Karaloow damaaciga ayaan kaaga digeynaaye, naga daa
gumeysigii daarraa wuu na daashadaye.
Dibindaabyadii iyo kolkii aan diidnay amarkiinna, Alleylehe
dulqaadkaan ogaa kaa dafiri mayno.
Waa taa duqeydii la diray Maykal daba joogtay, waxa dibadda
loo aadi waa inaan dacwoonnaaye.
Xornimo doonistii iyo kolkaan sheegnay danaheenna, saantii la
daabacay kolkii lagula doodaayay.
Degennaanta waa lagu yaqaan dowladduu yahaye, ma uu diidin
waxaan doonayniyo kheyrkii daalacaye, waa tii damaashaad xornimo loo
dabbaaldagaye.
Idinkoo dad badan caawiya oo deeq u fidinaaya, uma baahnid
duullaan haddaad magac ku doonayso.
Halladaayo dooxaa biyuhu way dur-durayaane, ciddina kuuma
diidine wax badan waad daldalateene.
Haddurreyn dugaagnimada waa laga didaayaaye, macaamilo dadkoo
lala socdaa lagu daneystaaye.
Dabcigaagii fiicnaa miyaad daysan kari wayday, maxaa lacagta
kaa daadiyee dirirta kuu geeyay.
Dunidoo dhan baad garanaysaa dowga loo maro’ e, dabadhilif
maxaa kaaga dana dowlad baad tahaye.
Ragga dayso waxaan donaynaa kii dulqad badane, dib u noqo
gumeysigii dorraad doorkan socon mayo.
Deg-deg looma baahniyo fudeyd lagula soo doontay,
degenaashahaagii maxaa adiga kuu diiday.
Diimaha ILAAH baa lahe daaya murankooda, dadkoo wada
shaqeystaa ka roon dirir colaadeede.
Dilaalayntu waxay doonayaan diradirayn weeye, haddaan laga
digtoonaan fidnadu way ka sii dariye.
Dadkeyagan is kala daadiyey ee waayo badan daalay, iyagaa
daciifood cid kale lama dagaalaane.
Daalim baan ilaalini kalluun loo dal-dalanaayo, wax la loo
danleeyahayba waa daya awooddayda.
Dadka xarigga lala doonayee lagu dambaabaayo, dibin daabyo
kaan wadin ayaan daaya leeyahaye.
Waa maxay dareenkan batiyo qaylo dami wayday, Al-Qaacida la
doonayee duurka lagu sheegay.
Dalkayaga ma joogaan kuway nagu dacweeyeene, dulmi looma
baahnee haddaba beenta naga daaya.
Dunida ammaan noqota baa lagu duceystaaye, diin kale ma
daandaansannee dirirtu waa caynma.
Dano gaar ah baa lagu fushaa damacii waallaaye, dadka lama
kacshee nabadda waa lagu dadaalaaye.
Ducufada la sheeg-sheegayana waa la duufsadaye, dalkayaga ma
soo gelin karaan dabinno sheydaane.
Dur waxaan lahayn iyo anfaco la igu dagi maayo, digrigani
ALLAA soo dajoo waanu daaficiye.
Xaraf qurana lama doorin karo daa’in abidkiiye, waa waxa
dubaaqiyo qalbiga noogu daabacane.
Iimaanka noo daahiray baan daaya leennahaye.
W/TIRIYAY: HALGAME: AXMED -NUUR AW-MAXAMUUUD JIRRAB
MUQADISHO - SOMALIA
XORNIMO (GABAY XIISO BADAN)
Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye, iminkaana
dadkeenaan wixii daran u sheegaaye.
Dublamaasiygiisaan aqaan goor la doonaba’e, dibnahaaga waa
laga jiraa dir-diraynta’e.
Daa lama fidneeyee wixii daran ha faaleyne, suugaanta yaaban
lagu darin gabay la diidaayo.
Hoos looma daadago haddaad nabad la doonayso, dadku wuxuu u
baahan yahay hanuun lagula daalaaye.
Dowyada inoo wada fura oo daaya magaceenna, iska diida kaan
doonayn dib u heshiisiinta.
Dalku way isku wada baahanyahee nabadda deeqsiiya, dib
dambeysa yaan loogu noqon dirirtii shaydaane.
Duufaanka yaan laga warramin daqarraduu geystay, haddii
duumadii laga bogsaday dacar ha noo sheegin.
Duruufihii adkaa waa garteen in la daboolaaye, dushaa laga
tilmaamaa waxaa daaya leedahaye, deeq badane waa eebbaheen khayr ha inoo
dira’e.
Ma deg-dego ILLAAHEENNU wuu inoo dib dhigayaaye, Qur’aankuu
inoo soo dejiyuu noogu digayaaye.
Dambigaan falaynuu khalkhiga ugu dulqaataaye, Culummada
digriga haysa waa laga dambeeyaaye.
Dooqiisa kii aaminee xumaha deyn waaya, qof dayacay
naftiisoow adaa diiday wanaada’e.
Dambigiyo waxyaalladuna way kaaga sii dariye, qaniimada
dalkeennee dahsoon dayiba maayaane,
Wax yaroo daneysiya ayay darajo moodeene, dagaallada
sokeeyiyo fidnadaan daaya leennahaye.
Dadkeennoow heshiiyaa ka roon dood la badiyaaye, damiirkii
waddaniyaa xornimo doona weligiiye.
Nin kastoo dafiyayaana waa xaasid daalimahe, iimaankii soo
dega qalbigu wuu ku daahiriye,
Dabeyl caafimaad iyo heshiis ha idin daaweeyo, dulqaad waxaa
la farayaa inta samaha ku doodaysa, kuwa kheyrka loo diray ILAAH daa’imaa
garane.
Dalka iyo dadkiisaba ninkii daacad u ahaada, dalacaad ayuu
leeyahee nabad ha loo daayo.
Isagoo dareen qabin Bulshaday wada dakeeyaane, degmaduu
fadhiyo kaasi waa lagu duceystaaye.
Waxa cadowga daafici karaa dowladnimo weeye, ka durkaannu
leennahay qabiil waa daciifnimo e’
Daa dabin shisheeyuhu dhigtoo xoogga kala daadsha, daya
dowladdeenni Cartee aanu doorashada siinnay.
damaashaadnay waa tii markii loo dabaal-dagaye, dalka iyo
dadkaba waxaa la rabay inay daryeellaane.
Dulmi iyo dagaallaa ka kacay dagalladii qaare, dabadeedna loo
diid inay wada dadaalaane.
Waa la soo dardaaraye miyaan waano laga daalin, RABBI nama
dulleeyee maxaa nabad u diidaaya.
Danahooda mooyee xaqsoor daiyba maayaane, waa maxay
dugaaggani shacbiga daaya laga waayay.
Dadkooday dhibaayaan ayay darajo moodeene, Cumar Geelle
doorkii markuu dunida gaarsiiyay.
Quruummuhu siduu doonayay qalinka ku duugeenne, xornimo
doonsiteennii iyagaa dowlad noo dhaliyay.
Maantana diyaar bay u yihiin dib u dhis-keennaase, Quruummuhu
danteenay wadaan yaan la duudsiine.
Kuwii kuu damqday ee waqtigii adiga kuu daalay, bal ogow
dadaalkii Carte ee doonay sharafkeenna.
Libaax dunida kaalmaysay oo daacadaa jira’e, geesigaa
dalkiisii anfacee kheyrka nala dooni.
Doorroonaha Jabuutee na faray dib u heshiisiinta, kol hadduu
fidnada nooga digay diidnay oran mayno.
Dafiraadda iyo beenta wax la iska daayaaye, kii kuu dadaalaba
haddaad cay la daba joogto.
Danaheenna inaad caaridaan dowga maahayne, quursiga nin kuu
diiday oo adiga kuu doodi.
Oo dowladdeennii adkayd dooni inay waato, RABBIGEY haddaayee
maxaan ugu duceyn weynayn.
W/TIRIYEY:- ABWAAN AXMED-NUUR AW-MAXAMUUD JIRRAB
MUQDISHO-SOMAIA
Waano Guud: (Gabay)
Dad jeclaysigeennii hadduu dirir inoo keenay, waa wixii
dorraad laga damqaday hebello soo daaya.
Dadkoo loo sinnaadaa ka roon duul la saacido e, kolba qaar
durdurinaaya baa dayrka soo galaye.
Badowgii daboollani waxbuu dili yaqaannaaye, daneyste isku
dirayay maqlaan oon dan ka lahayne.
Dadkooday dhibayaan ayaan daaya leenahaye, waxa lagu
ducaystaa ammaan door la joogaba.
Dadkii calanka doonaa xornimo daacad u ahaaye, maba doonayaan
oo kuwaa wayba ka dudayaane.
Kolkay dayiba waayeen kuwii doonay sharafkeenna, waa waxa
dagaalka iyo fidnada loogu soo diraye.
Abidkood ma daayaan wixii loogu dowgalaye, dabarkii kuwii kaa
jaraa laga ducaystaaye.
Doqonnimo waa tii mar hore la isku keen diraye, dabacsanaan
dadkii lagu arkaa looga sii dariye.
Qaniimada dalkeennee dahsoon dayiba maysaaane, wax yaraa
idiin daran ayay kugu dagaayaane.
Sharafkeenna kii diiddan iyo daalimka ilaasha, dadnimadeennu
way fiican tahee nabad inoo daaya.
Dekedaha camiran xoolaha daarwaliba yaalla, nin dalkiisa
aaminay ayuu kheyr ku soo dagiye.
Dibadahaad wareegtaan ayaan daaya leeyahaye, dalal kalaad u
dhooftaan kolkaad keenna dumiseene.
Darbiyada shisheeyaha miyaad doorateen idinku, maxaa doonyo
fuul iyo ka dana biimo lagu daalo.
Dagirtiyo galleydiyo hadhuudh doona waa dherege, macdantaa ka
sii daran haddaan war iga doonayso.
Dalaggeena iyo beerahaa xoolahaa lagu dadaalaaye, dulli kii
jeclaadoow annagu dowlad baan nahay.
Dusha sare ba eegoo haddaba daawo calankeenna, magaceenna kii
diidayaad dabo ordaysaane.
Daciifnimada caynkaasi ah baan kaaga digayaaye, dacaayaadka
beenta ah ayaad soo daldalaysaane.
Nin waliba kuwii diidayoow daaya madaxdeena, dadka caaya uun
baad taqaan door la joogaba e.
Waxaad doonaysaa lama gartee beenta naga daaya,
degenaanshahaa lagu helaa darajo waa weyne.
W/TIRIYEY:- ABWAAN AXMED-NUUR AW-MAXAMUUD JIRRAB
Muqdisho – Soomaaliya
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Mohamed Hussein Jim'ale
jantiile12@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan