Talaado, June 29,
2004.
Galkacyo(Somalitalk).
Madaxweynaha DGPL.
Cabdulaahi Yusuf Axmed oo maanta ka hadlay
kalfadhiga 11-aad ee golaha barlamanka ayaa hadal
dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya ka soo
jeediyay. kalfadhigan, oo lagu qabanayay hoolka
shirarka baarlamanka ee caasumada DGPL ee Garoowe.
Madaxwaynaha oo
ka yimid dalka Kenya kana soo dagay garoonka
diyaarada magaalada galkacyo maalinnimadii sabtida
una gudbay caasimada DGPL, ee garoowe; ayaa maanta
waxa uu ka warbixiyay xaalada shirka dib u
heshiisiinta soomaalida uga socda dalka Kenya iyo
siyaasadda gudaha PL.
Asagoo
kawarbixinaya shirka soomaalida uga socda dalka
Kenya ayuu sheegay in uu marayo meel wanaagan lana
filayo in la soo gabagabayn doono 30,ka bisha July
kadib.
Madaxwaynuhu waxa
kaloo uu ka warbixiyay u jeedada uu u yimid dalka in
ay tahay marxalada PL gudaheeda haatan ka taagan in
uu wax ka ogaado halka ay marayso, Uuna sheegay in
ay jiraan go' aamo is daba jooga oo ka soo baxayay
golaha barlamanka PL, go aamadii kala ahaa:-
Labadii sano oo ay
kordhiyeen kalfadhigoodii kan ka horeeyay iyo waliba
kala noqoshadii xasaanada ay kala noqdeen golaha
xukuumadda PL, oo aanay raali ka ahayn isaga iyo
kuwa kalaba.
Madaxwaynaha DGPL
ayaa sheegay in ay dhibaato uga timid xil u
kordhintii labada sano ee loo kordhiyay xukuumdda
ayna kaliftay kaltankii siyaasadda ee kol horaba
ayna shacabka uga baxday hanti naf iyo maalbaleh.
Madaxwaynuhu waxa
uu sheegay xil u kordhintii hore ee golaha
xukuumaddu in ay jireer duruufo lataaban karo ay
keentay in loo kordhiyo mudda kale ee labada sano
ahayd.
Xil u kordhintii ka
dambaysay ee baarlamaanku uu qaatayna ee ah tan
hadda la isku hayana ay jireen duruufo la taabankaro
oo kalifay in xukuumadda mudada loo kordhiyo.
Daruufahaas oo uu
ku dheegay in ay kamid ahaayeen, in aan la,samayn
xisbiyo siyaasiya oo ku loolama talada dalka, in
doorashooyin loo diyaariyo dalka, abaaro kajiray
dalka, dhaqaale la,aan soo food saaratay guud
ahaanba deegaanda PL, hubkadhigis loo baahnaa in
lagu sameeyo PL iyo shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed oo soconayay.
Arimahaasi oo dhan
waxay ahaayeen kuwo loo qaadan karo in la kordhiyo
xukuumadda markale hase ahaatee dhibaatadu way
jiraysaa balse looma baahna in la kordhiyo xukuumdda
haatan markale maadaama xil u kordhintii xiligan ka
horeysay lagala kulmay dhibaatooyin lixaadleh.
Madaxwayne ku
xigeenka PL Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isna
kalfadhigan ka hadlay waxa uuna sheegay in hadalkii
kalfadhigii kolhore ee November shanteedii ay isugu
yimaadeen baarlamanka PL uu u soo jeediyay in aan
golayaasha xukuumdda PL wax waqtiya lagu darin hase
ahaatee ay ka dhaga adkaysteen arinkaa golaha
barmanku si canaadana ay ugu dareen mudo laba sano
ah kadibna ay xasaanaddii kala noqdeen golaha
xukuumadda PL, arimahan oo dhan waxa uu sheegay in
uu talo ku soo jeediyay in aan wax lagu kordhin
balse la iska dhaga tiray talooyinkiisii bale waxa
aan jeclaan lahaa in aan xili sidaa u badan aan lagu
gordhin hadii wax la kordhinayo.
Madaxwaynaha oo dib
ugu soo laabtay hadalkiisii ayaa sheegay arinta uu u
yimid in ay tahay oo kaliya la socodsiinta shirka
dib u heshiisiinta meesha uu marayo iyo in uu u soo
jeediyo in ay go,aankooda dib ugu noqdaan si ay
markale mid tan ka wanaagsan ama ay ka door bidayaan
midan isula meel dhigaan.
Xubnihii golaha
barlamanka maanta goob jooga ka ahaa oo aan horay
loogu arag in ay madaxwanaha ku warceliyaan isla
markaana shacabka ku dhaliili jiray in ay ku raacaan
go,aamada madaxwaynaha iyo kuwa xukuumadda ayaa si
wayn uga horyimid go'aan kaasi Madaxwaynuhu soo
jeediyay, guud ahaanba golihii barlamanka xubnihii
ka hadlay maanta waxa ay si wayn uga horyimaadeen
talo soo jeedintii Madaxwaynaha ayagoo sheegay in
aan loo baahnayn in dib loogu noqdo talooyin ay
horay u soo jeediyeen golaha barlamanka PL iyo xil u
kordhinta intaba.
Xubnihii golaha
barlamanka ee ka hadlay goobtan waxa ay sheegeen in
isaga iyo golihiisa xukuumadda ay wax kawadi
la'yihiin waa Madaxwaynaha'e, waa hadii aan nahay
golaha baarlamanka ayay yiraahdeen.
Golaha barlamanku
waxa ay Madaxwaynaha ka codsadeen in qola walbaa loo
daayo shaqada ay leedahay tan hadda ay hayaanna ay
tahay tii ayagu ay u xil saaraayeen oo lagula
xisaabtami lahaa sidaa darteedna aysan howshan
golaha xukuumddu wax shaqa ah ku lahayn xil u
kordhinta iyo howlaha kale ee iyagu ay u idman
yihiin in ay shacabka u qabtaan.
Madaxwaynaha DGPL
oo ka hadlay xil u kordhintii hore waxa laga kulmay
waxa uu yiri’:-
"xiligaan ka
hadlayay waxa uu ahaa burburkii dawladda ee labadii
kun iyo kowdii waxaan soo marnay sagaal bilood oo
dagaal iyo rafaad ah dad aan waligood dagaal
dhexmarin oo aan isku dhicin ayaa islaayay waxay
isku laayeenna dee laazin dad waxkale rabayna
wayjiraan waxaan isku laynay waxay ahayd saddexdii
sano oo aad kordhiseen waa khalad ee kanoqda oo kala
taga iyo kanoqonmaynee PL in ay burburto marabno".
Kadib Madaxwaynaha
hadalkiisii xubnaha golaha wakiiladda PL ee kahadlay
goobta shirka qaarkood ayaa waxa ay marlabaad
Madaxwaynaha u soo jeediyeen in hadii taladan dib
loogu noqdo xil u kordhintan xukuumadda ay katimid
jabhadda (JPD) oo dhowaantan lanabadeeyay iyada iyo
xukuumadda PL, ayna tahay arintan mid baarlamanku
loo baahan yahay in uu dib uga fiirsado isla
markaana ay ka hadlaan oo uu u furanyahay hadalku.
Haddii kale oo ay
ka timid golaha xukuumadda ee xasaanadda lagala
noqdayna aysan ahayn in arintan dib loogu soo noqdo.
Jenaral Cadde Muuse
Boqor oo kamid ahaa dadkii halkaasi kahadlay isla
markaan kamid ah (JPD) ayaa wax uu sheegay in
mushkiladdu aysan ahayn mid ay qabto JPD, oo ayadu
lamagacaabay in ay wax kaqabto xil kordhinta balse
ay tahay xili kororsiga xiliyada kala duwan ee
golaha baarlamanku ay u kordhiyeen golayaasha kala
duwan ee dowladda.
Kulankan maanta
ayaa ahaa mid si qota dheer looga dooday oo ahaa
mustaqbalka PL iyo guud ahaanba kan umadda ayaa waxa
uu soo gabo gaboobay ayadoon wax go'aana la isla
meel dhigin, kulankan oo uu xiray madaxwaynaha DGPL
Cabdulaahi Yusuf Axmed oo u soo jeediyay golaha
wakiilladu in ay ka baaraandagaan uuna talada iyaga
ka sugayo.
Golaha xukuumadda
iyo golaha barlamanka ayaan wax hadala ka soo jeedin
ayaa kulankii sidaasi ku dhamaaday.
Balse waxa arintu u
muuqatay in golaha barlamanku uu dib isugu laabanayo
ayna u soo celin doonaan go,aamadda kulankooda ka
soo baxa madaxwaynaha DGPL.
sahrasiglan
siglan
sahrosiglan@hotmail.com
<><><>
DAGMADA BURTINLE OO LAGA
CABANAYO IN AY KA JIRTO XAALAD CAAFIMAADDARO.
Tuesday
June29,2004.
Galkacyo (Somalitalk)
Dagmada
burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa
ka taagan xaalad caafimaad daro oo sababtay in
ay caruur badani la yaalaan guryaha xanuunno ay
ka mid yihiin shubanka, jadeegada iyo kuwo kale.
Duga dagmada
burtinle Cabdulaahi Seeraar ayaa sheegay in ay
ka sii darayso caafimaad darada ka tagan
deegaankan.
Duqa oo
hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in uu la
xiriiray wasaaradda caafimaadka PL, iyo Hayadaha
samafalkaba. Waxa uuna sheegay inaysan jirin cid
uu haatan kahelay wax hawaaba balse uu sii
wadayo sidii uu u gaarsiinlahaa maamulka sare ee
PL
Duqa oo ka
warbixinaya xanuunada caruurta ku dhacay oo ay
la liitaan ayaa sheegay in ay kala yihiin
shubanka malaariyada iyo jadeecada.
Malaha
magaaladu isbital lagu daweeyo caruurta iyo
dawooyin lagula tacaalo ka hortaga xanuunada aan
soo sheegnay, magaalada oo lahayd hal cisbital
oo wayn ayaan haatan shaqayn una fadhiya dayac
xaga qalabka ah iyo dib u habayn la,aan dhinaca
dhismaha ah.
Gugu dambayntii
waxaan ka codsanayaa mar labaad wasaarada
caafimaadka PL, iyo hay,adaha samafalka
caafimaadkaba in ay la socdaan xaalada dagmada
burtinle ee dhinaca caafimaadka.