Wafdi
balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane
Daahir Riyaale Kaahin ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaalaa bixinaya
dalkan boqortooyada ingiriiska maalinta arbacada ah ee bishan March tahay
17, sanadkan 2004.
Wafdigan uu hogaaminayo madaxweyne
Daahir Riyaale Kaahin oo ay ku jiraan xubno sar sare oo ka tirsan
golihiisa wasiirada, golaha baarlamaanka iyo golaha guurtidu waa kii u
horeeyey ee noocisa ah ee madaxweyne ka socda Jamhuuriyada Somaliland ku
yimaado dalkan boqortooyada ingiriiska mudo ku dhaw afartan sanadood.
Wafdiga uu madaxweynuhu
hogaaminayo waxa la rajaynayaa in uu la kulmo ra'iisal wasaaraha dalkan
ingiriiska Tony Blair, Ra'iisal wasaare ku xigeenka, wasiirka arimaha
dibada iyo madax kale oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee dawlada
ingiriiska, waxa sidoo kale uu khudbad saacad socon doonta ka jeedin
doonaa aqalka loo yaqaano HOUSE OF COMMONS.
Inta uu wafdigu booqashada ku
joogo dalkan boqortooyada ingiriiska oo ah muddo afar cisho ah waxa la
rajaynayaa in uu la kulmi qaybo kala duwan oo ka tirsan jaaliyadaha reer
Somaliland ee ku dhaqan dalkan boqortooyada ingiriiska.
Dhinaca kale waxa soo baxaya warar
sheegaya in ay jiraan qaban qaabada mudaharaadyo iyo banaabaxyo lagu
taageerayo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhici doona
wadada loo yaqaano Downing Street ee uu ku yaala xafiiska Ra'iisal
wasaaraha ingiriisku, isu soo baxaas waxa qaban qaabadooda ku mashquulsan
jaaliyadaha reer somaliland ee ku dhaqan dalkan ingiriiska, waxa kale oo
iyaguna aan meesha ka maqnayn abaabulka mudaharaadyo kale oo ay qaban
qaabinayaan jaaliyadaha koonfurta iyo gobolada waqooyi bare ee Somalia oo
lagaga soo horjeedo wafdiga uu hor kacayo madaxweyne Daahir Riyaale
kaahin.
Isku soo wada duuboo sheekada ku
saabsan booqashada Madaxweyne Daahir Rayaale ee dalkan ingiriisku waxay
noqotay mid maalmahan dambe oo dhan aad loo hadal hayo, haddii aanu nahay
bahda Somalitalk wararka uga soo tabiya dalkan ingiriiska iyo Ha'ayada
balaadhan ee warbaahinta ee GLOBAL MEDIA GROUP oo fadhigeedu yahay dalkan
ingiriisu waxaanu si toosa idiinku soo tabin doonaa haddii Ilaahay yidhaa
wararka ku saabsan booqashada wafdigan ka socda Jamhuuriyada Somaliland
ee dalkan ingiriiska ku soo jeeda.
Waa Walaalkiin
Hassan
Salahuddin
Somalitalk
Global Media Group
Leicester
United Kingdom
Telephone: 00-44-7904830522
salahuddin100@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2004
MAQAALADA DAD WEYNAHA EE MAANTA....
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO