Qabqabashada Shacabka Ogaadeenya Qoomama
Xigi
Nuul Liibaan.
<nliibaan@yahoo.com>
Walaalayaal,waxaan
halkan idiinku soo gudbin qoraal aan
kaga hadlayo Falaadhaha Colaadeed ee
ka soo Ganmaya Gobalka Waqooyi
Galbeed oo Xadkooddii dhaafay,Kuwaas
oon laga sii aamusnaan karin.Hadaba
waxaana qaybtan oo ah tii 1aad ee
Maqaalka Magaciisu Sare ku xusan yahay
ku bilaabi hor u dhac aan rabo in aan
kula qabadsiiyo akhristayaasha
Faalooyinka aan ooga hadli doono
Dhacdooyinka Fadeexo ee Ku
Gadaaman,Maamulka Waqooyi Galbeed ee
Hargeysa ka Taliya.
Shucuubta
Aduunka ku nool ayaa kuwoba meel Eebe ku
Abuuray,qaar baa hoodo u yeesha in ay ku
dhashaan meel Barwaaqo nabad iyo Wanaag
Alla ugu deeqay,halka kuwo kale ay
nasiib u yeeshaan in uu Eebe ku Abuuro
Meelo Abaaro,Colaado iyo Dhibaatooyin
Hadheeyeen
Dadka Soomaaliyeed
ayaa ah kuwo uu Allah ku Abuuray Geeska
Afrika iyaga oo lagu Manaystay,Dhamaan
Kheyraadyada Dabiiciga ah ee Baniáadamku
lahaan Shahooda ku kala horumay.Waxay
Soomaalidu taas ku mutaysatay Cadaawad
Xoog badan oo kaga timid kuwii aan
Hantidaas Dabiiciga ah lahayn,waxaana
ugu horeeya Gumeystayaashii Caalamiga
ahaa ee Ummadda Soomaaliyeed u kala
Qoqobiyey 5ta Qaybood ee ilaa maanta
Geeska Afrika dhibaatooyinka ka aloosan
u sababta ah.
Marka Shacab
lagu soo Duulo ee la doonayo in gacanta
lagu dhigo waxaa Gumeysigu had iyo Jeer
uu Daraasad ku sameeyaa habkuu dadkaas
u dhex gali lahaa ee uu danihiisa uga
dhex fushan lahaa,isaga oo marka uu taas
dhameeyo dabadeed ku dhaqaaqa Qorshaha
Karaamamda,Sharafta iyo Xoriyada lagaga
qaadayo ummadaas.
Hadaba Saaxiibayaal
inaga oo taas Maskaxda ku hayna,waxaynu
ognahay in Gumeystayaashii Caalamiga
ahaa ee Dadka Soomaaliyeed Xoriyada ka
qaaday ay ka soo dageen Xeebaha iyagoo
Xidhiidh kala yeeshay Soomaalida kuwii
xiligaas u dhowaa ee Xeebaha
Degenaa.Waxaa Xusid mudan in dadkii
Xeebaha degenaa ayna u wada dhaga
nuglaanin Qorshayaashii Gumeystayaasha
Caalamiga ee Dadka iyo Dalka
Soomaaliyeed Boobay.
Waqooyi Galbeed
oo ah kuwa inta badan
farta lagu fiiqo
marka arimahaas laga hadlayo waxay inta
kollba u talisa Bulshadaas taariikhda ku
galeen in ay ka Hiishaan Walaalahood
iyagoo dhaafsanaya dano aan u
dhigmin,laadna ugu dhaga Nuglaada
Gumeystayaasha Caalamiga ah iyo midka
cusub eey sida indhalaáanta ah u daba
socdaan ee ItoobiyaWaxaa kale iyana
marag madoonto ah Dagaalkii uu Halyey
Al-Sayid Mohamed Abdalla Hassan ku hayey
Ingiriiskii iyo Halgankii Daraawiishta
siday uga hor yimaadeen eey ugu
adeegeen Gumeysigii Ingiriiska.Waxaana
Eedaas aan lala wadaagin kuwa
Siyaasiyiinta ah ee hadba u taliya Reer
Waqooyi Galbeed,walow ay jireen,walina
jiraan kuwo badan oo wanaagsan
dareenkaasna ka caafimaad qaba.
Markii ay Burburtay
Qaranimaddi Ummadda Soomaaliyeed
Sanadkii 1991-Kii ayaa waxaa soo
ifbaxday Xaqiiqooyin Qarsoonaa oo
dadka inta Indheer Garadka ah iyo Kuwa
Xog ogaalka ahbi ay Dareen Sanaayeen,kuwaas
oo markii ugu horaysay si cad ugu
Cadaaday Guud ahaan Ummadda
Soomaaliyeed.Shakigaas oo ahaa in ayna
marna Reer Waqooyi ku qanacsanayn
Midnimaddii labada Gobal ee Koonfur iyo
Waqooyi oo Sanadkii 19960-kii midboobay
markii ay Xoriadooda ka kala Qaateen
Gumeystayaashii kala haystay labada
Gobal ee Soomaaliyeed ee Ingiriiska iyo
Tanlaaniga.
Itoobiya oo ah
Cadawga kaliya ee Soomaliyi leedahay
ayaa Qayb libaax ka qaadatay Burburkii
Dawalddii Soomaaliyeed kadib markii ay
Ururaddii Macaaradka ku ahaa Dawladaas
siisay Hub iyo Saanad ay ku
Burburiyaan,Ku Kala Gooyaan,Ku Duleeyaan
Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed idinka
oo taas ka dharagsan aana iiga baahnayn
faah faahin.Soomaali oo ah Dal isku
Dad ah,Isku Diina,Isku Afa,Isku Dhaqan
isku Wada mida oon sinaba si dhaba loo
kala saari karin ayey Maamulka Hargeysa
Kala Gooyeen iyagoo Gobaladaas ku
Magacaabay Dawlad.
Waxaa taas ka sii
daran marka ay hadana Af-Hayeen u
noqdeen Gumeysiga Itoobiya oo Shacbiga
Somalida Ogaadeenya,oo Halgan Hubaysan
kala soo horjeedsaday Gumeysigaas ay
dhankooda kaga bilaabeen waa Waqooyi
Galbeede,Olole u Cabudhin iyo u Jilib
Qabasho ah,kaas oo Si Xishood
Daro,Cadaawad iyo Hagar Daamo ku dheehan
tahay ay ula Daba Istaageen Shacbiga
Mintidka ah ee Ogaadeenya,oo isagu
Halgan ay Ujeedadiisu tahay in uu kaga
hoos baxo Gumeysiga Itoobiya ku
jira,haba yaraateena aan iyaga iyo
Danahooda wax dhibaato ah ku haynin.
Xaaladaha Is Qaban la´ee Maamulkaas Ka
Muuqda Siyaasaddiisa
Akhristoow aniga
oo soo koobaya waxaan halkan kaa tusi
dhawr waxyaalood oo uusan Maamulkaasi in
markaba laga akhrisan karo markii sidaas
loo fiiriyo waa ruuxii Garashadeeda leh
ee , waxna u bilaaban yihiine ayaan
halkan kuugu tixi kuwaas oo kala ah
1-Maamulkani markii uu Dalka Kala
Gooyey wuxuu samaystay wax uu ku sheegay
Calan,astaan u ah oo lagu
aqoonsado,waxayna qaateen mid leh 3dex
midab oo kala ah Guduud,Cadaan iyo
Cagaar iyagoo midabkii Buluuga ahaa ee
Calanka Soomaaliyeed lagu yaqaanay,
halkaas kaga tagay.
2-Waxay Cadaanka Dhex Galiyeen Xidig ay
ka leeyihiin labo Ujeedo kuwaas oo kala
ah
a) In ay Soomaali ku khaldaan in ayna
Xidigtii 5-ta Gees lahayd ka tagin eey
wataan,
b) In ay Gumeysiga Itoobiya,Kenya iyo
Gumeysitayaasha Caalamiga ah isla
Xidigtii Soomaali Baaqaas lagu siiyey
hadana ugaga helaan taageero Siyaasadeed
oo wadata Dhawaaq dheer oo ah anagu
Somali Weyn waanu ka hadhnay oo
waanagaas midabka Madaw siinay,weyna
dhimatay.Dhan Xiir.
3-Waxay ku qoreen Calankooda Ashahaado,
si Dalalka Carabtu loogu khaldo in ay
yihiin kuwo Diinta Islaamka ku
Dhaqma,Deeqna loogaga helo.Siyaasad Dhan
Xiir nimo ahna ay ku dhaqmayaan,Kolka
iyagoo dhanka kale si ay Taageero
Siyaasadeed uga Helaan Dawlada
Maraykanka iyo Itoobiya Kolba Inta Ruux
Shacab ah qabtaan,Ka Dhacaan wixii hanti
uu haystay,Jidh Dilaan hadana ka iibsada
Gumeysiga Itoobiya oo Wakiil Geeska
Afrika Maraykan uga ah.
4-Waxay meel iska dhigeen ooy ka
boodeen,Caqiidaddii Islaamka oon Ogolayn
Munaafaqnimo.Waxay ka talaabsadeen
Xeerkii Soomaalinimo iyo Walaaltinom
iyagoo Dhaqanka Soomaalida ku soo
Kordhiyey Gadaafooyin aan horey u soo
marin kadib markii ay Waqooyi Galbeed ka
tarxiileen Dhamaan Soomaalidaan iyaga
ahayn oo dhanka kale iyagoo Dhamaan
Gobalada iyo Degmooyinka Soomaaliyeed si
caadi ah ugu nool waa
Shacabkoodee.Waxayna ku dooneen
Dambigaas ay ka galeen Walaalahood
Dhaqaale in ay ku helaan,kadib markii ay
Been Abuur iyo Xaalad Samayn ku Caan
baxeen,ltoobiyana dadkay Dhaceen hadana
ka Iibsadeen.
Hadaba akhristoow
haddii aad si fiican iila
socoto,Dhacdooyinka Waqooyi Galbeedna
Sanadihii Dambe la socotay,Dambiyada ay
dadka Soomaaliyeed ka galayeena wax kala
soctay waxaa hada kuu daah furmi Dibin
Daabyooyinka ay Maamulkaas Xaqiiqada ka
fog u maleegayaan Shacabka
Soomaaliyeed,Gaar ahaan Halganka
Shacbiga Ogaadeenya uu ugu jiro aaya ka
tashigiisa,iyagoo ilowsan in
Cidii Halgankaas Faraha la soo gasha ay
ugu Guban sida Gumeysiga Itoobiya ugu
gubtay.Intaasna waxaan maanta ku
koobi qaybtii 1aad ee Maqaalkii
Qab Qabashada Shacbiga Ogaadeenya
Qoomamaa Xigi
aniga oo ku soo Af-Jari Maqaalkeena
Maanta,Gabaygii
Qanjig,ee Macalin Dhoodaan
Dadkanaga Markii La Qalay ee Qaarba
Dhinac Aaday(Gumeytayaashii)
Dadkeenii Qaldamay Baan Ku Idhi Qodob
Intaan Sheegay
Haddii Nacab Walaalkaa Qabtay oo Qaylo
Kaga Yeedhshay
Qool Weyn Haddii lala Dhacay oo Qaarta
Lala Boobay
Qablankiyo Cataawiyo Hadaad Qawda Sii
Maqasho
Quud Raadso Mooyeen Hadaad Qaman Dhacoon
Weydo
Markii ay Qudh Goysee Dishee Qawrac Ugu
Jiido
Qormaddii uu Taagnaa Haday Bawd Qalaal
Noqoto
Qudhaadu Kolkey Soo Hadho oo Madi ah oo
Qaawan
Qun Yar Buu Awoodaa in uu Qoorta Kaa
Jaroe
Tan Qofay ee Tu Kale Hoo Qudh Qudhi
Qodobna waa Kaase
Qorofyada Markii Lagu Jiray iyo Qarandi
Buulkeeda
Qumbe Subaga Waan Heli Kariyo Qaab Dhito
ahaaye
Qabaal Xuuko Yaan Buuxinoo Taa Qarka u
Yaale
Qalwaan Ramadka u Seexiniyo Qaadhkii
Naylaha e
Qadhoon Baan Dudada Tiir Saniyo Geed
Quwaax Badane
Qansax Lama Maraa aan Degniyo Hawd Qadh
Oodanahe
Qooq Hurdada Dheer Intaan Qaalmo
Roganaynay
Gaajadii Qunkeed Xoogsatay oo Qoradu
Weynaatay
Dhulkeenii Qoslaayey Liqdiyo Quruxda
Waagaase
Qanjidh iyo Qanjaafudhe Liqdiyo Seed
Qawaawir ahe
Quruxdeena Kii Daydayahayuu Qaxar Ka
Haytaaye
Qanjidh iyo Qanjaafudhe Liqdiyo Seed
Qawaari ahee
Tan Qufay ee Tu Kale Hoo Qudh Qudhi
Qodobna Waa Kaase.
Bal akhristoow
qayta 1aad ee Qormadu,intaas ha inoo
joogto,aniga oo Qaybta 2aad,kaga Jawaabi
doona waxyaalo aan Saxaafadda
Soomaaliyeed ka akhriyayey Bilihii u
danbeeyey,Tooshkana
Si Toosa ugu Ifin Doona,Dhaan Daban
Gaalaha ay Maamuka Waqooyi Galbeed
Bidhaan Sanayaan.Mahadsanidin.
Nuul Liibaan.
<nliibaan@yahoo.com>