WARARK AMAANTA:
-
Dowladda
Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u qabatey qusulkii soomaliya u
fadhiyey Emaaraadka.
-
C/llaahi Xaaji Dayib “Waxaa la damcay in sidii Cali Khaliif iyo
Xasan Abshir la ii eryo….
-
Xus ballaaran
oo loo sameeyay sannadguuradii dowladda Cabdi Nuur DARMAAN…
-
SIMINNAAR LOO
FURAY DHALLINYARO MALEESHIYO AH………
-
Xarunta
Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ufurtey 40 haween ah tababar..
C/llaahi Xaaji Dayib “Waxaa la damcay in sidii Cali Khaliif iyo
Xasan Abshir la ii eryo….
C/llaahi Xaaji Dayib oo ah guddoomiyaha Hay’adda isku xirka nabadda
iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay
Muqdisho, waxa uuna shirkaas jaraa’id ku faahfaahiyay arrimo fara
badan oo la xiriira xaaladda Hay’adda INXA iyo mustaqbalka
Hay’addaasi, wuxuuna sheegay in hay’adda INXA ay haatan billowday
howlihii ay ugu adeegaysay bulshada, ha noqoto dhanka wacyi-gelinta
iyo dib u dhiska dalka. Mar waxa laga weydiiyay inuu khilaaf u
dhexeeyo Madaxda Hay’addaasi, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo aan
sal iyo raad toona lahayd. “Waxaa idiin caddeyn kara
wareysiyadii ay dhawaan bixiyeen Faadumo Foorto iyo Avv. Cumar
Dhegey oo ay ku sheegeen inaysan wax khilaaf ah u dhexeyn madaxda
sare ee Hay’addaasi” ayuu yiri C/llaahi Xaaji Dayib oo intaa
raaciyey “Waxaa la damcay oo dad ay ka shaqeeyeen iyagoo adeegsanaya
wargeysyada in la ii eryo sidii loo eryay Cali Khaliif Galayr iyo
Xasan Abshir, balse taasi ma aysan suurtogelin”, waxaana uu intaa
sii raaciyey “Waxaan u soo jeedinayaa bulshada in dadka soo
laabanaya la soo dhoweeyo oo aan lagu sameyn sidii Cali Khaliif
Galeyr iyo Xasan Abshir.
C/llaahi
Xaaji Dayib waxa uu sheegay in dhowaan dar-dar la gelin doono
howlaha Hay’adda isku xirka Nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA,
dhowaanna la qaban doono barnaamijyo is daba joog ah oo lagu
wacyigelin doono qaybaha kala duwan ee Bulshada, mar uu C/llaahi ka
hadlayay lacago ay lahayd hay’adda INXA oo la lunsaday waxa uu yiri
“Warkaasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn, waxaa la doonayay
in sharafteeda wax loogu dhimo, mana jiraan lacago tiradeedu intaa
la eg tahay oo mar qura soo gasha hay’adda INXA, ugu dambeyntiina
waxa uu u soo jeediyey kuwa wararkaasi faafinaya in ay wax hubsadaan
Dowladda
Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u qabatey qusulkii soomaliya u
fadhiyey Emaaraadka.

May 18: DKG, ayaa
markii ugu horaysay sheegtay inay Xakamaynayo
Baasaboorka Soomaaliga oo meelo badan oo Caalamka ah laga
mamnuucay. Guji
May 17: C/laahi Yuusuf oo saddex
maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga
awgiis,
Guji...
May 15:
C/qqasim oo ka ashtakoonaya
mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji
May 13:
Mar uu C/Qaasim Salaad
Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay
dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu
yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn..
Guji
MAY 12:
Xuseen Maxamed Bulaale oo ah
Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay
inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga
mamnuucay Imaaraadka...
Guji..
MAY 11: Ra’iisul
Wasaare Ku Xigeenka DKMG Xuseen Saalax ayaa sheegay inay
aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku
mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..
MAY 10: Warar ayaa
waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso
qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo
sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin
doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka
Jaamacadda Carabta.
Guji..
DGPL: Maya Baasaboorka Kenya
Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
Kenya oo mamnuucday in
dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga
|
Iyadoo dhowaan
Dowladda Imaaraadka Carabtu ay hakisay Visa ku dhufato Baasaboorka
Soomaaliga ah ayaa warar shalay soo baxay waxa ay sheegayaan in
dowladda Imaaraadka Carabta ay 72-saac u qabatay in uu dalka kaga
baxo qunsulka guud ee Safaaradda Soomaalida u fadhiyey waddankaasi
oo lagu magacaabo Maxamed C/qaadir (Maxamed Yarow). Qoraal ka soo
baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu faah-faahiyey arrintani,
illaa iyo haatanna lama caddeyn sababaha loo eryay qunsulka, balse warar ayaa waxay sheegayaan in lala xiriirinayo arrimo dhinaca
maamulka ah iyo lacago la is daba mareeyey
Xus ballaaran
oo loo sameeyay sannadguuradii dowladda Cabdi Nuur DARMAAN…
Waxaa maalitii
shalay ahayd xarunta madaxtooyada dowladda uu hoggaamiyo C/nuur
Darmaan lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo lagu xusayay
sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay
dowladdaasi, waxaana ka qaybgalay xoghayeyaasha Dowladda C/nuur
Darmaan, Wakiillada Xisbiga Midnimada Jamhuuriga, Odayaasha dhaqanka
iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana intii ay socotay
xafladda heeso guubaabo ah halkaas ku soo bandhigtay kooxda Iftin,
xafladdaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horreyntii ka
hadlay C/llaahi Maxamed Jimcaale oo ah xoghayaha guud ee dowladda
waxa uuna sheegay tan iyo intii ay dowladdu dhisnayd ay dib u soo
noolaysay xiriirkii caalamiga ahaa, waxay kaloo dib u soo celisay
xiiriirkii jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda waxa kale oo uu
sheegay inay dadaal u gashay sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahayd
dibin daabyada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxa kale oo
uu sheegay xeer ilaaliyuhu in Somaliland iyo dowladda uu dhex maray
is faham dhinacyo badan leh, isagoo sheegay inay dowladdu soo
dhaweynayso haddii ay goosasho damacdo Somaliland.
Waxaa kaloo
halkaas ka hadlay Suldaan Xayle Suldaan Cismaan oo isagu beesha
caalamka ka dalbaday in loo soo qaado ergooyinka ku sugan shirka
Nairobi si ay wax ula qaybsadaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii
waxaa xafladda ka hadlay Geeddi Raage oo ah ku simaha Madaxweynaha
Dowladda C/nuur Darmaan ahna xoghayaha Arrimaha gudaha, isagoo
sheegay in intii ay dowladdu dhisnayd ay ku tallaabsatay horumar la
taaban karo, wuxuu kaloo sheegay in dowladdu ay dhawaan billaabi
doonto barnaamijyo dib loogu dhisayo dalka.
SIMINNAAR LOO
FURAY DHALLINYARO MALEESHIYO AH…………
Waxaa maalintii
shalay ahayd xarunta Baarista ee magaalada Muqdisho ka furmay
siminnaar ay soo qaban qaabiyeen xoogagga shaqo ee Xuquuqda Aadanaha
ee INXA waxaana tashiilaadka uu ku soconayo siminnaarkaasi bixiyay
hay’adda NOVIB SOMALIA.
Siminnaarkaan oo
loo furay 30-malleeshiyo ah ayaa waxa inta uu socdo ku baran doonaan
casharro la xiriira dhanka xuquuqda Aadanaha waxaana furay
Guddoomiyaha Hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee INXA C/llaahi
Xaaji Dayib, wuxuuna yiri: “14-kii sano waxaad waydeen waxbarasho,
caafimaad iyo dowlad intaba”, wuxuu intaas sii raaciyay: “Casharrada
aad halkaa ka barataan waxaa loo baahan yahay in aad u gudbisaan
dhallinyarada kale ee aan fursadda u helin”.
Waxaa ka hadlay
guddoomiyaha Xoogagga shaqo ee Xuquuqda Aadanaha INXA Saynab Nuur
Xaayoow, waxayna sheegtay inuusan ahayn siminnaarkaan midkii ugu
horreeyay ee loo qabto maleeshiyo, waxayna sheegtay in ujeeddooyinka
siminnaarkaan uu yahay sidii Malleeshiyooyinka ay ula qabsan
lahaayeen bulshad inteeda kale.
Waxaa casharro ka
bixinaya Nuuro C/llaahi Xaaji, waxaana xiriiriye ka ahaa Faa’iso C/xaafid,
wuxuuna siminnaar-kaan ka mid yahay siminnaaro is daba joog ah oo
lagu qaban doono xarunta.
Xarunta
Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ufurtey 40 haween ah tababar..
Xarunta
Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, Somali Center For Women
Empowerment (SOCWE) ayaa shalay u furtay 40-gabdhood tababar
xoghayenimo oo lacag la’aan ah, kaasoo socon doona muddo toddobaad
ah.
Furitaankii
xafladdaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa Hay’addaasi Axmed Cali
Maxamed (Shariif) oo sheegay in Faa’iidada iyo muhimmadda uu u
leeyahay tababarkaani gabadhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan oo
aysan dowlad dalka ka jirin, isagoo kula dardaarmay ardayda
tababarkan u socdo inay ka faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah.
Tababarkaan oo
bishiiba hal isbuuc la qabto ayaa guud ahaan socon doona 4-bilood,
kaasoo ay ku baranayaan kooris buuxa laguna bixin doono shahaado
mustaqbalka waxtari doonta. Kooxdan uu shalay tababarku u furmay waa
kooxdii 4-aad ee xaruna Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed tababar
lacag la’aan ah u furtay.
Wuxuu sheegay ugu
dambeyn agaasimaha xarunta in dhawaan la ballaarin doono maadooyinka
ay siiyaan haween-ka Soomaaliyeed, waxaana lagu kordhin doonaan
maadooyin ay ka mid yihiin Office Management and Administration,
Bookkeeping and Accounting iyo kuwo kale oo mustaqbalka fursad u
noqon doona inay shaqo ku helaan
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E- Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com