SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Eryida Qunsulk soomaalida ee Dubai waxay farxad weyn u Tahay Guud ahaan soomaalida

abwaan yuusuf dubai uae
 xsangaale@hotmail.com

 

June 5: Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u Qabatey Qusulkii Soomaliya u Fadhiyey UAE Guji

May 18: DKG, ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay  Xakamaynayo Baasaboorka Soomaaliga oo meelo badan oo Caalamka ah laga mamnuucay. Guji

May 17: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

 

Tan iyo intii dawlada kooxda carta ay eriday qunsulkii magaalada dubai bartamhii sanadkii 2003 ee hayey maamulka qunsuliyada intii ka damaysay dhicidii dawladii maxa,med siyaad waxaa ka bilowday qunsuliyada magaalada dubai arimo la xiriira qabyaalad,dhunsasho hanti,kala soocid umada soomaaliyeed,iyo weliba tan ugu weyn oo ahayd jaajuusnimo ay qunsuliyadu jaajuusaysay umada ay matasho iyadoo intii uu maxamed yare meesha yimi ka talinayay laga celiyay aira-boorada wadanka imaaraatka kumanyaal soomaali ah oo uu maxamed yare amar ku bixiyay in la celiyo isagaa oo yiri qof aanan basaborka uu sito aanan anigu saxiixin masoo geli karo dalka imaaraatka carabta; sidoo kale ayuu maxamed yaroow u gudbiyay dawlada imaaraatka carabta liisas aan sal iyo raad toona lahayn oo dad soomaali ah oo ka ganacsada dalka imaaraatka carabta isagoo ku sheegay inay yihiin argagixiso taas oo amakaag ku noqotay umada soomaaliyeed ee burburku aafeeyey intaas kuma eka arimaha fool xumada ah ee yaroow uu kula kacay umada uu qunsulka u ahaa waxaa cirka uu ku shreeray qiimaha dhukumntiyada ee laga samyasto qunsuliyada iyadoo aad ku arkaysid qunsuliyada magaalada dubai dad tiro badan oo aan haysan fiiga qaaliga ah ee uu samaystay yaroow iyadoo aad arki jirtay markii uu joogey qunsulkii umada soomaaliyeed ee c/qadir guulwade isagoo oo aan wax fii ah ka qaadi jirin dadka tabarta daran ee soomaaliyeed isla markaana fee macquula ka qaadi jiray inta awooda,

Intaa kuma eka foolxumooyinka qunsulnimo ee uu ku kacay yaroow waxa uu kala soocay shaqaalihii qunsuliyada isagoo keenay dad aan aqoon u lahayn qunsuliyada ayna isku hayb yihiin isaga,waxaa kale oo lala xiriirinayaa joojinta visooyinka dalkaan inuu lug weyn ku leeyahay isagoo dacwadihiisii baasaborka soomaaliga ay la gashay arintaan.

Si kastaba ha ahaatee dawlada imaaraatka carabta mudo badan ayeey ka indho la,ayd musuq maasuqa yaroow iyo foolxumooyinka uu kula kici jiray umada soomaaliyeed oo dalkaan imaaraatka aad looga jecelyahay balse hada ayeey ogaatey arimahaas oo dhan umada somaaliyeedna aad ayeey usoo dhoweynayaan go,aanka dhaxal galka ah ee ay qaadatay dawlada imaaraatka carabtu waxaanan aad uga rajeynayanaa in la keeno qunsul dhaxal gala ah ama la mid ah safiirka soomaalida ee abudhabi oo isagu runtii aad uga xanaaqsan arimaha fool xumada ah ee uu ku kacay yarooow                                                           

abwaan yuusuf dubai uae
 xsangaale@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u Qabatey Qusulkii Soomaliya u Fadhiyey UAE
 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD