gabar da'yar oo guri joogto aheyd,markii ay guriga
waalidkeed joogtay waxay isaga haasaawi jirtay telphonada,oo inta iska dirto
ayey wiilasha iskala kaftami jirtay, ayadoo aan wax ujeeddo ah ka lahayn,nin
ayaa guursaday,gurigii ayey ku cidlootay, inay marwo tahay way ilowday
sideedii ayey telphon isaga hadalkii billowday,wiil odageeda la dhashay oo
guriga qol ka dagganaa qolkiisana uu ku jiro telphon [prelal ah] ayaa la
kulmay gabadhii oo nin sidii ay doonto isagala hadlaysa,cajalad ayuu
sooqaatay wuu ka duubay wixii ay iskula hadlayeen,gabadhii ayuu yiri,ninkii
maxaad u sheegaysay? waxay ku tiri waxba: wuxuu yiri wixii aad isku
sheegayseen waan maqlayay waana kanaa hadalladiinnii oo cajaladdaan ku duuban!!!.
Miskiinah af libaax ayey ku dhacday, wuxuu ku yiri:haddii aadan isku kay
dhiibin cajaladda ayaan odagaaga dhagaysiinayaa,wuxuu shaydaan ku xanbaaray
inay fuxshi sameeyaan, ayadoo cabsidii ALLAAH SWT iska ilowday, laakiin
odageega oo aan waxna cadaabi karin waxna jannayn karin aye ka cabsatay.
Wiilkii shaydaanku duufsaday shaqadii shaydaannimada aheyd ayuu iska watay,
wuu ku caajizay, saaxiibkiis ayuu gabadhii ku yiri,haye asagana xasaabta ku
darso,markii ay is tiri diid tahdiidkiisii ayuu billaabay, way aqbashay!!!
laakiin akhristow maxaa dhici doona?
Saaxiibkii gabadhii wuu ka xaystay wuu soo dayn waayay,gabadha odageedii
ayaa gurigii yimid,xaaskiisii ayuu ka waayay gurigii,reerkoodii ayuu la
xiriray, waxayna ku yiraahdeen mahayno,meel walboo uu ku tuhmayay ayuu la
xiriiray,wuuna ka waayay, magaaladii oo dhan ayaa baaritaan loogu dhaqaaqay
ayadoo lala yaabbanyahay meesha gabadhii ka baxday!!!.
Wiilkii ninka la dhashay ee balada dhan billaabay saaxiibkiis ayuu ka
raadiyay meeshii uu ku ogaa una sheegay inay arrini gacantooda ka baxday lana
baadi goobayo gabadhii, kuna canaantay daahitaanka uu la soodaahay
gabadha,wuxuuba ugu jawaabay,war naagtu mid la dayn karo maaha,shaydaan ayaa
kula taliyay intaad isticmashaan labadiinnaba khaarajiya,intay isku
dhiidhiibeen ayay qudhiina ka jareen!!!
Lawaa gabadhii warkeediina shaac,nin bolis ah dadkii wax ka raadinayayna
ka mid ah oo meel buur ah iska maraya ayaa meeshii la duusantay,shaki ayaa
galay, wuu qoday saa qof dumar ah oo si xun loo dilay ayaaba ku aasan,qaylo
dhaan ayuu af labadii qayliyay,waa la isku soobaxay,maydkii baaritaan loogu
dhaqaaqay,waxaa la ogaaday in la kufsaday kadibna la dilay[wiilkii hawsha
ayuu geeskiisa uga jiraa,wax shaki ah lagama qabo,asagana wax cabsi ah maba
muujin] manidii ayaa la baaray[shahwadii]ugu danbaysay saa ninkii ayaa la
baaray shahwadiisii waaba isku mid,wiilkii walaalkii ahaa ayaa la qabtay jir
dil ka dib wixii ay dhigeen ayuu sheegay,meeshii ayaana lagu dilay asaga iyo
saaxiibkiisiiba.
Akhriste bal khasaarahaas fiiri xaas la'aan walaal
la'aan.ALLAAHUMMUSTACAAN].
Sheekada kale waa mid gaban casharrana ka buuxaan:
Laba nin oo wadaaddo ah ALLAAH dartiina isku jeclaa ayaa mid
geeriyooday,kii kale oo aad uga tiiraanyeysnaa geerida saaxiibkiis ayaa
seexday,wuxuu manaam[ru'yo]ku arkay ninkii saxiibkiis ahaa ee jeclaa oo
waxoogaa xaalad ciriiri ah uu ka muuqdo,wuxuu waydiiyay hebelow maxaa nooga
kaa danbeeyay? wuxuu ugu jawaabay KHAYR,kaliya dishkii aan gurigaygii geeyay
ayaa la igu haystaa.
Wadaadkii ru'yadii ayuu reerkii saaxiibkiis uga sheekeeyay kulana taliyay
inay geedkaas sharta ah guriga ka fogeeyaan, waa ka yeeleen taladiisaas
wanaagsan waana ka fogeeyeen xaaraankii reerkii.
Mar kale ayuu ku ru'yooday ninkii uu jeclaa oo loo raaxaynayo
bushaaradaasna reerkiisii ayuu uga sheekeeyay,ayagiina waa ku farxeen.
Sheekh IBNU CUTHIIMIIN oo KHUDHBATUL JIMCAH uga hadlaya geedkaas wuxuu
cinwaan uu uga dhigay YUKHRIBUUNA BUTUUTAHUM BI'AYDIIHIM.
H addaba waxaan iskula dardaarmaynaa inta ay goori goor tahay inaan SUNNAH
AL XASANAH jidayno ee aynaan sunnah al sayyi'ah aynaan jidayn si AKHARADEENNA
aynaan isaga cayaarin.
WALLAAHU ACLAM.
WALSALAMU CALEYKUM.
abdisalam elmi
jamaame61@hotmail.com
»
Fadeexada Paltalkga: iyo
Dulmiga Walaasha Muslimada ah