Dowladaha dhaqaalaha shirka
bixiya oo kulan iskugu yimid magaalad Nairobi
- Soomaalida ku sugan
xunta Embagathi oo loogu baaqay in ay ka guuraan
- Shirka Kenya: Dhibaato ka taagan qaybsiga baarlamaaka ee beelaha
Dowlaha bixiya dhaqaalaha
shirka dib u heshiisiinta ayaa maanta (June 8) shir iskugu
yimid safaarada talyaaniga ee magaalada Nairobi.
kulankaan oo ahaa mid qaas ah
oo ay albaabadu xirnaayen waxaa ay sheegeen in waxa ka soo
baxa iyagoo qoraal ah barri loo gudbin doono IGAD,iyadoo
arrinta ugu wayni ay tahay dhaqaalaha ay bixiyen dowladahan
tan iyo intii uu bilowday shirka dib u heshiisiinta
soomaalida sanadkii 2002-da,iyo wali daymaha lagu sheeganayo
ergada ku sugan hotelada iyadoo kii ugu dambeyay maanta ay
soo sheegteen xarunta ugu wayn ee ay ergada ugu badan dagan
yihiin ee KICC (Embagathi)
beesha caalamka ayaa waxaa ka
muuqda caajiska dhinaca dhaqaalaha ah taasoo ka dhalatay
natiijaa la,aanta shirka iyo khliaafaad u dhexeeyay wadamada
safka hore ee IGAD,beesha caalamkuna ay xiligan aad ula aad ula
yaaban yihiin dhaqaalaha ay bixinayaan iyo daymaha
soomaalida lagu sheeganayo ee hotelada looga saarayo
kulankan ayaa la saadaalinayaa
in go,aamo wax ku ool ahi ay ka soo baxaan iyadoo beesha
caalamkuna ay markan talaabo adag qaadi doonaan kuna wajahan
dhaqaalaha shirka.
Sidoo kale gudoomiyaha ururka
jaamacada carabta oo ka qayba galayay xafladii heshiiskii ay
suudaan ku gaareen magaalada naivasha oo lagu qabtay
madaxtooya kenya ayaa sheegay in jaamacada carabtu ay bixiso
dhaqaalaha shirka qayb ka mid ayna sii wadayaan ilaa inta
xal laga helayo isagoo ugu baaqay hogaamiyaasha soomaalidana
in ay ilaaliyaan mas,uuliyada shacabkooda ka saaran.
Dhinaca kale warqad qoraal ah
oo xalay ka soo baxday maamulka Embagathi ee ay dagan yihiin
ergada soomaaliyeed ayaa lagu wargaliyay in ergadaasi ay ka
guuraan saakay.
Sababta keentay in xiligan oo
uu shirku ku jiro wajigii 3aad ergada loo saaro banaanka
ayaa ka dhalatay markii ay maamulku ka cawdeen xaga qarashka.
Arrintan oo aan ka wareystay
qaar ka mid ah ergada ayaa ii sheegay in aysan ka guurayn
illaa boorsooyinkooda banaanka loo saaro. ergada ayaa ku
jira xili ay si wayn iskugu diyaarinayaan ka mid noqoshada
xubnaha baarlamaanka.
Hogaamiyaasha siyaasada oo aan
qaarkood arrintan wax ka waydiiyay ayaa ii sheegay in aysan ka
hadli karin kuna tilmamay mid dhaqaale oo u dhaxaysa IGAD
iyo IPF, balse ay ka warsugayaan wax ay maamulka IGAD ka
qabtaan iyagoo caawa la filayo in ay kulan arrintan kala
yeeshaan maamulka xaruntaasi.
Dhibaatada gurya ka saarida
iyo u hanjabida ergada ayaa noqatay mid soo noqnoqata iyadoo
dhawaan wasiirka amaanka ee dowlada kenya Mr.Christian
Mwangala uu sheegay ku soo badashada ergada dalka kenya in
ay wax u dhimi karto amaanka iyo xasilonida dalka iyadoo ay
dadkuna si wayn xiligan u joogaan goobaha shirarka iyagoo
quudarayna in ay ka helaan kursi baarlamaanka.
Dhinaca kale waxa jira
dhibaato ka taagan qaybsiga baarlamaaka ee beelaha iyadoo
shirarka ay isku yimadaan maalin walba beeluhu uu ku
dhamaado guul daro iyo fashilaad taasoo ka dhalatay is
fahamka ugaasyada beelaha iyo siyasiyiinta oo aan
wanaagsanayn.
Gudiga fududeynta ayaa ka
cabanaya in aysan wali haynin xubihii laga rabay beelaha ee uga qaybgali
lahaa guddiga xalinta khilaafaadka,iyadoo dhibka ugu wayna
ku sheegay in uu yahay magacyo is burinaya oo ay beeluhu
soo wada gubinayaan iyagoo sheegaya in kuwasi aanay ahayn kuwo
jira,taasina ay ka dhalatay heshiis la,aanta iyo beelaha oo
aan isku niyad wanaagsanay
Ugaasyada beelaha oo aan
arrintan wax ka waydiiyay ayaa ku eedeeyanaya siyasiyiinta
in ay dhinac u riixayaan odayaasha iyagoo ku tilmaamaya in
siyaasada iyo dhaqanku aysan shaqo isku lahayn.