SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 10, 2004  

Wareysi aan la yeellanay mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska

W/Wareystay:- Abuukar S. Diiriye (Farey) iyo C/casiis Maxamed Warsame.

Waxaa inoo suura-gashay inaan wareysi la yeelanno mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan waddanka Ingiriiska, kaasoo lagu magacaabo Bashiir Cusmaan XASAN oo ku magac dheer (Tuur-yare) wuxuna Wareysigii u dhacay sidatan:

Su’aal: Sidee dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan UK ay uga war-hayaan dadkooda, mise sameeyaan wax maal-gelin ah oo ay dib ugu soo noolaynayaan, adeeggii guud ee bulshada sida goobaha caafimaadka, isgaarsiinta, ceelasha, dayactirka wadooyinkii burburay iyo iskuullada, haddiiba ay jiraan yaad ka xusi kartaa?

Jawaab: Run ahaantii haddii aan kaaga warramo dadka ku nool waddanka Yurub gaar ahaan UK aad ayay u fara badan yihiin, waxayna u kala baxaan laba qaybood, sida dad dantooda yaqaan oo ka fekera mustaqbalkooda oo shaqaysta ama wax-barta oo og in wadankaan uusan ahayn wadankoodii, kuna tala gala inuu yahay mid ay ku meel gaar tahay noloshiisa, kana warqaba eheladooda meel kasta oo ay ka joogaan adduunka iyo weliba waajibaadka ka saaran dalkooda, waana kuwa lagu tilmaami karo dadka wax tari doona waddanka berri, dhanka kale waxaa iyaguna jira dad fara badan oo Soomaaliyyeed oo aan ku tilmaami karo waa dad shaydaan duufsaday marka aad fiiriso qaab dhaqankooda iyo waliba hadallada ay ku hadlayaan oo haddii aad weydiiso inuu wadankiisii hooyo ku laabanayo iyo in kale kugu qoslaya erayo jees-jees ahna kugu dhahaya, kuwaasi waa kuwa inta badan ku mashquula Night-Club ama caweysyada, marka dadku waa kala nuuc.

Su’aal: Dhib intee le’eg ayaad kala kulantaan qurbaha, maxaase ka mid ah waxyaabaha aad tabanaysaan, sida midab takoorka, shaqo la'aanta iyo dhaqan burburinta?

Jawaab: WALLAAHI…!! dhibaatooyin fara badan ayaa iska jira halkaan, waxaan ka xusi karaa dhaqan la'aanta iyo diinta oo laga fogaaday, waxaad arkaysaa marark qaarkood gabar yar oo waddadda dhexdeeda lagu dhunkanayo oo haddii aad waydiiso ama aad afka Soomaaliga kula hadasho kugu qoslaysa ama Luuqada Ingiriiska kugula hadlayso iyadoo aad mooddo in falkaasiba uu yahay wax lagu faano, tan shaqada haddii aan u soo laabto, run ahaantii wadankan UK waa mid aad ugu fiican dhinaca shaqada marka loo eego waddamada kale ee reer Yurub, laakiin maalmahaan dambe waxaa soo baxayay dad kale oo reer Yurub ah haba ugu badnaadeene Yurubta beri oo shaqo doon ah, kuwaasoo qabta shaqooyin badan taasina waa dhibaato ku soo kordhaysa Soomaalida iyo wadamada kale ee shaqo doonka ee ka yimid Qaaradda Africa, marka waxaad moodaa in shaqada ay ka sii darayso muddooyinkaan dambe.

Su’aal: Sidee ayay Soomaalida uga warhayaan shirka kooxaha soomaaliyeed ee ka socda waddanka Kenya?

Jawaab: Waxaa jirta in dadka Soomaaliyeed uu ku dhaqan Waddanka UK, gaar ahaan kuwa ku nool London ay si aad ah uga warhayaan shirka haatan ka soconaya waddanka Kenya, waxaad arkaysaa in Soomaalidu ay isugu timaaddo meelaha ama goobo ay Soomaalidu isku aragto kaga sheekeysanayaan sida uu u socdo shirka hogaamiyaasha kooxaha Soomaalida ee meesha uu marayo, iyo hadba wixii ku soo kordha shirka, waxaa kaloo jirta in goobaha loo yaqaan Internet Café-yada aad ku arki kartaa dad fara badan oo ku mashquulsan helitaanka wararka shirka Soomaalida iyo wixii ku soo saa’ida siyaasada Somalia, waana meesha ay soomaalidu ka hesho wararkii ugu dambeeyay ee shirka.

Su’aal: Marka Bashiir dadka Soomaalida ah ma kala hadlaan dowlada Ingiriiska inay iyadu taageerto shirka ka socda Kenya?

Jawaab: Sida aan la soco dowlada Ingiriiska waa dowladda sida xooggan u danaynaysa inuu najaxo shirka Soomalida iyo in Soomaaliya loo helo dowlad dhexe oo maamusha waddankeeda, waxayna dowlada Ingiriiska noo balan-qaadeen inay taageerayaan wixii ka soo baxa shirkaas, ciddii diiddana la soo saari doono maxkamad sababtuna waxay tahay waxaa jira dad fara badan oo Soomaaliyeed oo ku rafaadsan Wadankaan iyo qaar caafimaad xumo hayso oo waalan, taasina waa midda looga bixi karo waxay tahay in Soomaaliya loo helo dowlada dhexe oo daryeesha dadkeeda taabaaleysan si ay dowlada Ingiriisku uga yaraado culeyska hadda saaran.

Su’aal: Dhawaan waxaa soo baxayay warar sheegayay in dowlada Ingirisku ay xerooyin qaxooti ka samaynayso Waddanka Tanzania si loogu xareeyo dadka faraha badan ee ku soo qulqulayo Waddanka ingiriiska hadaba maxaa arrintaas ka jira?

Jawaab: Waxay shacisay illaa Afar Milyan inay ku deeqi doonaan dalka tansanya si xerooyinkaas loogu xareeyo waxaa arrindaas qal-qal gelisay dad badan oo Soomaali ah oo sharci ku lahayn walina go’aan laga gaarin dad illaa kumanaan dhaafaaya ayaa wali loo cusboonaysiin sharcigooda kaddib markuu ka dhacay inta badana ay sugayaa sanado badan marka waxaa laga yaabaa in la geeyo xerooyinkaas dadka aan sharciga wayn lahayn waa haddii ay ku guulaystaan inay xeradaas ka dhisaan Tanzania waa sida aan ka soo xirday Joornaalada ka soo baxa London iyo TV-ga marka dadka ku haminaya inay ku dhiibaan imaatinka UK illaa Kharash gaaraya $ 6000 ama $ 7000 waxaan ugu digi lahaa inay isaga shaqaystaan lacagtaas

W/Wareystay:- Abuukar S. Diiriye (Farey) iyo C/casiis Maxamed Warsame.
Wararysiga kala xiriir:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2004 

MAQAALADA DAD WEYNAHA EE MAANTA....

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD