SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 2, 2004

» Dhegeyso: R A D I O   X O R I Y O

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamada cadawga Itoobiya oo caadaystay boobka dad waynaha.
  • Amnesty International oo warbixin ay soo saartay ku cambaaraysay dawlada
    Itoobiya
    .
  • Madaxwaynihii hore ee Itoobiya oo isna dawlada Itoobiya canbaareeyay.
  •  Maraykanka oo Itoobiya u diiday dayn la siin lahaa.
  • Mudaharaad wayn oo dawlada wayaanha lagaga soo hor jeedo oo ka dhacay
    magaalada Addis Ababa.
  • Wariye u shaqayn jiray Idaacada iyo Telefishinka Itoobiya oo baxsaday
  • Suugaan halgameed iyo wax yaabo kale oo aad ka heli doontaan.

Ciidamada cadawga Itoobiya oo caadaystay boobka dad waynaha. 

Ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa weli wadaa dhacii iyo cadaadintii uu ku hayey shacabka aan waxba galabsanin ee Ogadenya. Markay xukuumada Zenaawi awoodi wayday inay quudiso ciidankeeda calooshiisa u shaqaystaha ah, ayay bilaabeen ciidamada wayaanaha ee Ogaadeenya ku sugan in ay dadweynaha Ogadenya boobaan. 

Wararkii ugu dambeeyey ee wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Garigo`an naga soo gaadhay, ayaa sheegayaa inuu 27/05/04 Ciidanka boobka dadweynaha ku nool ee gumeysiga Itoobiya, uu  shacabka tuulada Gerigo’an deggan ku xukumeen 10,000 oo Bir inay ku bixiyaan muddo gaaban gudaheed, haddii kalese ay Tuulada gubi doonaa dadkana xasuuqi doonaan. Waxay isla markaas laba halaad ka dhaceen Geel Ceelka Gerigo’an ka cabbayey. Labadii halaadna goobtii ayey ku qasheen ciidamada dulmiga ku caanbaxay ee Itoobiya. 

Amnesty International oo warbixi ay soo saartay ku canbaaraysay dawlada
Itoobiya
.
 

Warbixin ay soo saartay Hay,ada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka u dooda (Amnesty International), ayay ku canbaarayasay dawlada Itoobiya falalkeeda dhanka ka ah xuquuqda aadamiga ee ay kula kacdo guud ahaan dadyowga ku hoos nool dawlada Itoobiya. Si gaar ahna waxay warbixintani ugu nuux nuuxsatay gafafka iyo xadgudbyada ay dawlada Itoobiya kula kacdo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Ogaadeenya, iyada oo ku eedaynaysa in ay taageero niyadeed u hayaan Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya, iyo weliba  shacbiga Oromada oo lagu eedayay in ay taageero u yihiin Jabhada Xoreeynta Oromiya (OLF.)

Warbixintu waxay intaa kudartay in ay dhacaan, dil aan loo aabo yeelin, dadka
rayidka ah oo mudo dheer la iska xidho iyadoo aan maxkamad la horkeenin,
maxaabiis lawaayo, kufsi, jidh dil, hantida dadwaynaha oo la dhaco.
Sida oo kale waxay warbixintaasu sheegtay in xuquuqda aasaasiga ah ee
shacbiga Ogadeniya iyo shucuubta kaleba ay si wayn ugu tomato dawlada Itoobiya ee ay TPLF ka taliso.
 

Madaxwaynihii hore ee Itoobiya oo dawlada wayaanha canbaareeyay.

Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addia Ababa, ayaa sheegay in uu madaxwaynihii hore ee Itoobiya Dr. Nagaso Gidhadha canbaareeyay dawlada Itoobiya.
Madaxwaynihii hore ee Itoobiya Dr. Gidhadha, oo ka hadlay shir wayn oo uu ururka xuquuqal insaanka ee Itoobiya soo qaban qaabiyay ayaa sheegay, in xasilooni
darida maanta Itoobiya ka jirtaa ay tahay dhibaato ka timid dawlada Itoobiya, iyadoo ku  tumatay ayuu yidhi xaquuqal insaanka iyo  weliba cadaadinta ay ku hayso  dadyowga xukuumada Itoobiya ku hoos nool sida, Oromoda, Soomaalida iyo Gammbeella. 

Shirkaas oo lagu qabtay Hotelka wayn ee Ghion ee magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa isaguna si kulul ugu dhaliilay dowladda Itoobiya  Dr Taye Woldesamayat oo ah madaxa ururka macalimiinta Itoobiya. Hayadaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa walaac wayn ka muujiya mar walba sida ay xukuumada Itoobiya ula dhaqanto dadka siyaasiyiinta ah iyo cid kasta oo lagu tuhmo in ay si xor ah maskaxdeeda u cabirayso, waxayna in badan hay,adahaasi ugu baaqeen Taliska Itoobiya in ay wax ka qabtaan xadgudubyada dadka aan waxba galabsan loo gaysto.


Maraykanka oo Itoobiya u diiday dayn la siin lahaa.

Wasiirka maaliyada ee wadanka Marykanka ayaa is hortaagay dayn dhan 200 malyuun oo doolarka maraykanka ah oo uu bangiga aduunku ugu talagalay inuu daymiyo wadanka Itoobiya. Sababta loogu diiday dayntaas Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay, Itoobiya oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay iskaga bixiso dayntaas haddii la siiyo.  

Lacagtan ayaa 100 malyuun oo ka mid ah loogu tala galay in lagu horu mariyo biyaha iyo deegaanka, halka 100ka Malyuun ee kalana loogu tala galay in lagu horumariyo dhaqaalaha guud ee Itoobiya oo aad u liita. 

 Xeel dheerayaal ku takhasusay dhaqaalaha oo  Itoobiyaan ah oo  aan rabin in magacooda la sheego, ayaa waxay cadeeyeen in uunan Bangiga aduunku siin doonin wax dayn ah 40ka sano ee soo socda wadanka Itoobiya, taas oo ay sabab uga dhigeen dhaqaalaha Itoobiya oo hoos u sii socda iyo maamul xumi la dagtay Itoobiya. 

Mudaharaad wayn oo dawlada wayaanha lagaga soo hor jeedo oo ka dhacay
magaalada Addis Ababa.

Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addia Ababa, ayaa noosoo tabiyey in Mudaharaad wayn oo dawlada wayaanaha lagaga soo hor jeedo uu ka dhacay magaalda Addis Ababa gaar ahaan fagaarha wayn ee looyaqaano Maskal Adhabaabay.

Mudaharaadkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad ka badan 50,000 oo qof, waxaana
soo qabanqaabiyay ururka United Ethiopian Democratic Forces (UEDF), oo ka
kooban 15 xisbi oo mucaarad ah. Ujeedada mudaharaadkan ayaa waxay ahayd in latuso dawlada wayaanuhu in ay ku guul daraysatay in ay wadanka hurumariso oo ay nabadgalyo ka dhaliso, iyo in ayna ku shuban doorashooyinka sanadka soo socda la filayo in ay ka dhacaan wadanka Itoobiya.

 Dadkaas banana-baxayey ayaa waxay ku hanjabeen in uu dagaal sokeeye ka qarxi doono wadanka,waa hadii ayey dhaheen uu taliska TPLF isku dayo in uu ku shubto doorashooyinka dhici doona sanadka fooda inagu soo haya, waxayna Taliska haatan Itoobiya u taliya ugu baaqeen in uu kala diro gudiga doorashooyinka ee ay meesha dhigteen, isla markaana la magacaabo gudi madax banaan oo maamula doorashooyinka.

Dr. Marara oo ah gudoomiya xisbigaas ayaa waxa  uu halkaas ka sheegay in aan loo dul qaadan karin waxayaabaha ay dawlada Itoobiya haatan ka talisaa ay ku kacday, waxaa uuna dadwaynaha Itoobiya ka codsaday, in loo midoobo sidii looga takhalusi lahaa dawladan wakhtigeedii dhamaaday ee sii heehaabaysa. 

Wariye u shaqayn jiray Idaacada Itoobiya oo baxsaday. 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa xaqiijiyey in wariye u shaqeeyn jiray televishanka iyo Radiyaha Itoobiya oo magaciisu yahay Habtamu Merga Qena in u dalka ka baxsaday. Wararku waxay intaasi ku darayaan in wariyahaasi u sheegay in baxsashadiisa ay sabab u tahay xasuuqa ay dowladda TPLF ku hayso shacabka Oromiya iyo shucuubta kale ee lagu dulminayo xukunka Itoobiya hoostiisa. Ilaa hadana lama oga meesha u ku suganyahay wariyahaas baxsaday. 

01.06.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Aragtidan waxaa leh radio xorriyo


Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD