SIYAASIYINTA IYO HOGAAMIYASHA SOMALIA MAXAY UBAAHAN YIHIIN?
(Taqi)
Asalamu calaikum
Waxaa hubaalaa inuunu ruuxna marag la,aan
meel ufadhin, ruux walbaa waxbaa wado oo aroortii ukalahaa, hadaba waa
yaabe xiligan hadda lajoogo maxay ubaahan yihin siyaasi yiinta iyo
qabqablayasha? mawaxay ubaahan yihiin jago madaxweene, lacag, wasiir,
xilibaan, danjire, iwm ilaayo hadda macada doonista qolooyinka Kenya
joogo- balse waxaa shaki kujirin in ruux walbaa baahi isaga ugaaraa
jirto taasoo kuxiran qob nimadiisa iyo hanka kujiro; anigu maqabo in
dhamaan qolooyinka Kenya jooga cadka aan qeebsameen wada doonayaan – waa
hubaal inaysan lacaga la,aan heenin oo jeebkoodu beeso qaadi ladahay,
waa hubaal ay ogsoon yihiin inuusan cadka madax weenaha uwada qeebsami
karin; oo timirtii horaa dab loowaayey.
Midkastoo kamidaa qolooyinka jooga Kenya
iyo kuwa awood darri udiiday waxay u, ooman yihiin magac iyo sharaf
inuu umada kudhexyeesho oo haybad dheeri lasiiyo balse wadadii lagu
helilahaa aqoonsiga bulshada ayaa kalunsan oo ilaah ayaan waafajin.
Dhamaan cadka kamaqan ay raadinayaan waa
inay umada somaliweyn kadhexmuuqdaan basle anaga been ayey inoo sheegan
tusaale ahaan qabqablayaasha waxay nagu beer laxoodsadaan inay cadka
dowladii hore aan kulaheen beel ahaan ama gobol ahaan nooradinayaan oo
ilaayo hadda radintooda kujirana –siyasiyiintu waa lamid oo cadka ama
sharafta UN, EU. Arab league, African league aan kulaheen ayey
yirahadaan waan raadineenaa waa xaqiiqo haddii ay cadkaas ay sheegayaan
jiro in goor hore laheli lahaa –balse waa geel lumay haan ama aashuun
kadhexraadi raadinta ay sheegayaan dhamantood.
Sharaf iyo haybad kuyeelashada umada
dhexdeeda qolooyinba sigooni ayey uraadsheen kuwo wuxuu shaydaanka tusay
in wadada kaliyaa uu umada ugadhex muuqan karo ay tahay inuu dil,dhac,
boob kudhexsameeyo silooga dhexaqoonsado dadka kale kuwana dhaca xoolaha
dadweenaha oo dawlada kujira ama hay,adaha deeqda bixya kaalmada yar ay
dadka iyo dalka ugu deeqaan boobkooda ayaa laqumanantay oo ay lasooshir
tageen ay leeyihin madaxweene ayaa doonayaa oo waxaan heestaa xoolo aad
ubadan wuxuu moog yahay xoolaha uu sharafta iyo kursiga madaxwenaha
kuraadiyao in dadweenuhu asal ahaan leeyahay kumona garqadan oo waa
dhidid keega aan soo shaqeestay ayuu ku,oran
Hadda kahor ayaa nin umadihii hore kamidaa
wuxuu arkay geed caabudaayo waxaan ilaah aheen markaasuu aad ucarooday
wuxuu go,aan saday inuu geedkaas gooyo(jarro) wuxuu soqaatay gudin/faas
waxaa wadada uga horyimid shaydaan oo iskusoo ekeesiiyey aadami wuxuu si
degan ulahadlay ninkii wuxuu kuyiri saaxiib halkeed godinta usidataa
wuxuu kuyiri geedkaas ayaa doonayaa inaan gooyo maado uu ilaah ushariig
yeelaayo, shaydankii oo sida ruux aadami uhadlaayo ayaa kuyiri saaxiib
iska daa oo hajarin wax kaaga wanaagsan ayaa kuuhayaa oo ah in subax
kasta aad sedex dirham kala baxdo inta udhaxeeso firaashka iyo barkinta
aad kujiifsato siduu ayuu kuqancay, subixii 1aad ,2aad ayuu kala baxay
barkinta iyo firaashka dhexdooda min 3dirhan xubixii 3aad ayuu waayey
aad iyo aad ayuu uxanaaqay godintiisii(faskii) ayuu sooqatay si uu ujaro
geedka shaydaankii oo suuradii hore leh ayaa kahoryimdi wuxuuna sicaro
kujirto kuyiri ninkii halkeed uwadataa faaska geedkas ayaa jari iyo
majari kartid ayaa laysdhaafsaday halkaas ayaa dagaal kudhexmaray ninkii
iyo shaydaankii, ninkii ayaa ladilay kolkaasuu shaydaanku kuyiri ninkii
shalay adigaa iga xoog badnaa oo ilaah dartiis ayaad ucareesneed balse
maantay anigaa kaaxoog badan oo 3dirham ayaad ucareesan tahay .
Ilaah ayaan kudhaarshee dhamaan
siyaasiyiinta, qabqablayaasha, beeldhaqameedyada, bulshada rayidka,
culimada, dhalinyarada, haweenka hadda shirka Nairobi joogo maxay
ucareesan yihin ayna uyimaadeen shirka maxalka umada somaliyeedbaa iyo
in lahelo dawlad somaliyeed oo caadilaa maya oo maya!! ee waxaa
kaguuxaayo oo qolokastaa shirka utimid qaabiil, gobol iyo sadbursi
iyagoo hilaamay wadadhalashada islaam-nimo ama Somali-nimo ay umada
Somaliyeed wadaagaan .
Dhaqaatiirta dadka waalan daweesa waxay
sheegay 80% dadka waalan inaysan sabab u,aheen waalidooda jiro maskaxeed
balse sabab utahay iyagoo miyir qabkii kuwaayey aqoonsi iyo sharaf dadka
dhexdooda ayna kuraali noqdeen inay karaadiyan baahidaas waalida. Qeeb
kamidaa dalka ayaa waxaa kudagalamay qabqablayaasha mid kamidaa ayaa
idaacada BBC wareesi layeelatay kuna tiri maxaad udagaalameesaan? wuxuu
kujawabay umada inaan kadhex muuqdo ayuu iidiidan yahay; ufiirso
kalmadaas umadda muuqaal kuyeelasho ayaa dad badan god ugaleen hooyo
badan ugablantay dumar badan aasay uqaadeen, marka miyeysan habooneen
inaan muuqaal fiican siiyo kuwa dowlada nagahor taagan mudo 14sano mid
beenaa oo aan dowlad kuheleeno haba ahaatee
Xigmada meelaksta ayaa laga bartaa xitaa
ninka walaan afkiisa sida xadiista lagu wariyey. golaha senedka ee
mareekanka wuxuu kakooban yahay dhamaan madax weenayashii dalka
soomaray ee nool waxay kasareeyaan madaxweenaha markaas jira –dadka
mareekanka waa ufekereen siyaasiyoontooda oo bax iska tag 4tii sano ee
kursiga wuu kudhamaday kaliyaa maysan orane meel kasareeso ayey udhiseen
oo uu madexwene kastaa kufekero siduu kugaari lahaa marka miyeysan nala
habooneen si,aan iskaga horwareejiyo nimankaas mudada dheer sootagan
inaan udhisno aqal senedka oo kale si jiila sookoraayo ee wax soobartay
talada uqabtaa iyagana talo iyo waano aragnimo laweediisto. Fiicnaan
laheedaa inaan madextooyo cusub oo nuxaasaa udhisno Adan cadde, A/risaaq
Haji iyo raga lamidkaa. Kali taliyihii moi ee dalka Kenya mudada dheer
leelinaayey maalintii loomagacaabay caaqilka geeska Africa ayuu talada
iskaga dagay taasoo sabab u,aheed inuu shaaca kaqaado in dalkiisa hooyo
aysan raali ka,aheen Somalia inay degto marka awal Kenya kadhex
muuqashadeeda ayuu kufekeraaye maalintii loosheegay ilaa geeksa Africa
inuu madax uyahay ayuu sidaa yeelay marka somaliyeen jeer aan meel
kasareeso madaxwenimo udhismo kuwan sootagan tagi maayaan ee talo iyo
tab fiican aan lanimaado qaasadan dhalin yarada aan ugu caqliga iyo
cilmiga yarahay aniga
NB: Qolo, gobol, shaqsi gaaraa ulamo jeedo
qoraalkeeya siyaasadna garaadkeeda malihi marka qalad yaana la,iifahmin
raalina iga noqdo oo iskakay cafiya wixii aan kuqalbamo. Geel maxaa
indha kuul kakasa Taqi Bashir wuxuu siyaasad kagaran ayaa iska yar –
walaahu waliyul mutaqiin –wabilaahi towwfiiq – Wasalamu Calaikum..