SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

March 11, 2004  

Baaq taageero ah oo ka soo baxay United Gedo People’s Council.

Anaga oo ku hadleyna magaca Golaha guud ee Midowga Dadka reer Gedo ee ku nool Diasporaha, waxaan si buuxda u taageereynaa isla markaana hambalyo iyo bogaadin u diraynaa go,aanadda ka soo baxay shirkii muddada dheer u socday waxgaradka, ugaasyada, odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta bahda Sade ee ka soo jeeda waqooyiga Gobolka Gedo.

Talaabadan waa mid taariikhi ah oo ku dayasho mudan saldhigna u noqon karta xal u helida mushkulada sal dhigi weyday ee Gobolka Gedo. Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa shaqsiyaadkii isku soo dubariday, ka soo shaqeeyay, waqtiga geliyay, fekerka iyo maskaxdii curisayna lahaa isla markaana suurto galiyay bartilmaameedkii shirkan taariikhiga ah oo ahaa inuu guuleysto.

Dadka iyo dhulka reer Gedo waxaa deeqi kara ama ay ku qanci karaan caddaalad, xaqsoor iyo hoggaan loo dhan yahay oo kaliye, si taas loo gaarana waa inuu qorigu bedalaa caqliga, lana furaa kanaalada wada hadalka maxaa yeelayay ummaddii caqliga ka curyaanta waxaa ka luma furaha fahanka oo horseeda horumarka bulshada.

Indheer garadka Sade ee ku dhaqan waqooyiga Gobolka Gedo waxay muujiyeen biseyl siyaasadeed, iyo inay mideeyaan isla markaana ururiyaan aragtiyadahooda iyo afkaarahooda kala gedisan. Waxay horseedeen talaabo ku dayasho muddan, waxayna tusaale fiican u noqdeen in laga gudbi karo caqabad kasta oo jirta si kastaba ha u dhib badnaatee. Meel aan nabadi ka jirin waxay la mid tahay meel aan biyo ka jirin, meel aan biyo ka jirina nolol kama jiri karto, sidaad darteed waa fekerka iyo fahankayaga in reer Gedo oo kaliya ay xalin karaan kana heshiin karaan khilaafka u dhexeeya. Waxaan u soo jeedinaynaa dadka kale ee reer Gedo in talaabadaan horey loo sii qaato taasna ay sabab u noqoto soo afjarista khilaafka iyo qalalaasaha siyaasadeed oo dabada dheeraaday.

Ururka Gedo Intellectual Movements wuxuu mashquul ku yahay xog ogaal u noqoshada aasaaska khilaafka Gobolka Gedo si loo soo afjaro, waxaana soo dhaweyneynaa cid kasta oo gardarada naceb, caddaaladana jecel. Waxaa kale oo aan soo dhaweyneynaa cid kasta feker iyo ficilba ka geysan karta soo gaba gabeyta xaalada cakiran ee Gobolka Gedo.

Waa Golaha Midowga Dadka Reer Gedo oo idin leh nabad, nolol iyo horumar. Guuleysta

1. Ali Malaaq Ahmed, Chairman, United Gedo People’s Council

2. Aadan Ahmed Colujoog, Vice-Chairman, Foreing Affiars

3. Abdulaahi Mohamed Hassan (dhafoor) Vice-Chairman, Interior Affairs

4. Hassan Ugaas Daahir, Spokesperson

5. Cumar Haashi, Public Relation Officer

Kala xiriir: aden7@msn.com

Go’aano ka soo baxay shirkii beelaha Sade ee Waqooyiga gobolka Gedo ee degmada Balad Xaawo

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD