SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA:
  • Golaha Amaanka ee Midowga Afrika oo La Tashanaya Janaraaladii Hore ee Militarigii Soomaaliya
  • Magaalada Baydhabo ayaa Xasiloon kadib Dagaal Xalay ku dhuftay Magaaladaasi.
  • Xukuumada imaaraadka oo ku amartay Safiirkii Somaliya u fadhiyay  Wadanka Imaaraadka uu ka baxo Wadankeeda.

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Golaha Amaanka ee Midowga Afrika oo La Tashanaya Janaraaladii Hore ee Militarigii Soomaaliya

 

Mas’uuliin Sar Sare oo ka tisan Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay inay wada hadalo kala yeesheen Janaraaladii hore ee  Milatariga Somaliya Qaabka ugu Wanaagsan oo ay Somaliya wax uga qaban karaan Ciidamada Afrikaanka ee lagu wado inay Somaliya yimaadaan.

 

Mas’uuliyiintan oo ka gaabsaday in la soo bandhigo Magacyadooda ayaa daboolka ka qaaday inay wada hadal la yeesheen inbadan oo ka mid ah Janaraaladii hore ee Milatariga Somaliya,waxay intaasi ku dareen inay isla soo qaadeen sida wax looga qaban karo Xaalada Murugsan ee ka taagan Wadan ka Somaliya.

 

Dhinaca kale Mas’uuliyiintan waxay Carabka ku dhufteen inay ku balansan yihiin Toddobaadkan  Shirka Dhici doona Wadanka Ugunda gaar ahaan Magaalada Xarunta u ah ee Kampala,iyagoo intaasi ku daray inay shirkaasi ka qeyb qaadan  doonaan Qaarka mid ah Madaxdii hore ee Ciidamada Milatariga Somaliya Xilligii Bari samaadkii.

 

Madaxdan waxay intaasi ku daren inay Ciidamadaasi soo raaci doonaan Dowlada Ku Meel Gaar ka ah ee lagu soo dhiso doono Shirka Somalida uga socda Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya,intaasi waxaa sii dheer inay Shirkaasi Kampla marka uu dhamaado ay Wadanka Somaliya Socdaal ku soo kala bixin doonaan Saraakiilka Socota Golaha Amaanka ee Midowga Afrika.

 

Arintan ayaa soo ifbaxday kadib Shirkii ay dhawaan isugu yimaadeen Magaalada Xarunta  u ah Wadanka  Ethiopia ee Addis Ababa  Golaha Amaanka ee Midowga Afrika kaasoo lagu go,aamiyay inay la diyaariyo  Ciidamo Afrikaan ah oo ka howlgala Wadanka Somaliya.

 

Magaalada Baydhabo ayaa Xasiloon kadib Dagaal Xalay ku dhuftay Magaaladaasi.

 

Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya Magaalada Baydhabo ma jiraan waxa  Dagaal ah oo halkaasi ka taagan,waxayna ay intaasi ku darayaan warar ka inay Xalay Magaaladaasi Daris u ahayd Dagaal la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala Duwan oo ay wax yeelada ugu  badan ka soo gaartay Dadka Raridka.

 

Dagaaldan ayaa  u dhexeeya Ciidamada kala Taabacsan Gudoomiyayaasha Jabhadda wax iska Caabinta RRA da ee kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade,iyadoo ay baryahanba ay soo ifbaxaysay Colaadka dhex taagan Labada Dhinac ee kawada tirsan Jabhadda Wax iska Caabinta ee RRA da.

 

Dhimashada uu gaysta Dagaalkan ayaa lagu sheegay 8 qof  oo Shan ka mid ah ay yihiin Dadka Rayidka ah ee aan waxba kala Socon wax lagu dirirayo halka inta kale ay yihiin Maleeshiyadii Dagaalku uu u dhexeeyay,Dadka Dhaawacmay ayaa iyaguna la sheegayaa inay intaasi ka badan yihiin,Hase ahaatee Xaaladooda Caafimaad ayaa laga soo dayrinayaa.

 

Odayaasha iyo Wax garadka ee ku abtirsada RRA da ayaa isku Xilqaamay sidii uu san marka Dagaal halkaasi uga dhicin,waxaana wararka ay intaasi ku darayaan inay ku Guuleysteen Hakinta Dagaaladaasi gaystay  Qaraalaha isugu jira Naf iyo Maalba.

 

 

Xukuumada imaaraadka oo ku amartay Safiirkii Somaliya u fadhiyay  Wadanka Imaaraadka uu ka baxo Wadankeeda.

 

Wararka ka imaanaya Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in amar lagu siiyay Safiirkii Somaliya u fadhiyay Imaaraadka inuu isaga Baxo Dalkaasi Mudo dhan 72 saacadood gudahooda.

 

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arimaha Dibada ee Imaaraadka ayaalagu cadeeyay inuu  dalkaasi isaga baxo Danjire Maxamed C/qaadir (Maxamed Yarow)kaasoo ah Safiirka Somaliya u fadhiya Imaaraadka,Maxamed Yarow ayaa lagu eedeynayaa inuu sameeyay  Musuq Maasuq,taasoo sahashay in lagu dhawaaqo Amarka uu Dalkaasi  uga baxo Maxamed Yarow  Safiirkii Somaliya ee Imaaraadka.

 

 

Sidoo kale waxa lagu eedeynayaa Danjire Maxamed C/qaadir (Maxamed Yarow) inuu si sharci daro ah ku siiyay Dad aan ahayn Somali oo ku dhashay Wadamo kale,arintaasi oo aad uga careysiisay Madaxda Isu Tagga Imaaraadka Carabta,sidaana waxaa ku khiil raad sanaya Dhinaca Maamulka Imaaraadka.

 

C/naasir Axmed Aadan  (Seerjito)  oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Safaarada Somaliya ee Imaaraadka ayaa sheegay inay wax ka jiraan Arimaha lagu eedeynayo Maxamed Yarow oo ah Safiirka Somaliya u fadhiya Imaaraadka,intaasi waxaa uu ku daray inuu Sfiirka ku xadgudbay  Shaqdii Qaranka uu u hayay kana dhigtay Arimo isaga u gaar ah.Waa sida uu hadalka u dhigaye C/Naasir Seerjito.

 

Dhanka kale Maxamed C/qaadir oo ah Safiirka Somaliya ee Imaaraadka ee iminka lagu amray inuu isaga baxo Isu Tagga Imaaraadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta loo soo jeediyay ee ah inuu wax isdaba marsiiyay,waxaa uu intaasi ku daray Maxamed Yarow inay jirto Madax ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Imaaraadka,laakiin waxaa uu ka gaabsaday inay u sheegayn inuu  Dalkaasi isag Baxo.

 

Eryida Qunsulka Dubai waxay farxad u Tahay Shacabka Soomaaliyeed (Abwaan Yuusuf)

 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u Qabatey Qusulkii Soomaliya u Fadhiyey UAE

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2004

Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u Qabatey Qusulkii Soomaliya u Fadhiyey UAE
.C/lahi X. Dayib: Waxaa la damcay in sidii Galayr  iyo Abshir la ii eryo
.
Xus loo sameeyay sannadguuradii dowladda Cabdi Nuur DARMAAN
. Tababar loo furay Dhallinyaro maleesiyo ah

.
Muqdisho: 40 haween ah oo tababar loo furay..
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD