DARXUMADII OO LOOGU DARAY
DIL BEESHA LA TAKOORO EE
WAQOOYIGA!!!!!
A.O.Dirie
<bakool55@hotmail.com>
Siyaad Bare markii xukunka
laga tuuray ayaa waxaa
dhacday in beelaha la
hayb-sooco ee Waqooyiga
degan gaar ahaanna Hargeeysa
oo xaafad dhan lahaa ay
halkaas ka soo carareen, una
soo guureen
Boosaaso.Xaqdaradaasna cid
ka hadasha illaa iyo maanta
lama arko iyo hantidooda
xoogga lagu heystaba iyadoo
reer Hargeeysa ay meelaha ka
sheegsheegaan in ay "Dimoqraadi"
ay yihiin.
Muddo ka horna , dad
arrintaas lagu khalday ayaa
waxay damceen in awoowgood
Shekh Muse oo ay isku meel
ku aasan yihiin Shekh
Isaxaaq ay khabrigiisa ay
dhisaan, arrintii ka
raacdayna waaba la ogaa iyo
wareeysigii suxufi ku
sheegga jaahilka ahaa ee
Haatuf oo su'aalaha uu
weeydiinayey qolooyin
caabuda qabuuraha ay ka
muuqatay yasid iyo
qaangaarid la'aanta
saxaafadaa qabiilka Isaaqu
leeyahay.
Sida,beri hore ay qortayna "Jamhuuriya"
gabdho saxiib ahaa oo ka
kala soo jeeday kuwa
hubeysan iyo kuwa aan
hubeysneyn ee Hargeeysa ayaa
waxaa aroos lahaa tan Ajiga
ah, markay tii ay weeydiisay
saaxiibadeeda wakhtiga
xafladdu dhaceeyso si ugu
diyaar garoowdo oo uga qeyb
gasho ayaa waxay ugu
jawaabtay , "Naa arooska ha
naga ceebeeynin".
Maantana, waxaa ka dhacday
Hargeeysa in reer dhan oo Gabooye
ah kibir lagu dilo oo cid
wax ka qabatayna ayan jirin,
marka meeday
dimoqraadiyaddii iyo muslin-nimadiiba?.
Waqooyiga Somaaliya oo
markeedii horeyba aheyd
halka ugu takoorka badan
Somaaliya oo dhan ayaa waxaa
cad in maanta ayan waxba
dhaamin Xamar oo beelaha aan
hubeysneyn sidii la doono
laga yeelo.
Si kasatab ha ahaatee ,
waxaa laga wada arkay in
waxyaabaha aan soo sheegay
ay Puntland 100% ay uga
wanaagsan tahay S/land,
sabata oo ah P/L waxay horay
dil ugu xukuntay kuna
fulisay qisaas askari
Daraawiishta ka mid ahaa oo
dilay nin Jareerweyne ka soo
jeeda oo Xamar ka yimid.
Marka su'aashu waxay tahay
in takooridda foosha xun ay
adag tahay in dhowaan ay ka
koraan reer Waqooyiga balse
aan dhowro in sidii P/l ay u
dhaqmaan iyo in kale oo ay
sharaftooda dhowrtaan,
muslin-nimadana qadariyaan!