March 10, 2004
Ogaysiis Muhiim ah iyo Wargelin Mudaaharaad.
Mohamoud Ibrahim Jama (Haji)
dalmaryare@btopenworld.com
Salaamu caleeykum Dhamman walaalaha soomaalieed Meelaad joogtaanba.
Walaalayaal sidaad la socotaanba waxa beryahan boggaga wararaka Soomaalida
ku soo baxayey warar sheegaya inuu Waddankan Ingiriiska uu booqasho ku
imaanayo ninka isku sheega inuu madaxkayahay Qayb kamid ah gobollada
waqooyiga Soomaaliya haddaba waxa iswaydiin mudan ujeddada ka ka danbaysa
socdalkani.
Sida aan xogogaalsaday badankiinuna aad ka warqabtaan ujeedadau waa fikrad
ay wataan dad dano gaar ah lihi oo ay ugu horreeyaan madaxkusheega maamulka
gobolada waqooyiga qaar ka tirsani, inkastoo dadka soomaaliyeed ee
gobolladaasi ku dhaqan badidoodu kasoo horjeedaan kala qaybinta ummada
Soomaaliyeed.
Waxa kale oo kooxdaasi kala shaqaynaya koox kale oo baarlamaanka
ingiriiska ka tirsani jagooyinse aan xil ka hayn maamulka dawladda, waa
qolyihii dhowaan socdaalka ku tegey Hargeysa, Nimankani MP-yada ahi waa niman
lagu yaqaanno CUNSURIYADDA ku salaysan dadka soo baro kacay ee magangelyo
doonka ah ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxa kaloo nimankaa intaa usii
dheerdano dhaqaale oo ay kula heshiiyeen maamulkusheega Hargeysa.
Haddaynu soo qaadanno arrinta xagga Cunsuriyadda/Faquuqa . Sida aad
lawada socotaan dhammantiin waxa beryahan danbe waddamada reer Galbeedka
kusoo batay nicitaanka dadka magangelyodoonka ah ee soo baro kacay gaar
ahaanna waddankan Ingiriiska in dad waynihii iyo siyaasiyintii
kacabanayaan dadka kusoo fatahay ee dhaxalsiiyey xataa in shaqooyinkii ku
yaraadeen dadkii waddanka udhashy, teeda kale dadka Qaxootiga ah lagu
biilo cashuurtii dadka waddaniga ah laga qaaday taasoo keentay in siyaasi
waliba isku dayo inuu kusoo baxo oo jaranjaro siyaasadeed ka dhigto si
uusan kursigiisa uwaayin, waxa la ansixiyey in sharciga loo diido dadka
magangeelyo doonka ah laguna celiyo waddankay ka yimaaddeen.. Haddaba
waxa adkaatay sidii loo celinlahaa dadka Soomaaliya kayimid maaddaama
Soomaaliya aanay dawladi kajirin la’aqoonsanyahay, kooxdan Mp-yada ahi
waxay la kulmeen koox goonni goosato ah oo Soomaali ah oo had iyo jeer
utaagan waxyeelada iyo hagardaamada ummada Soomaaliyeed oo ku gabbanaya
magic Qabiil iyo Gobolaysi, kulankaasi oo ka dhacay Koonfur-Galbeed
London (London Southwest). Waxa laysku afgartay in layskaashado qoloba
qolada kale Sallaan/Jaranjaro ka dhigato (Mutual Interest).
Waxa heshiiskaasi ahaa Hargeysa taga MP-yadoow kana soo warbixiya been
iyo runba isku dayoo sidaad dawladda ingiriiska uga dhaadhicin lahydeen
inay halkaasi nabad tahay Dimoqraadiyadi kajirto nabadgelyona ka jirto
dadka Soomaaliyeed ee halkaasi degganina uqalmaan inay goonni isu taagaan
Soomaalida kalena ay dadkan hore uwaxyeelleeyeen kala isirna yihiin.
Qolyihii MP-yada ahaana waxay yidhaahdeen annagaa arrintaasi
samaynaynee manoo oggolaanaysaan inaannu Qaxootiga Soomaaliyeed oo aannu
halkaa kucelinno wixii sharciga loo diiday ( Sida aad la socottaana
Soomaalidii waddankan soo gashay sannad iyo badhkii ugu danbeeyey wax
sharci la siiyey in ka yar 5%, 95%-gii kalena waa la diiday waxayna
sugayaan dib ucelin DEPORTATION)
Qolyihii Baarlamaanka Ingiriiska ka tirsanaa waxay oggolaansho
arrintani kasoo qaateen maamulka hargaysa halkan markay kusoo noqdeenna
Baarlamaanka ayaay soo hordhigeen in arrinkani laga doodo Feb 2004,
waxayna booqasho inuu halkani ku yimaaddo udiyaarsheen Maamulkusheegga
Soomaalidiidka Hargaysa, waxaa laysla afgartay haadii aqoonsi raadintu
usoconwaydo in lagu siiyo lacag celinta dadkaasi qaxootiga ah ee
Soomaaliyeed xerona looga oodo Galbeedka Hargaysa dabadeedna lacagtaa
laqaybsado.
Haddaan intaasi kaga baxo arrinta ka danbaysa booqashada Goonnigoosatada
Soomaalidiidka Hargaysa waa kuwee kuwa horkacayaa Goonni goosatadu?
Axmed Maxammed Adan (Qaybe) waa wasiirkii ugu danbeeyey ee
Arrimaha debedda Soomaaliya! Waa ninkii soo kireeyey diyaaradihii
lasheegay in lagu duqeeyey Hargaysa iyo nawaaxigeeda ee laga keenay
South Africa. Markuu Qaybe hargaysa ku laabtayna waa ninkii soo
qufayey xabalihii lasheegay inay ahaayeen maydadkii dadkii
Diyaaraduhu Duqeeyeen kuna baroortay. Waxase layaab noqotay meeshii
layslahaa maxkamad caalamiya haloo diyaariyo waxa abaalmarin loo
siiyey inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hargaysa CAJABAN!!!!!
Ina Ismaaciil Jirde waa Sameecaddi iyo Microphone-kii Maxammed
Siyaad Alle ha’unaxariistee waa ninkii Codka ukeeni jirey kana
qaadijirey baahinna jirey markuu hargaysa dib ugu noqday maxaa lagu
abaalmariyey? BAL ADBA!!!!!!!!!!!!!!!!!
Daahir Riyoole wa Taliyihii nabadsugidda Gobolka Sool muddadii
dagaalka sokeeye waa ninkii soo qaqabanjirey xidhina jirey dadka
Somaaliyeed ee asalkoodu Isaaqa yahay kuna samaynjirey jidhdilka iyo
handadaada taasoo sababtay dadkii kudhashay Laascaanood ee Asalkoodu
Isaaqa ahaa inay markii danbe isaga daraaddii uqaxaan qaarkii kalena
uu sirdoonkiisu soo qabqabtay ilaa iyo haddana reero dhan la layahay
meel ay jaan iyo cidhibba dhigeen. 1999kii Riyaale waxa loo beddelay
Taliyaha nabadsugidda Berbera waana ninkii sababay xasuuqii dad lagu
qiyaasay 5000 oo qof oo Isaaqa sida uu sannadkii tegay xilligii
doorasho kusheegga hargaysa ka caddeeyey Muuse Biixi oo Riyoole ku
dacweeynayey xasuuqaasi. Sida aad la socotaana markii Dawladdii
Siyaad madaxda ka ahaa burburtay Riyaale Berbera wuu kasoo qaxay
Boorame oo udahashayna oo udhoweydna muu aadin waayo wuxuu ka baqayey
Jabhaddii waqooyiga soo gashay inay dilaan illeeyn far iyo meel
bugtaa is oge wuxuu magangelyo isaga dhiibayLaascaanood! Riyaale
abaal marintiisii maxay noqotay in loo doorto madaxa Goonnigoosatada
Soomaalidiidka Hargaysa CAJABANNNNNN!!!!!!!!!!!!!!!
Waxase intaasi oo dhan kasii daran muxuu sameeyey markii hargeysa loo
doortay?
Wuxuu sameeyey inuu dadkii Soomaaliyeed ee aan udhalan Gobolladaasi
inuu masafuris /Tagxeel kusoo rogo oo laraafo taaso keentay gadhi waday
39 qof oo Soomaali ah oo asalkoodu ahaa Reer muqdishu iyo baydhabo oo
hargaysa laga soo raafay inuu ku guddoomo Laascaanod iyo garoowe
dhexdooda halkaasna ay ku nafwaayaan dhammaantood Mucjisooooooooooo!
In loo diido Seminaar Hay’ado Caalimi ahi wadaan macallimin ka timid
Boosaaso oo Hargaysa lagasoo celiyey Kadarannnnnnnnnnnn!!!!!!!!!!!!
In dib loo soo celiyo koox ciyaartooy ah oo ka tegey Xamar Hargaysana
utegey Ciyaaro ma’oga miyaa Sportisku inuu ka madax bannan yahay Qabiilka
iwm Badooooooooooooooooww!!!!!!!!
In laga masaafuriyo dadka Soomaliyeed ee Ogaden iyo Soomaaligalbeed ka
yimaada loolana dhaqmo si waxashnimo ah oo bani aadamnimada kabaxsan
Qaarna Xuduudda Ethiopia lagu daadiyo qaarna Amxaaro gacanta loo geliyo
Cadooooooooooowwwwwwwwwwwwww!!!!
In baabuur hayadeed oo ay qafaasheen dad udhashay reer hargaysa loo
xidho lix dhallinyaro ah oo reer Muqdisho ah ilaa iyo haddana ay xabsi
kujiraan Fulayyyyyy!!!!!!!!
In nin dadka dhaqanka xun (reer qawmu Luud) oo Gaal Swiss ah dilkiisi
loo xidho saddex dhallinyaro ah oo asalkoodu reer Muqdisho ahaa Qoodh iyo
Xero Laaweeeeeeeeeeee!!!!!!!!
Riyaale waa ninka xabsi ku riday BOQORKII NABADDA BOQOR BURMADOOW
kagana yimid xabsiga gudihiisa halka uu isagu dalxiiska ku marayo Yurub,
waxa taa kadaran inuu Riyaale diiday inuu la hadlo iska daayee inuu la
kulmo Dhammaan Madaxdhaqameedyadii Reer Togdheer ee rabay inay kala
hadlaan soo daynta Boqorka wuxuu kaloo diiday in lasoo booqdo boqorka,
intaana kagama hadhin Riyaalee wuxuu sameeyey inuu sirdoonkiisa iyo
maleeshiyadiisa udiro Degaankii Boqorku ka yimid si’ay falal Argagagixiso
uga fuliyaan waxayna halkaasi ku dileen 3 qof oo ka tirsan ehelkii
Boqorka iyo Taageerayaashiisii wuxuna ku dhaawacay 6 qof oo kale welina
waxa dulfadhiya Beeshii BOQORKA maleeshiyadii Riyaale
DHAQANLAAWEEEEEEEEEEEEEEEE!!!!!!!!!!!!!!!!!
In in in in in in ------------- miyaan soo koobi karaa----------------
Haddaba Akhristoow waxa xusid mudan dadkii walaalaha Soomaaliyeed ee
Gobannimada iyo Midnimada Dhiiggooda udaadiyey (bal fiiri hooyada
soomaaliyeed oo iyadoo Sagaal bilood ah xabsiga ugashay Midnimo iyo
gobbannimo soomaaliyeed ka eeg Somaliweyn.com) ee 1960-kii ku hadaaqayey
Soomalidi Midoowday Saxalkii Baxyoo samaatay------ Saddaexdii maqnaana
waysoo socdaane (Jabuuti, Reserve Area iyo NFD) iyagoo weli nool saw nasiib
darro ma’aha ina maanta Dhegahoodu maqlaan
Soomaalidi beloowday Saxalkii helyoo Sumoowday -------- labadii sinaadaa
sii kala ordaayee!!!!!!!!!!
Iyado anan hal maqaal ku soo koobi Karin dhacdooyinka Taariikheed waxa
xusid mudan daweynaha Soomaaliyeed Gaar ahaan dadka deggan waddanka
Ingiriiska in loo diyaar garoobo sidaynu ubeenayn lahayn Riyada Taliska
Goonni Goosatada Soomaalidiidka Hargaysa ka taliya ogaadana waxa lagu
muddaharaadayaa waa Maamulkee dadka reer waqooyiga ahi badankoodu wayka
qaybqaadanayaan bannaan baxaa waayo waa dad Soomaaliyeed oon diyaar u’ahayn
kala go’a Soomaaliweyn. waxa laydinaka Codsanayaa in codkiinna iyo
Muuqaalkiinaba ku taageertaan Bannaanbixii ugu waynaa ee Taariikhda
Soomaliyeed oo lagu wado Asbuucan dabayaaqadiisa inuu ka dhaco Magaaladan
London gaar ahaan Whitehall iyo Parliament Square waxaad la imaan kartaan
carrurtiina iyadoo ammaanka aad loo adkeeyey si,ay ubadkiinna ugu noqoto
Maalin Taariikheed oo ugasha Diiwaanka Xusuusta halkaasoo ay imanayan
Journalist caalami ah dad ka socda Television-ka iyo weliba dhammaan
saxaafadda Soomaliyeed qofkii xusuus gaara raboowna soo Qaado Camera aad ku
duubato Xusuustaa Qaaliga ah.
Waxa lagusoo bandhigayaa Maalinta iyo Saacadda boggaga Internet-ka
Soomaaliyeed .
Waxaan hadalkii kusoo laayey.
- Qurbojooggoow ogaysiis Qarankaynu lahaynbaa
- Qabri loo qodayaayoo kala qaybin utaagane
- Qaybe Dheere raggiisiyo Qalfoofkii ina Sheekh madar iyo
- Jirdihii qallallaa iyo Riyoolaa Qasirayee
- Qasaare weeye midoobiyo Qaaxo weeye lammanoo
- Qabri aan waxba deeqin iyo Qaaqlayaal is kubiiray
- Waa qushaashka Amxaarkiyo Qadaadweynta sawaaxili
- Dar ay qoys wadaagaanoo Uqadhaaba gumaysiga
- Qurbo joggoow ogaysiis Ka xorooba Qabiilkoo
- Qarankaa ka muhiimee Qaylo dhaantaa dharaartiyo
- Kaqaybqaado banaanbaxoo Qofna yaanu maqnaanoo
Qaddiyadiinna Mideeya.
Mohamoud Ibrahim Jama (Haji)
dalmaryare@btopenworld.com
Faafin: SomaliTalk.com |
March 10, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixanKulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|