UNUG
CAAFIMAAD QABA!
Liiban Maxmed
Shariif(dhegacade)
Xal
yaa u haya Soomaali?
Jawaabteedi la raadi
jawaabse loo waa.
Maxay reer soomaal isku
heystaan waa marka hore? Ma
odhan karo waxaa soomaalida
dhextaala cadaawad soo
jireen ah iyo naceyb lamid
ah kan ay usa qabaan Huutuga
iyo Tutsiaga reer Brundi iyo
Ruwanda.
Haddii uu
jiri lahaa cadaawad noocaasi
ahaa miljan badhkii baynu
bil iska dili lahayn sidii
ka dhacaday Ruwanda.
Cadaawad
diineed isuma qabtaan oo
isma aydin goowriciin siddii
Bosnia ka dhacaday, iyadoo
midkasti ku doodayey in ay u
banaantahay dhiiga kan kale
in uu qubo dhaarna ku maray
in uu kurka ka jaro kan kale
marka ay ishiisu qabato.
Dheeman
iyo dahab qurta leysaga
gooyo sidii ka dhacaday
Siirelyoon laguma ogeyn
Soomaaliya. Maxaa hadaba
laysku heystaa?
SuŽaashan
caalamku ku wareer xal cad
oo waarana loo waa.
Soomaalidu waa dad wax
akhrintu iyo qoristu ku
yartahay. Afka soomaaliga
waxaa la qoray horantii
todobaataneeyaddii.
Xornimada waxay timi
lixdamaadkii dhexdeedi.
Intaa waxa sii raacay
xukumado iyo shaqsiyaad aan
qaadi karin amse aanba
fahmin xilka iyo masuuliyada
saaraan oo xukunkii gacanta
u galay. Dagaalo ahli oo soo
jiitamayeye ilaa dhamaadkii
todobaataneeyadii.
Isaamin
laŽaan baahday oo u dhexeysa
qabaailda soomaalida iyo dib
u gocosho ay had jeer ku
lamaaneeyaan xukuumadihii
dalka soomaray ayaa waxay
keentaa in inbadani ka
dhiidhido cida masuuliyada
dalka hananeysa. Waa wax cad
oo aan mugdi ku jirin in
eexasho balaadhan ay dhacdo
oo lagu naasnuujinayo reerka
uu ka dhashay ruuxa ah
xubinta u sareysa maaamulka
markaa jira. Shaki kuma jiro
in aamindaro imaneyso iyo
kacdoono isdaba joog ah si
ruux waliba xalwada la
raamsaneyo uu badhkiisa u
goosto. Xukunkuumad
kanser(Canser) ku dhacay
daawo maleh. Kala didkaa ku
dhacay shacabkii walaalaha
ahaa oo ay ka faaiideysteen
siyaasiyeen raba in ay dano
shaqsiyadeed ku gaadhaan
ayaa xaalkii awalba liitay
ka sii dhigay mid aan wax
laga qaban karin. Xusuusnoow
dalkani waa dalka aduunka
ugu fakhrisan. Xeerkee
qabanaya haddaba dadka
madaxdoodi ay dhiigmiirato
noqotay.
Qaranka
iyo qowmiyada soomaaliyeed
badbaadinteedu waxay ku
xidhantahay iyadoo la helo
UNUG CAAFIMAAD QABA.
Unugani wuxuu ka
koobnaanayaa shaqsiyaad
aaminsan mabda, axdina leh.
Balan qaadikara ogna in ay
yihiin dabka keliya ee ay
soomaail kulaaleyso haddiise
uu demo dabku waxaa inbadan
la baadigoobidoona dhimbiil
dab ah oo dib loogu shido
ileys dambe. Unugani haddii
uu helo degaan ku haboon
tarankiisa, wuxuu markiiba
bilaabayaa in uu qeybsamo,
isaga oo laba laabmaya
markiiba. Mudo dabadeed waxa
uu unug-gii noqonayaa xubno
kala duwan oo si habsami leh
u wada shaqeeya. Midwalibana
howl gooni ah ay u
xilsaarantahay. Sidaas ayaa
waxaa ku ubuurmaya bulsho
badqabata ogna xilkeeda iyo
wax looga baahanyahay iyo
meesha ay howsha ka
garabgelyso.
Gunaanad
dalku wuxuu u baahan yahay
Team aragti dheer leh oo aan
xukun iyo dhaqaale doon
midna aheyn. Kooxda xukunka
qabandoonta waa in ay
leeyihiin dhowr calaamadood.
Kow waa in ay
garoowsanyihiin xaalada,
dhibka rafaadka ay qabaan
soomaalida gudaha iyo
debedaba. Labo waa in ay
ogyihiin fursadda ay heleen
in ay tahay mid taariikhi ah
haddii ay ku guuleystaan in
ay wax ka qabtaan xaalada
dadka iyo dalka ku
sugunyihiin in ay taariikhdu
si wanaagsan u xukumidoonto.
Sadex sidda hadafka lagu
gaadhayo waa in ay si cad u
qeexantahay iyo
ugudambeyntii in dulqaad iyo
isfahanka dhexdooda la
adkeeyo.Unug siddaa u
shaqeynaya ayaa soomaali
dulinimada ka saari kara.
Liiban Maxmed
Shariif(dhegacade)
Stockholm
Sweden
Somalia60@hotmail.com