Siyaabaha Looga Ganacsado Saamiyada (Stocks)
C/risaq M Xusen.
University of Gävle, Sweden.
habdirisak@hotmail.com
Waxaa ilaa soddonkii sano ee la soo dhaafay, aad iyo aad u kordhay dadka
maalgelinta ku sameeya suuqyada saamiyada ( stock markets). Haddaba
qormadeenaan waxaan si guud ugaga faaloon doonaa siyaabaha ay u shaqeeyaan
suuqyadaas saamiyada lagu kala iibsado iyo weliba waxyaalaha muhiimka u ah
qofka doonaya inuu maalgelin ku sameeyo suuqaas.
Maxaa loola jeedaa saami ( partial ownership)?
Saami; waxaa kolkii laga hadlaayo dhaqaalaha loola jeedaa lahaansho, uu
qofku leeyahay qayb ka mid ah shirkad. Qaybtaasi waxaa ay noqon kartaa mid
aad u weyn tusaale ahaan 80% ama mid aad u yar sida 0.5%. Haddii aan soo
qaadano shirkada weyn oo Iswiidhishka ah ee baabuurta sameys ee VOLVO.
Haddii maanta shirkadaas la qiimeeyo, waxaa uu qiimaheedu noqonayaa mid aad
u badan. Waxaana aad u adag inuu hal qof oo keli ahi shirkadaas iibsado.
Balse waxaan sidaas u dhib badneyn inuu qof gato qayb yar oo shirkadaas ka
mid ah. Haddii aad kun dollar gashatid shirkadaas VOLVO, waxaad ka mid tahay
mulkiilayaasha shirkadaas oo wakhtigan xaadirka ah ka badan ilaa 175 000
mulkiile. Balse ogow saameynta aad ku yeelan kartid arimaha iyo maamulka
shirkadu waa mid aan gebi ahaanba jirin. Sababtoo ah saamiga ama qaybta aad
shirkada ku leedahay ayaa ah mid aad u yar. Taasi ma aha wax lala yaabo
maxaa yeelay hadba inta aad saami shirkada ku leedahay ayey ku xiran tahay
awooda aad shirkada ku leedahay. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in aaney isku
awood ahayn qofka shirkada ku leh 20 kun oo saami iyo kan leh tobban saami
oo keli ah.
Shirkadee ayey haboon tahay in saami lagu yeesho?
Suàashaan waa mid dadka ka ganacsiga saamiyada xiiseeyaa ay mar walba is
weydiiyaan. Waana suàal dhab ahaantii muhiim ah: Shirkad kasta ee suuqa ku
jirta miyaa saami laga iibsan karaa? Maxayse yihiin arimaha la doonayo inuu
qofku tixgelin siiyo inta aanu lacagtiisa gelin saami shirkadeed?
Ugu horeyn waxaa lagama maarmaan ah in qofka doonaya inuu ka ganacsado
saamiyada uu ahaado mid waxuun aqoon ah u leh shirkadaha kala duwan ee ku
jira suuqa saamiyada lagu kala iibsado (stock exchange markets). Sababtuna
waxaa weeyaan iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee shirkadahaasi ay si aad ah isu
bedbedelaan. Waxaad arkeysaa shirkad saamigeedu uu shaley qiimo fiican lahaa
oo maanta uu mar keliya hoos u dhacay. Haddaba arimo dhowr ah ayey muhiim
tahay in la falanqeeyo inta aan shirkad maalgelin- saamiyeed lagu sameyn.
Arimahaas waxaa ka mid ah kuwa soo socda:
Faaìidada shirkada: Waxaad ugu horeyn baaritaan ku sameyneysaa faaìidada ay
shirkadu soo saartay sanadihii la soo dhaafay iyo weliba kan lagu guda jiro.
Taasna waxaad si sahlan uga ogaan kartaa warbixin sanadeedka ay shirkadu soo
bandhigto. Haddii uu kugu adkaado fahamka waxyaalaha ku qoran warbixin
sanadeedkaas, waxaad la kaashan kartaa dad aqoon u leh arimaha dhaqaalaha.
Waxaad kaloo baaritaan ku sameyn kartaa warbixinta gaa-gaaban ee shirkaduhu
soo bandhigaan saddexdii biloodba mar.
Waxaa kaloo iyana wanaagsan inaad bal akhrisid warbixinada kale ee ay
shirkadu kaga hadleyso qorshaha shirkada kolkii la eego mustaqbalka. Waxaa
iyana door mudan in la eego siyaabaha kala duwan ee ay shirkadu u
isticmaasho faaìidadii soo gashay.Waxaad weliba si gaar ah u derseysaa
faaìidadu halka ay martay. Ma dadkii saamiyada shirkada ku lahaa ayaa loo
qaybiyey mise dib ayaa shirkadii loogu celiyey oo maalgelin baa lagu
sameeyey. Labadan nidaam ee kala ah in faaìidada la qaybsado iyo in dib
maalgelin loogu sameeyo, waxaa fiican kan dame, oo ah in faaìidada dib
shirkada loogu maal geliyo. Kolkaas waxaa qofka saamilaha ah u badanaaya
qaybtii uu faaíidada ka heli lahaa markii loo baahdo in la qaybsado. Hadiise
faaìidada sannad walba la qaybsado, kolkaa qof weliba waxaa uu la tegayaa
lacagta intii soo gaartey. Arintaasina waxaa ay keeneysaa in lacag badani
shirkadii ka baxdo.
Shirkada dhaqaalaheedu muxuu ku xiran yahay: Halkan waxaa lagaa doonayaa
inaad eegtid waxyaalaha ay shirkadu ka ganacsato. Suàasha aad
isweydiineysaana waxaa weeyaan: waxyaalaha shirkadu ka ganacsataa ma yihiin
kuwo ay baahidoodu kol walba taagan tahay? Mise waa kuwo laga maarmi karo?
Shirkadaha badanaaba la xuso in waxyaalaha ay soo saaran kol walba baahi
looqabo waxaa ka mid ah shirkadaha daawooyinka. Shirkadahani ma ah badanaaba
kuwo u nugul isbedelada ku yimaada dhaqaalaha. Shirkadaha kale ee iyaguna
wanaagsan waxaa ka mid ah kuwa ku xoogan dhinaca teknoolojiyada kala
duwan.Tusaale ahaan teleefonada, baabuurta, computerada.
Shirkada suuqeedu ma yahay mid kor u kacaya: Qofka doonaya inuu maalgelinta
saamiyada sameeyo, waxaa laga rabaa inuu derso suuqa shirkadu meesha uu ku
jihaysan yahay. Ma mid laga dhergeybaa oo dhaqdhaqaaq yar amaba hoos u
dhacayaa mise waa mid dihin oo kor u kacaya maalin walba. Taas waxaa loola
jeedaa macaamiisha suuqu miyey soo kordhayaan mise waa yaraanayaan. Haddii
aad suuqa shirkada ku sifeysid inuu yahay mid hoos u socda, waa inaadan
shirkadaas wax saami ah aadan ka iibsan. Hadii kale waxaad halis u tahay in
maalgelintaadii yareyd ay si dhaqso ah u gubato.
Arimo kale oo muhiim ah: Arimaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah;
baaritaan guud oo lagu sameeyo wadanka ay ku taal xarunta shirkada aad
dooneysid inaad maalgashatid. Waxyaalaha aad si gaar ah u derseysid waxaa ka
mid ah; siyaasada wadanka iyo weliba siyaasada ku wajahan arimaha
shirkadaha. Waxaa kaloo aad fiirineysaa qaabka maamulka shirkadu u dhisan
yahay, aqoonta dadka ka shaqeeya ( Human capital), sida saamiyada loo kala
leeyahay iwm.
Haddii aynu intaas kaga baxno wayaalaha loo baahan yahay inaad deristid, ka
hor inta aadan maalgelin ku sameynin shirkadaha saamiyada. Waxaynu hadda u
gudbeynaa; waxyaalaha dhaliya in saamiyadu marna ay kor u kacaan marna ay
hoos u dhacaan.
Maxaa dhaliya kor u kaca iyo hoos u dhaca qiimaha saamiyada?
In si hubaal ah loo saadaaliyo waxyaalaha saameynta ku leh qiimaha
saamiyada, aad ayey u adag tahay. Maxaa yeelay arimo badan oo isku dhafan
ayaa dhaliya kor u kaca iyo hoos u dhaca qiimaha saamiyada. Arimahaasi waxaa
ay ka kooban yihiin kuwo dhaqaale iyo siyaasadeedba. Waxaan qormadeenaan ku
xusi doonaa dhowr qodob oo ka mid ah arimahaas.
Baahida loo qabo saamiyada shirkada: ( demand & supply)
Kolkii baahida loo qabo saamiyada shirkad ay siyaado, waxaa kor u kaca
qiimihii saamiyada shirkadaas. Haddii ay baahidii yaraatona waxaa hoos u
dhaca qiimihii saamiyada. Taasi waxaa ay salka ku haysaa, waxa loogu yeero (
market mechanism), oo loola jeedo sida ay isugu xiran yihiin baahida shey
loo qabo iyo qiimaha lagu kala iibsado.
Faaìidada shirkadu soo saarto: Waxaa jira xiriir toos ah oo ka dhexeeya
hadba faaìidada shirkadu sida ay noqoto iyo jihada uu aado qiimaha lagu kala
iibsado saamiyada. Waxaa kaloo iyana arintan ku lamaansan hamiga uu suuqu ka
qabey sida ay natiijada shirkadu noqon doonto.( market expectations).
Shirkada oo faaìido soo bandhigta isla markaasna aseebta hamigii uu suuqu
qabey, waxaa ay keentaa in qiimaha saamiyadu ay kor u kacaan.
Isbedelka dhaqaalaha: Isbedelada ku yimaada dhaqaalaha wadan ama guud
ahaan aduunka waxaa ay saameyn weyn ku yeelan karaan qiimaha saamiyada
shirkadaha. Kolkii garaafka dhaqaaluhu uu kor u jeedo, ee uu dhaqaaluhu guud
ahaan wanaagsan yahay waxaa badanaaba shirkadaha soo gala faaíido.
Faaìidadaasi sidaan kor kaga soo hadalayba waxaa ay keentaa in qiimihii
saamiyada uu kor u kaco. Balse haddii dhaqaalaha uu hoos u dhac ku yimaado,
oo ay yaraato faaìidadu, waxaa hoos u dhaca sicirka saamiyada. Haddaba waxaa
muhiim ah in qofka saamilaha ahi uu la socdo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha guud
ahaan, gaar ahaana wadanka shirkada ay ku taalo iyo kan ay wax u iibgeyso.
Siyaasada: Jawiga siyaasadeed ee wadamada ay shirkadu ka howl gasho in
lala socdaa waa arin iyaduna muhiim ah. Haddii wadamadaasi yihiin kuwo aan
siyaasad ahaan deganayn waxaa durbadiiba abuurmayo madmadow iyo walaac-
dhaqaale. Waxayna taasi ugu dameynta keeni kartaa in maalgeliyayaashii ay
halkas ka guuraan. Taasina waxaa ay sii dhalineysaa in kalsoonidii ay
maalgeliyayaasha aduunku ku qabeen wadankaas yaraato. Ugu dameyntana
arintaasi waxaa ay keeneysaa in qiimihii saamiyada shirkadaha halkaas ka
howl galaa yaraado.
Gabagebo
Waxaan kasoo hadalay shuruudaha laga doonayo shirkada maalgelinta
saamiyadeed lagu sameynayo. Waxaan kaloo wax ka xusnay waxyaalaha dhaliya in
uu marna kor marna hoos u dhaco qiimaha saamiyada. Waxaan isku dayey inaan
uga hadlo arimahaas hab uu qof walbaa u fahmo, gaar ahaan qofkii aan aqoon
dheeraad ah u lahayn arimaha dhaqaalaha. Waxaan ku darayaa in maalgelinta
saamiyadu ay tahay mid ay la xiriirto qatar badan oo dhaqaale( economic
risks). Sidaas darteed waa inaadan gelin saamiyo haddii dhaqaalaha aad heli
kartaa uu aad u yar yahay. Taas waxaan ula jeedaa haddii aad haysato, shan
kun oo dollar oo aan wax kale kaaga dameyn, ma haboona inaad saami iska
gelisid. Tan kale xitaa haddii dhaqaalahaagu fiican yahay , waa inaad
khatarta kugu imaan karta kala firdhisaa oo aad dhowr shirkadood oo kala
duwan aad saami ka iibsataa. Ugu dameyn lacagtaa aad gelineysaa saamiga waa
iney ahaataa mid aad ka maarantid sanadaha soo socda. Guntii iyo gabagabadii
waa inaad heshaa aqoon aasaas ah oo ku saabsan habka maal gelinta. Taas oo
kuu fududeyneysa inaad daraasaad kala duwan sameysid inta aadan saami lacag
gelin. Halkaas waxaan ku soo gabagabeynayaa maqaaalkan ka hadlaya
saamiyada.
Mahadsanidin.
C/risaq M Xusen.
University of Gävle, Sweden.
habdirisak@hotmail.com
QORAALADII HORE EE C/RISAAQ
Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2004 Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|