SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 3, 2004
  • Muqdisho: Tafatirihii Wargeeska War- Ogaal Boosaaso oo Xabsigii laga Soo Daayey

  • Boosaaso: Tafatirihii Wargeeska War- Ogaal  oo Xabsigii laga Soo Daayey
MAXKAMADDA SHIIRKOLE OO SOO AF-JARTAY DACWADI KA TAAGNEYD ISBITAALKA SOS

Saddax iyo tabankii bay ahayd markii Maxkamada Islaamiga ee Shiirkole  la wareegtey dacwad la xiriirta dhaqtar u shaqeynayey Isbitaalka SOS oo ku saabsan markii uu ilma galeenka ka bixiyey haweeney lagu magacaabo Faadumo Cabdule Cilmi kadibna dhaqtarka loo qabsadey ka  saarista ilma galeenkaas  taasina waxay keentay dhaqtar Bashiir Shiikh Cumar loo qabsado howshaas uu fulyey isagoo sheegey in ilma galeen uu qaraxsanaa Loona baahnaa in gabadha laga saaro  Minka,  balse dhaqtarku wuxuu sheegay in gabadha ay ku jirtey xaalad halis loona baahnaa in la badbaadiyo.

Dacwadan waxay keentay In Isbitaalka SOS uu xirmo  waxaa arintan markii dambe soo kala dhex galey Maxkamada Islaamiga ee Shiirkole oo iyadana u dhiibtey kiiska saddex xubnood oo ka tirsan Culuma’udiinka soomaaliyeed oo uu horkacayey Shiikh Xasan Daahir Aweys waxayna muddo 13-maalmood ka soo baaraan dagayeen dacwadan waxayna aakhiritaankii saakey  laga  hor akhriyey dacwadaas Maxkamadda Islaamiga ee Shiirkole,  waxaa akhriyey Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuu sheegay  in aan wax diyo ah lagu lahayn Dhaqtar Bashiir  waayo wuxuu badbaadiyey  Faadumo Cabdule Cilmi,   wuxuu ka loo sheegay in dhaqtarka lagu xukumay in uu bixiyo lacag gaareysa Laba kun oo doolar oo uu Shiikhu sheegay in ay tahay ganaax ama Tacsiirad.

Dacwadan oo aan goob joog ka ahaa  ayaa waxaan ka dareemayey in labada dhinac aysan ku qanacsanayn habka loo qaadey dacwada  iyadoo uu dhaqtar Bashiir uu diiday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa uu ka qabo dacwada wuxuuna sheegay in uusan diyaar u ahayn in markaan wax faalo ka bixiyo  qaabka ay dacwada u dhacdey balse Masuul u Hadley Isbitaalka SOS wuxuu sheegay in ay ku qanacsan yihiin  sida loo qaadey dacwada,  sidoo kale Masuuliyiinta Maxkamada Shiirkole ayaa iyagana halkaas ka caddeeyay in ay soo dhaweynayaan sida ay u dhacdey dacwada, waxaa kaloo iyagana  halkaas ka hadley dhaqaatiirta  oo sheegay in aysan fileyn ganaax la saaro dhaqtar Bashiir Shiikh Cumar.

Dhinacii gabadha ayaa u muuqdey in aysan ku qanacsaneyn sida dacwada loo qaadey  waxaa la arkayey in iyagoo xanaaqsan ay ka baxeen Maxkamada lamana garanayo waxa ay yeeli doonaan.  Waxaa dacwadan soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho gaar ahaan  haweenka iyo dhalaanka oo iyagu daawooyin lacag la”aan ah ka heli jirey Isbitaalka.

 Dacwadan waxay ahayd middii ugu adkayd dacwo ay qaadaan maxkamadaha tan iyo in la aas aasay Maxkamadaha islaamiga ee Gobolka Banaadir.

W/DAmiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail ;  amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

Tafatirihii Wargeeska War- Ogaal Boosaaso oo Xabsigii laga Soo Daayey

SomaliTalk | Boosaaso

 

Waxaa xabsiga Boosaaso laga sii daayey Cabdishakuur Yuusuf Cali oo ah Tifatiraha wargeyska War-Ogaale ee kasoo baxa magaalada Boosaaso. C/shakuur waxa laxiray Tariikhdu markay ahayd April 21 2004 iyadoo lagu eedeeyay in uu Qoray warar lid ku ah Wasiirka Maaliyada PL kadibna loo dhaadhiciyay Xabsiga. Maxkamadii C/shakuur la soo taagey ka akhri halkan..

 

MUQDISHO OO UU KA FURMAY HESHIIS..
B/Xaawo: xasiloonidii oo kusoo laabatay magaalada
USA: Nin Soomaaliyeed oo Meydkiisa laga helay berked
Baydhabo: Saraakiisii ushaqayneysey UNICEF oo lasii daayey
Kismaayo: Markab lagu haystey kismaayo oo lasii daayey
Hargeysa: Axmed Siilaanyo : ku biirimaayo shirka Somaliya
Jabuuti: W/arimaha dibada oo ka hadlay Dagaalada Muqdisho
Hargeysa: Ururada Ucid iyo Kulmiye oo ku eedeeyay Somaliland..
Dhammaan ka akhri halkan....

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD