Ganacsato doonaysa in ay
maalgashato Kaluumaysiga Puntland oo Booqasho ku yimi Puntland.

Wasiirka iyo Ganacsatadii oo wada Fadhiya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Farax yuusuf
Dooxajoog

Wakiilka SOMCAN ee Ilaalinta badaha Puntland oo Tusaya
Ganacsade ka mida Wafdigii Norway inta Miyl ay Badaha
puntland ka ilaaliyaan

Paul Grimen oo ah Ganacsade Norway

Arfe Nerland oo ah Ganacsade Norweg ah

Maxmed Saalax Yuusuf oo ah Madaxa Shirkada Isgaarsiinta
NETCO iyo Shirkada Diyaaradaha Daallo Boosaaso keenayna
Ganacsatada Norweg-ka

Ganacsade ka mida wafdigii Norway ahaa oo wasiirka tusaaya
Warqad aya ku qorantahay Habka ay doonayaan |
Waxaaa Taariikhdu markay ahayd May 31
2004 soo gaaray Magaalada Boosaaso labo Nino oo ah Ganacsato u
dhalatay Dalka Norway oo lagu kala Magacaabo Arfe Nerland iyo
Paul Grimen, Ganacsatadaa ayaa waxaa safarkooda ku weheliyay
Ganacsato u dhalatay Gobolada Puntland,oo uu ka mid yahay Madaxa
shirkada Telfoonada Netco ee Boosaaso ahna Madaxa shirkada
Diyaaradaha Daallo ee Boosaaso Maxamed Saalax Yuusuf.
Ganacsatadaa ayaa waxaa ay ku mareen
kormeer Booqasho ah Dekada Magaalada Boosaaso iyo Shirkada Necfish
ee kaluumaysiga waxaa Booqashadoodaa ku soo dhaweeyay Wasiirka
Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Faraax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) iyo
Mas,uulka shirkada SOMCAN oo ah shirkad ilaalisa Badaha Puntland
Cabdi Cali Taar (Xiif), kadib booqashadaa Waxaan wax ka waydiinay
Safarka Ganacsatadaa Wasiirka Ganacsiga DGPL Dooxajoog oo aan ugu
Horeentii Waydiinay waxa ay doonayaan in ay maal gashadaan
Ganacsatadaan? waxa uu Wasiirku ku jawaabay in ay doonayaan in maal
gashadaan Warshado Kaluumaysi iyo in ay Bada ka kaluumaystaan, mar
aan Wasiirka wax ka waydiinay in ay jireen shirkado hore uga
kaluumaysan jiray Badaha Puntland oo ay keeneen Ganacsato Reer
Puntland kuwaan waxa ay kaga duwanyihiin kuwii hore? ayuu wasiirku
ku jawaabay in ay kuwaan doonayaan in ay keenaan warshado kadibna ay
maraakiibtooda ku soo xirtaan Dekada Boosaaso ay tahay in ay u maal
gashanayaan in ay siiyaan shaqo shaqaale badan oo ka shaqeeya
warshadahaa iyo qaybaha kaluumaysiga, wasiirka ayaa ku daray
hadalkiisa in ay kala hadleen sidii ay Ganacsatadaan u xoojin
lahaayeen Shirkada Ilaalisa Badaha Puntland ee SOMCAN oo uu hada
Wakiilka shirkada (Xiif) uu nala Fadhiyo.
Wasiirka Ganacsiga DGPL oo ka
waramaayay in uu Ruux kasta Maalgashan karo Puntland Qayraadkeeda
kala duwan ayuu sheegay in ay Wasaarada ganacsiga ku soo
dhaweyneeyso ayna Doonayaan in shaqo ay ka helaan shaqaale badan oo
u dhashay Puntland iyo Soomaaliya intaba.
Wershedo
yaryar oo Laga Furay Boosaaso
Qamriga loo yaqaan DRY GIN, BEER
iyo nooca CARAQDA oo lagu Burburiyay Maxkada Boosaaso horteeda.
Waxaa Taariikhdu markay ahayd May 31
2004 lagu Burburiyay Maxkamada Horteeda ee Magaalada Boosaaso Qamri
Dhan 13 Dhalo oo ah nooca loo yaqaan DRY GIN, 197 oo
ah nooca loo yaqaan BEER iyo labo Jirigaan oo ah nooca loo
yaqaan Caraqda oo ah Nooc lagu sameeyo Gacanta oo kuligood laga
sameeyay Dalka Ethobia waxaa dheeraa Afar Cajaladood oo ay ku duuban
yihiin Folimada SEX ah, Qamrigaa ayaa kadib markii lagu soo qabtay
Gaawaari ah kuwa qaada xamuulka oo siday Jawaano ay ku jiraan Miraha
loo yaqaan Galayda iyo Digirta ayna arkeen Ciidanka Ilaalada
canshuuraha DGPL ku sugan Kontaroolka Magaalada Boosaaso, halaka
Cajaladaha anshax xumada ah lagu soo Qabtay Filimada Xarumaha Vedio
ee lagu daawado lacagta.
Markii la horkeenay Maxkamada degmada
Boosaaso ayna dhagaystey dacwadii qamriga iyo Cajaladaha, ayay
qamrigii ku xukuntay in lagu Burburiyo meel fagaaraa, cajaladahana
la gubo, maaha marki ugu horeysay ee Muqaadaraadka lagu qabanaayo
gawaarida ka imanaysa Gobolda Puntland, Soomaaliya iyo Dalalka
Dariskaa ayna soo galiyaan Goboladaan Puntland, mar aan waxka
weydiiyay Gudoomiyaha Faafreebka Xuseen Sheekh (Jifojabsade) oo
isagu horkeenay maxkamada ayna kusoo wareejiyeen Boliska Kontaroolka
Boosaaso ayaa ii sheegay in wali daba joogaan sidii ay ku tirtiri
lahaayeen anshax xumida ayna gacan ka helaan Shacabka inta aan
heysano taageerada Shacabka Daali mayno ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Waxaa la xukumay Tafatirihii
Wargeeska War- Ogaal ee ka soo baxa Boosaaso
Waxa markii ugu horaysay la hor keenay
Maxkamada Boosaaso Tariikhdu markay ahayd May 31 2004 Tafatirihii
Wargeeska lagu magacaabo WAR,OGAAL Cabdishakuur Yuusuf Cali oo lagu
xiray Jeelka Magaalada Boosaaso Tariikhdu markay ahayd April 21 2004
iyadoo lagu eedeeyay in uu Qoray warar lid ku ah Wasiirka Maaliyada
kadibna loo dhaadhiciyay Xabsiga kadib markii uu ku xirnaa Saldhiga
45 daqiiqo, Tafatiraha oo uu ku Doodayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee G/Bari
ayaa uu ku eedeeyay in uu ku been abuurtay Wasiirka Maaliyada DGPL
uuna Wasiirku soo Dacweeyay Wariyaha uuna istaahilo in lagu xukumo
Labo sano oo xariga iyo Ganaax lacageed oo aad u fara badan si ay
ugu quus qaataan Wariyeyaasha kale ee la midka ah si ay wax uga
sheegin Madaxda Puntland ayuu yiri Xeer Ilaaliyahu.
Wariye Cabdi shakuur ayaa markay
Maxkamadu Dhagaysatey dacwadiisa oo uu u doodayay Qareen Maxamed
Abshir ayaa maxkamadu ay ku xukuntay Lix Bilood oo xariga uuna
Iibsan karo.
Wariyeyaasha ku sugan soomaaliya ayaa
ku jira Qatar marka ay Faahfaahin ka bixiyaan Dhacdooyin ku saabsan
Madaxda Maamulaada, Hogaamiye Kooxeedyada, iyo kuwo Qabaa,il tasoo
uu wariyuhu mudanaayo marka ay ugu yartahay Xarig Mooraljaba iyo Dil
uu naftiisaba ku waayo Wariyahu.
Cabdifataax Jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com
SomaliTalk.com | June 2, 2004