March 10, 2004
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray
Warqad Furan
WARQAD FURAN (Open Letter)
Maarso 9, 2004
Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Hadal-keyga waxaan ku bilaayaa “wax weyddiin”
(su’aalo):
S (= su’aal):
Akhriyow (Soomaali) ma rabtaa in nabad,
xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo waddankaaga hooyo, Soomaaliya?.
J (= jawaab):
Waxaan filayaa in jawaabtu noqondoonto: HAA (maxaa
kale!).
S :
Sideebaa lagu heli karaa, xaggeese laga bilaabi
karaa?
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun
1964 - 15 Jul 1967 |
J :
Waxaan filayaa in lagu kala duwanaan karo
jawaabaha labadaan su’aalood. Haddiise, metalan, qof soo jeeddiyo in sida
lagu heli karaa ay tahay iyadoo la helo madax daacad ah, karti iyo aqoon dhab
ah leh, kasbi karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha, inkastoo ummaddii loo
kala qaybiyey reer-reer iyo qoys-qoys qoryo isu haysta. Waxaa laga bilaabi
karaa is-doorashada la filayo/rajeynayo in dhawaan laga sameeyo shirka dib-u-heshisiinta
ee ka socda dalka Kenya. Qofkee haya ra’yi ka mac-quulsan mid kaas? Ka dhig
iyadoo la isla oggolaaday jawaabahaan: Madax daacad ah…… oo lagu doorto
shirka Kenya.
Waa hagaag (fiican badan!). Ma ku heshiin
karnaa micnaha “madax daacad ah”?. Alle ha sahlo!. Dareenka guud ee haataan
ka jira ummada dhexdeeda, madax daacad ah “ waxaa badiba qofku u arkaa kan la
qabiilkiisa ah. Kaan ahayn qabiilkiisa daacad maaha, sidaa darteedna ma
oggola madaxnimadiisa. Haddii la ogsoonyahay in waddanku uusan yeelan karin
hal madaxweyne, hal ra’iisul wusaare iyo hal ra’iisul baarlamaan ka badan,
sidee la yeeli karaa? Markaas, labo talo midkood ayaa gudboon: ha la iska
illoobo midnimo iyo dawladnimo, oo aan ku joogno sida haatan xaaladdu tahay
iyo si ka sii xun; ama haddii kale, waa in dib looga fiirsado xikmadda ku
salaysan in wax kasta lagu qiimeeyo aragti qabyaaladeed keliya.
Inkastoo aan garan karo jawiga waqtigaas
jiray, weli waxaan rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti gaaban ayey ahayd
markii shirkii Carta (Arta), ee Djibouti, lagu sharciyeeyey in talada ama
maamulka qaranka saldhig looga dhigo fiiro qabyaaladeed (4.5). Intii ay
cambaareyn lahaayeyn qabyaaladdii sababtay xasuuqii iyo bur-burkii dagaallada
sokeeye keeneen, ee markaas ay ku dadaali lahaayeen soo noleynta ama xoojinta
wacyi waddaninimo iyo qowmiyadnimo (national consciousness and national
belonging), dadkii shirkaas ka qayb galay waxay, si aan toos ahayn
(indirect), muujiyeen in sababta dagaalladasi ku dhaceen ay jid/gar
ahayd, ee sidaas darteed qabyaaladdu, hadda ka dib, noqotaa mitirka talo
qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma loogu dhabba galay sida
nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed ay u heshiin karaan?
Waxaan rajaynayaa in ummadu badiba aysan
rabin inay ku sii jirto bur-bur iyo midnimo/qaran la’aan. Haddii taasi jirto,
soo waa waajib maaha in xoogga la saaro sidii fikradaas loo hirgalin lahaa ee
looga bixi lahaa xaaladda murugta iyo xanuunka weyn leh ee haatan lagu
suganyahay. Tallaabada ugu horreysa waa sidii loo heli lahaa madaxda MAANTA
loo baahan-yahay: daacad, caddaalad/sinnaan (eex qabiil iyo qaraabo kiil
la’aan) joogto ah, u hoggaansan sharciga iyo qaynuunka (“strictly observing
and respecting the rule of law”), uguna dhaqma awoodda (mas’uuliyada) lagu
sharfay in danta guud ay u adeegsadaan ee aysan u adeegsan danahooda gaarka
ah iyo kuwa qoysaskooda.
Haddii intaas kor ku xusan la isla garto,
waxaa soo haray sidii loo xaqiijin lahaa ama loo fulin lahaa. Waa arrin
daacadnimo, dadaal iyo geesinnimo u baahan, siiba dadka dhallinyarada ah ee
aayahoodu si gaar ah ugu xiran-yahay sugidda tallaabooyin kaas.
Waxaa loo baahnaan karaa in dib loo jalleeco
ama loo fiirsho wixii la soo maray 40kii sano ee la soo dhaafay, wixii dhacay
iyo sida ay ku dhaceen, iyadoo la iska ilaalinayo eedeyn, iyo been abuur aan
raad run ah taariikhda dhabta ah ku lahayn. Dib-u-jalleecaas waxaa badiba
loogu baahan yahay in la xasuusto qaladdaadkii dhacay si looga gaashaanto in
aysan dib u dhicin, horona looga socdo ee aysan naftoodu noqon caqabad.
Arar dheer ka dib, sidee “matoorka”
(‘engine”-ka) loo kiciyaa?. Mee furihii?. Furihii derbi dhagax ah ay ka so
keeya: waa qabyaalad iyo tiro ku faan. Bal wixii ka horreeyey iska daaye,
14tii sano ee dagaallada sokeeye socdeen, maxaan ka helnay qabyaalad iyo tiro
ku faan?. Jawaabta laga filan karo qofkii daacad ah amase dan gaar ah wadan,
waa balo, baas iyo bur-bur aan sahal looga soo kaban doonin.
Ku soo dhawow arrinta dulucdeeda: Sidee loo
heli karaa madax suubban oo si daacad ah u rumeysan nabadeynta, dib-u
heshisiinta, isu soo dumidda iyo dhayidda dhaawaca weyn ee colaadihii sokeeye
reebeen; madaxdaasoo, isla mar kaasna, xooggooda iyo kuwa dadweynahaba isugu
gaynaya dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta qaraneed/dawladeed si loo soo
nooleeyo ama celiyo sharaftii iyo magacii ummadda.
Waxaa Soomaalida qaarkeed tiraahdaa: “NIN
YIRI ANIGA’, dad iska reeb”. NIN waxaa looga jeedaa QOF. Anigoo taas
tix-raacaya, waxaan soo jeedinayaa, ka dib markaan in muddo ah arrintaan ka
fakaray oo ka fakaray, in maanta arrinta dhabbe cusub loo jeexo. “Bal
shab-shablana ku day “ (waa maah-maah). Maxaan ula jeedaa dhabbe cusub?. Sida
la wada ogsoon-yahay, waxaa jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu
fiirsanaya ama u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan reer si
weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko muddo dheer soo socotay, welina
socota. Dadweynaha kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.
Hoggaanga xukunka oo labada reer (D iyo H)
midkood ama labaduba qabtaan wuxuu noqon karaa qoryo xansaso ah oo dab la
saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen wacyi waddaninimo iyo horumar guud,
waxay waqti iyo maalba ku lumen-doonaan tartan, awood ku looltan(power
struggle) iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo deg-deg u horseedi karta colaad
cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas cad ayaa laga qaadan karaa
sansaanka iyo “record”-ka dadka maanta walaalahay D iyo H safka hore ugu jira
loollanka hogaanka xukunka.
Ummadu waa ka daashay dagaal iyo xunguruf ku
salaysan qabyaalad, oo koox yari danaheeda gaar ah ku beer dulucsato.
Dadweynahu taas waa ku liqanyooday, waxaanaan rajaynayaa inuu ka soo jeedo.
Wuxuu maanta doonayaa (maaha u baahan-yahay) nabad, xasillooni, dib-u-heshisiin
iyo dib-u-dhisid, si uu uga soo kabto bur-burkii iyo barakacii uu ku soo
jiray in ka badan 14 sano.
Sidaas darteed, daawadu maanta waxay ku
jirtaa in labadaan reer ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya
jagooyinka qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul Wusaare 5ta
sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo doortaa madax ka soo jeedda
dadweynaha kale ee aan ku abtirsan labadaas reer (D iyo H).
Dadweynahaas kale wuxuu tabanayaa, dhabna
ah, xaq darrooyin iyo tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo badibana wax ka jiraan
(si ay ku noqotayba), in laga bursaday talada/ maamul qarameedka, ilaa
qaarkood ku dhawaaqay goosasho. Arrimahaasu garowsho iyo daawo ayey u
baahanyin ama mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn loo tixgelin
waayo.
Walaalahay D iyo H waa inay si fiican uga
fiirsadaan taladaan. Kursi qof iyo labo ku fariisato, waxaa ka faa’ido badan
daryeelka danta guud. Waa ogahay in qofkii rabaa oran karo dad gaar ah ayaa
Cabdirisaaq ula jeedaa taladaan. Anigu waxaan leeyahay, oo iga dhab ah, qof (qofaf)
toona ulama jeedo. Waa arrin iigu muuqatay in daawo ay u noqon karto xaaladda
maanta lagu suganyahay. Waa talo dabin looga boodayo, ee maaha mid loola
jeedo “joogto”. Waa shan taan sano oo lagu magacaabay “Ku Meel Gaar (KMG)”.
Xukunku maaha, oo keliya, madaxweyne iyo ra’iisul wusaare, iwm. Walaalahay D
iyo H saami weyne ayey ka qaadan karaan maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari
karaan dowr weyn dib-u-heshisiinta iyo dib-u-dhiska qarankooda, waana ku
waajib. Sidaas bayna magac, muunad (sharaf) iyo tixgelin weyn kaga kasbi
karaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo qiimo
badan xaqaaga oo aad uga tanasushay daryeelka danta (maslaxadda) guud ee
Qaranka?
Madaxweyne Aaden Cabdille Cusmaan (Aden Adde)
waxaa laga dhaxlay erayo qiimo weyn u leh nidaamka ku dhisan in talada
qaranka loo simanyahay. Wuxuu mar ka badan fagaare kaga dhawaaqay: ‘Dadku ha
kala barto raggiisa (madaxdiisa)’. Muxuu ula jeeday?. Wuxuu ula jeeday :
xukunka waa in loo sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo dhiibaa, si
dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u caddaato in qof/qofof
ama reer/reero gaar ahi aysan si joogto ah u layn hoggaanka xukunka. Haddii
aan si kale u dhaho. Wuxuu, Mudane Aadan, u la jeeday in qabashada
mas’uuliyad qarameed “yuu yahay” aysan muhim ahayn ee “muxuu yahay”
ay tahay su’aasha loo baahanyay.
Waa in la gaaraa maalin la’ ogaado in tiro
qabiil aysan noqon karin mitirka wax lagu jaangooyo, ee mitirku noqdaa heer
aqooneed, daacadnimo, dadaal gaar ah, caddaalad, dammiir ama dun fiicni, Alle
ka cabsi, iwm. Faraqa ku jira “Yuu yahay” iyo “muxuu yahay”
waxaa metaal ama markhaati cad, oo la taaban karo, u ah Mudane Aadan Cabdulle
qudhiisa. Daacadnimadiisa, eexasho la’aantiisa, dadaalkiisa iyo kartidiisa (muxuu
yahay ) weeye wuxuu ku kasbay in lagu magacaabo: “Aabbihii Qaranka”
(Father of the Nation).
Haddii, sidaan rajaynayo, taladaasi saameyn
yeelato, markaas waxaa lagama maar-maan ah in la helo madax leh tilmaamaha/sifooyinka
kor ku xusan iwm, oo la rajayn karo inay kasbi karaan, haddii fursad la siiyo,
kalsoonida dadweynaha, iyagoo mar kasta xasuusan sababta ay hoggaanga ku
kasbeen iyo iyagoo ficil ku muujinaya in “muxuu yahay” ay ka
khayr roonaan karto “yuu yahay”.
Eebbow adigaa naga og wixii khayr ah, ee na
waafaji, aammiin.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore
hussen100@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
March 10, 2004
QORAALADII HORE EE C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Dhanbaal u
socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta
Ma runbaa in shirkani yahay nabadayn mise waa abaal marin qabqablayaasha
dagaalka?
Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa
Soomaaliya!
Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
oo AfSoomaali Loo Rogey:
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|