W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah
ee gacanta ku haya Dhaqaalaha uu ku socdo Shirka
Somalida ee Iminka galay Wajigiisii Sadexaad ayaa maanta
kulan ka yeeshay sidii ay wax uga qaban lahaayeen
Dhaqaala Xunida Soo wajahday Shirka Somalida.
Sida ay sheegayaan warar ku dhow
dhow Kulankaasi ay isugu yimaadeen Deeq bixiyayaasha
Shirka Somalida uga Socda Dalka Kenya in kulankaasi
waxyaabaha ugu waa way nee looga hadlayo ay tahay sidii
wax looga qaban lahaa Cabashada Dhinaca Dhaqaalaha ee
baryahan soo foodsartay Shirka Somalida.
Arintan ayaa timid kadib markii
ay soo shaac baxaday Ergooyinka Somalida ee ka qeyb
galaysa Shirkaasi oo ku Cataabaya inay haysato
dhibaatooyin isugu jira Hoy la’aan iyo Cuno yari,iyadoo
ay intaasi ku darayaan inay xitaa ay la’yihiin Wax uga
soo jawaaba Cobashooyinkooda ku aadan Cuno la’aanta iyo
Hoy la’aanta.
Sida ay ku soo waramayaan
Wariyayaasha ku sugan Magaalada Nairobi ee u dhuun
duleele Shirka ay isugu yimaadeen Deeqbixiyayaasha
Shirka Somalida ee iminka galay Wajigiisii Sadexaad ee
Awood Qeybsiga waxaa kulankaasi loo diiday inay ka
qeybgalaaan Warbaahinta oo idil,waxaana ay intaasi
Raaciyeen in waxa ka soo baxa ay Deeq bixiyayaasha iyada
oo Qoraal ah ay u soo gudbin doonaan Dhamaan Saxaafada
Maanlinta Bariya ee Fooda inagu haysa
Inta ay Shirka ku jireen Deeq
bixiyayaasha Shika Somalida ee looga doodayay sidii wax
looga qaban lahaa Hoy la’aanta iyo Cuno la’aanta ay ka
cabanayaan Ergooyinka Somalida ee ka qeyb galaya
Shirkaasi ayaa waxaa soo baxay Amar kasoo baxay
Milkiilayaasha Hoteelada ay Daganyihiin Ergooyinka
Somalida oo lagu amrayo inay isaga Baxaan Hoteeladooda.
Ma ahan arintan mid iminka soo
baxday ee waxaa ay soo socotay ilaa iyo intii lagu jiray
Wajigii Labaad ee Shirka Somalida,waxaa horay arintan
ugu hadlay in badan oo kamid ah Hogaamiyayaasha Somalida
ee ka qeyb galaya Shirkaasi,waxaadna moodaa in aan Dhag
jalaq loo siin waxa ay dalbanayaan,waxaana sidoo kale
horay u dhacday in Qaar ka mid ah Ergooyinka Shirkaasi
goobjooga ka ah laga saaray hodheeladii ay ka
daganaayeen.
Dallada Culumada Somaliyeed ayaa maata ugu baaqay
qeybaha ku Dagaalamaya Deegaanka Diinsoor ee Gobolka
Bay.
Dallada Culumada Somaaliyeed oo
maanta yeeshay Kulan ay uga hadlayeen sidii ay wax uga
qaban lahaayeen Dagaalada ka qarxay Deeganka Diinsoor ee
Gobolka Bay,waxaana ay sheegayn inay loo baahan yahay
inlaga waan toobo dhamaan Dagaalada Sokeeye ee ka socda
qeybo badan oo ka mid ah Somaliya.
Kulan kan ayaa waxa goobjoog ka
ahaa Culumo owdiin kasoo jeeda dhanacyada ku Dagaalada
Deegaanka Diinsoor,waxana ay halkaasi ka sheegayn inay u
guntan doonaan sidii ay ku joojin lahaayeen
Dagaaladii,sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay
Xiriir la soo sameeyeen Odayaasha iyo Wax garadka ku
sugan Deegaanka Dinsooor oo ay sheegayn inay ku balameen
in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo Dagaaladaasi.
Dagaaladaasi ka socda Deegaanka
Diinsoor ayaa hareeyay Dhamaanba isu socda Deeganada ku
teedsan Gobolka Bay oo ay ka tirsan tahay Dagmada
Diinsor oo ah meesha ay ka socdaan Dagaalada
Sokeeye,iyadoo lagu soo waramayo inay halkaasi ka qaxeen
Dadwayne aad u farabadan oo ku barakacay Dagaaladaasi
Sokeeye.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com