Culimada Islaamka ee dalka Masar
iyo kuwa arrimaha Bulshada ee dalkaasi ayaa iyagu si wadajir ah uga digay
guurka ay dhallinyarada Reer Masar ay ku guursadaan gabdho aysan aqoonin oo
dunida daafeheeda ku kala nool iyagoo muddo yar oo kooban ku wada
sheekeysanaya aaladda Internet-ka.
Culimada ayaa arrintan ku
tilmaamay in dhallinyarada Reer Masar ay ku kalliftay culeyska faraha badan
ee dhinaca dhaqaalaha uga yimaada marka ay doonayaan in ay si caadi ah u
guursadaan. Dadka Masar waayadaan waxaa aad ugu badnaa guurka qudbo siraha
iyo nuucyo kale oo fara badan, balse waayadaan dambe oo aaladda Internet-ka
meel kasta ay gaartay ayaa dalka Masar waxaa ka soo ifbaxay dhallinyaro si
gaar ah u daneysa barashada gabdhaha, siiba kuwa Ajnabiga ah, iyagoo
markiiba isku daya in ay Internet-ka gudihiisa iska guursadaan.
Tusaale ahaan wiil u dhashay waddanka Masar ayaa waxa uu Internet-ka ku
bartay gabar u dhalatay dalka Australia, markii ay muddo khadka wada
sheekeysiga Internet-ka ee (Online-ka) ku wada sheekeysanayeen jaceyl aan
muddo jirinna ay wada dhisayeen ayaa ugu dambeyntii lagu heshiiyey in la is
guursado, isagoo guurku ka dhacay Internet-ka, muddo kaddibna ay gabadhii
iyaduna go’aansato in ay timaaddo dalka Masar, si ay ula aqal gasho ninkeeda.
Guurkan ayay culimadu ku sheegeen
in uu dhibaatooyinkiisa wato, marka ugu horreysa waxa ay caddeeyeen in uu
sharciyan uusan guurkaasi ansax ahayn marka loo fiiriyo shuruudaha guurka ee
Shareecada Islaamka, mararka qaarna waxaa timaadda in wiilka reerkiisu ayba
ku diidaan in uu guursado gabar ajnabiyad ah oo aan wax dhaqan ah la
wadaagin dalka Masar, dhinaca kalena aan wax qurux ah lahayn, mararka qaarna
ayba dhacdo in wiilka iyo gabadhu ay u dhexeyso illaa tobaneeyo sano.
Culimadu waxay kaloo sheegeen in guurkani uu ku soo geba-geboobo fashil.
Khabiir ka tirsan xarunta cilmi baarista iyo arrimaha bulshada Dr. Muxsin
Al-Carqaan waxa uu yiri “Guurka Internet-ka waxa uu ka mid yahay
dhibaatooyinka guur ee waayadaan ku soo kordhay dalka Masar, sida
muddooyinkaanba uu ugu dhex faafay guurka qudbo siraha ah, waxaana guurka
Internet-ka la mid yahay dab xaabo la qabadsiiyey, taas oo ay dhallinyaradu
ay u arkaan in ay uga baxsanayaan dhibaatada dhaqaale ee guurka”.
Dhallinyarada qaarkood ayaa is
tusisa in guurkan ay ku helayaan gabar qurux badan oo la mid ah gabdhaha
jila Aflaamta, iyadoo is barashadooduna ay tahay mid yar oo kooban, waxaa
hore u dhacay dhowr guur oo dhinaca Internet-ka ah oo ay ku kulmeen wiilal
Reer Masar ah iyo gabdho Ajaanib ah oo dhammaantoodna ku dhammaaday
fashilaad, iyadoo mararka qaarna ayba dhacdo gabdhaha oggolaanayo guurkan
deg-degga ah in ay badidoodu yihiin kuwo guumeys ku noqday dalkooda ama
qaarkood ay qabaan cudurro Qatar ah. Dr. Cabdul Cadiim Al-Mudcani oo ah
macallin wax ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar ayaa waxa uu yiri “Guurkan oo ay
Internet-ka iska guursanayaan wiilasha iyo gabdhaha waa Baadil, wax raad ah
oo uu sharciga Islaamka ku leeyahayna ma jirto”. Wiilasha iyo gabdhaha isku
barta ayaa markii ay ku heshiiyaan in ay is guursadaan goobta qof kasta uu
joogo uu keenaa markhaatiyaal, iyadoo aysan joogin waalidiintooda, halkaana
uu ka dhaco guurka, iyadoo qof kastana uu joogo dalkiisa, taasina sharci
ahaan ma bannaana, waxayna culimadu ku tilmaameen guurka sidan ku dhaca in
uu yahay laba qof oo kala zineysanaysa
W/D Amiin YuusufKhasaaro
E-.
amiinkhasaaro@hotmail.com
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah: