SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MANHAL CHARITABLE ORGANIZATION 

Blindness Control Program  

MASHRUUCA KA HORTAGGA INDHALA’AANTA 

Araggu waa nimcooyinka Rabbi bixiyo kuwa ugu qaalisan waxaana dareema qofka aragiisa waaya iyo qofka gacanta qabta ee haga. 

Indhala’aantu waxay aad ugu badan tahay dunida soo koreysa, waddankeenuna waxuu ka mid yahay meelaha ugu daran maadaama dawlad dhexe oo caafimaadka iyo daryeelka dadka ka shaqeynaysaa aaney jirin. 

Inkastoo aan tiro sugan la hayn, waxaa la qiyaasaa waddankeenna in dad ka badan 150,000 ay indho la’yihiin, dadkaa badankoodana indhala’aantooda waa la daaweyn karaa ama laga hortagi karaa,iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo qiimahooduna aad u jaban yahay.Waxaa suuragal ah in qof indhala’ aragiisii $30 dib loogu soo celiyo, qalliinka noocaas ah waxaa lagu sameeyaa UAE $1000. 

Maadaama daryeelka caafimaad ee dalkeennu aad u hooseeyo, dadka dhaqaalihiisuna aad u liito waxaa dhacda in lagula kulmo goobaha qalliinka indhaha ah ee tabaruca ah (Free Eye Camp) lagu sameynayo, dad indhola’aa in ka badan 20 sanadood,oo ama gaadhi kari waayey goob caafimaad ama waayey dhaqaale indhaha loogu jeexo. 

Si haddaba culeyskaa dadka taagta daran ee saboolka ah haysta wax looga qabto ayaa  Ururka Samafalka ah ee Manhal bilaabay Feb. 2002 mashruuca la dagaalanka indhala’aanta,kaasoo illaa iminka indhaha loogu jeexay dad dhan 3557,laguna daaweeyey dad gaadhaya 21238, iyadoo lagu qaybiyey 7348 Muraayadood (Ookiyaale). Iyadoo lagu qabtay 17 hawgal Caafimaad ( Eye Camp) 14 magaalo oo waddanka ah kuwaasoo kala ah  Ceerrigaabo  (2 jeer), Lascaanod, Galkacyo (2 jeer), Mogadishu (2 jeer), Burco, Berbera, Marka, Goldogob, Hargeisa, Cadado, Kismayo, Caabudwaq, Gabiley iyo Baran. 

Qorshaha sannadka 2004 ee Mashruuca la Dagaalanka indhala’aanta ee Manhal waxaa weeye in indhaha loo jeexo dad tiradoodu gaadhayso 5000 oo qof (eeg lifaaqa). 

Taageeradaada mashruucu aad bay wax uga bedelaysaa nolosha qofka indhaha la’ ee awoodi kari waayey waxuu indhaha ku jeexdo si aragiisii u soo noqdo. Iyadoo nasiib wanaag dhakhaatiir Soomaliyeed ay hawshaa qabanayaan iaygoo isticmaaalaya farsamooyinka ugu casrisan ee maanta dunida laga isticmaalo, oo qofka isha gudaheeda loo gelinayo lens.

Zekooyinka, Sadaqaatka iyo tabarucaadkiinu waxay suuragal ka dhigi karaan wax aadan iminka maanka ku hayn. 

  • Qalliinka qofka indhaha la’ waa $30-$50.
  • Qiimaha Muraayadaha (Ookiyaalayaasha) waa $3.
  • Daaweynta qofka indhuhu bukaan waa $1.
  • Qabanqaabin iyo fulin hawlgal qalliinka indhaha iyo daaweyntiisa ah (Eye Camp) waa $8000-$13,000.

Waxii faahfaahin intaa dheer kala soo xidhiidh: 

almanhal@hotmail.com ama
drshiine@hotmail.com

LIFAAQ

Jamciyada samafalka ee Manhal oo ku qabatay mashaariicda indhaha gobolo kala duwan oo ka tirsan dalka .

1- Bishii April iyo May waxay jamciyadu ku qabatay mashruuca indhaha magaalada baardheere iyo kismaayo, halkaas oo indhaha loogu fiiqay dad gaaraya 364 qofood , laguna daaweeyay 1183 dadkaas oo aad ugu riyaaqay howshas , gaaar ahaan baardheere oo ahayd markii ugu horeysay ee ay nasiib u helaan mashruucan oo kale baahi badana u qabeen.

2- Bishii May waxay jamciyadu ku qabatay mashruucan magaalada garoowe halkaas oo indhaha loogu qalay 109 qof laguna daaweeyay dad gaaraya 1200 qofood, mashruucan oo socday 2 usbuuc waxaa ka faa'ideystay dad aad u liita.

3- Bishii June 12-17 keedii waxaa mashruuca lagu qabtay magaalada caynaba waxaana indhaha loogu qalay dad gaaraya 128 qof.  waxaana la daaweeyay dad gaaraya 504 qof.

4- Bishii June 12- 24 keedii waxaa mashruuca lagu qabtay magaalada laascaanood waxaa indhaha loo qalay 183 qof oo isugu jira 106 dumar ah iyo 77 rag ah, waxaana la daaweeyay dad gaaraya 2100 qof.

Jamciyadu waxay qabatay laga soo bilaabo january 2002 ilaa hadda 22 eye camps waxaa indhaha loo qalay 4883 qof , waxaa la daaweeyay dad gaaraya 30100 qof, waxaa la qaybiyey 10344 muraayadaha indhaha.

Bishan July ee soo socota jamciyadu waxay ku qabanaysaa mashruuca magaalooyinka Afgoye ,iyo Bosaso oo lagu qaban doono 1-14 July.

Mashaariicdaas ay jamciyadu qabatay oo dhan dadka waxaa lagu daaweeyay ama indhaha loogu qalay lacag la'aan, sidaa awgeed jamciyadu waxay ugu baaqeysaa walalaha soomaaliyeed ee dalka dibediisa jooga inay taageeraan mashruucaasna ku bixiyeeb sadaqadooda iyo sakadooda.

Waxaa ka faa'ideystay dad badan oo aad u tabardaran duco badana waa laga helay. Qalliinka qofkii wuxuu kallifayaa 30 dolar oo keliya.

Xoghaynta xiriirka dibeda

Jamciyada samafalka Almanhal

almanhal@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD