Dad Mooryaanta ka daran!!!
Qofna looga sheekayn maayo dhibaatada
ballaaran ee Jirridu (Dayday) u gaysatay,
kuna hayso shacbiga Soomaaliyeed.
Dhibaatadaas oo leh dil, qafaalasho, kufsi,
dhac, bara kicin, jid gooyo, cabsi galin iwm,
taas oo keentay in dadwaynuhu u fahmaan in
Mooryaantu ay ku hayso dhibta ugu wayn,
haddii hubka laga qaadana wax walba
hagaagayaan. Waxaase jira qaybo kale oo ka
dambi & dulmiba badan Jirrida. Maqaalkaanna
waxaynu ku falanqaynaynaa dadka ka daran
Jirrida iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan
bulshada. Dadkaasina kuma koobna inta aan
maqaalkaan kaga hadlayno oo kaliya ee waxaa
jira dhib wadayaal kale oo aynaan hadda ka
hadlayn.
Marka aynu ka hadlayno dhibta ay inagu
hayaan qaybo ka mid ah bulshadeenna
macneheedu ma aha in qof kasta oo ka mid ah
qaybahaas uu yahay dambiile, gaar ahaan
culimada, odayaasha, ganacsatada,
dhakhaatiirta iwm oo ay ka mid yihiin dad
aad u wanaagsan, mana qarsoona in aysan kuwa
aan sheegi doonno oo dhani ka xumayn
Mooryaanta oo dhan ee qof walba gaarkiisa
ayuu qiimayn u leeyahay, Rabbina dadka
xisaab guud kuma qaadee qof walba tiisa ayuu
kula xisaabtamaa oo ay ka mid tahay tan uu
sababta u yahay, waana tan keentay in aan si
guud ugu tilmaanno dadka aan ka hadlayno
inay Mooryaanta ka daran yihiin illeyn
iyagaa wax badan sabab u ahe. Waxaa kale oo
xusid mudan in aynaan u jeedin in qof kasta
oo dambiile ahi uu wada gaystay noocyada
dambi ee aynu ku tilmaannay in qaybtiisu ku
kacdo, ee waxaa dhici karta in qaarkood qayb
uun ka mid ah dambiyadaas galeen. Tan kale
ugama jeedno sheegista dambiyadaan
dhaleecayn ee waxaynu uga jeednaa in dadka
ku kacayaa ka waantoobaan, ama bulshadu wax
ka qabato iyo in aynaan xanuunno badan oo
ina haya u qaadan mid qur ah.
Yaa ka daran Mooryaanta?!!
Waxaa Mooryaanta ka daran dadkaan soo socda:
1.
Odayaasha ku
barbaariyay ilmohooda cuqdad qabiil,
cadaawad sokeeye, ku faanis dhiig muslin,
kulana dardaarmay aarsi. Kuwaas oo ka dibna
isu soo uruuriyay dhallinyarada, wada
hubeeyay, ku taakuleeyay, ku dhiirri galiyay,
kuna hoggaamiyay colaad muslin, isla mar
ahaantaana la cunay wixii ay soo dheceen,
uguna hambalyeeyay intay soo dileen,
daaweeyay dhaawacooda, duudsiyay xaqa ciddii
wax ku sheegata, ugana dooda goloyaaasha,
iyagoo ku andacoonaya inay Mooryaantu yihiin
balaayo loo baahan yahay, haddaan iyagu
jooginna tolka sidii la doono laga yeeli
lahaa. Odayaashaani waxay la wadaagaan
Mooryaanta dambi kasta oo ay galaan, maxaa
yeelay qofkii dambi bilaaba wuxuu leeyahay
dambi le’eg kan ay helaan dadka ku dayday oo
dhan, iyadoon laga dhimayn kuwii gaystay
dambigooda. Nabigu -Naxariis iyo Nabadgalyo
korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: (qof kasta
oo dulmi lagu dilo, ina Aadankii hore wuxuu
dhiiggiisa ku leeyahay dambi, maxaa yeelay
waa kii ugu horreeyay ee jideeyay dilka).
Wuxuu kale oo yiri Nabigu -Naxariis iyo
Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee-: (qofkii
baadinimo ugu yeera dadka, wuxuu leeyahay
dambi u dhigma dambiyada dadka ku raacay
dambigaas, iyadoon laga dhimayn kuwa falka
gaystay dambigooda). Intaa waxaa kale oo u
dheer dambiyadooda gaarka ah.
2.
Qabqablayaasha
ku garaadda gooyay xasuuqa iyo gumaadka
shacbiga Soomaaliyeed isla markaana geystay
foolxumooyinkaan:
·
dhallinyaradii ummadda ayay
u xereeyeen Xabashi, uga dhigeen sokeeye, u
dhiibeen hubkeeda, ku direen dalkoodii, ku
dileen dadkoodii, una diideen jid toosan,
si ay ugu gaaraan danahooda gaarka ah.
·
Waxay huriyeen dagaallo
waawayn oo aad loogu hoobtay oo ay dhex
dhigeen bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ku
raadinaya xukun iyo xoolo.
·
Waxay dadkii iyo dalkiiba
gacanta u galiyeen Xabashi. Iyagoo u danqada
danta Xabashida, dadkoodiina u dulleeyay.
·
Waxay la dagaallameen
Diintii iyo wax walba oo waxtar u lahaa
dalka iyo dadka.
·
Waxay ka gateen gaalada ama
siiyeen hantidii iyo khayraadkii ummadda,
sida: badaha, dakadaha iwm. Waxay kale oo
cadawgeenna u suura galiyeen inay
dhulkeenna iyo xeebeheenna ku aasaan sun,
taas oo khatar ku ah xataa jiilalka dambe ee
Soomaaliyeed.
·
Waxay ka cunaqabateeyeen
(xireen) shacbiga inuu ka faa’iidaysto
ilihiisa dhaqaale, sida: dakadaha, garoomada
iyo waddooyinka.
·
Waxay mar kasta hor
istaagaan wixii heshiis ah ee dhex mara
dadwaynaha Soomaaliyeed, si aysan u waayin
danohooda gaarka ah iyo danaha cidda ay u
adeegayaan.
·
Waxay dalka si isdaba joog
ah u keenaan lacago been abuur ah oo sii
baabi’yay bulshada intii ka dhaqnayd,
keentayna sicir barar, khasaaro wayn, faqri
iyo gaajo. Dhibaatooyinka faraha badan ee
haysta Soomaalidana waxaa sabab u ah waxa
nimankaasi gaysteen.
3.
Daba dhilifyada
(madiidin) gaalada, oo u gudbiya cadawga
Soomaaliyeed wax kasta oo sir u ah ummadda.
Waxay raggaasi iibsadeen wax kasta oo ay
lahaayeen: diin, sharaf, dad iyo dalba,
waxayna dhaafsadeen diin la’aan, gunnimo iyo
dullinimo. Waxay la gaartay inay gaalada u
soo jaajuusaan: dugsiyada Qur’aanka,
Masaajidda, jaamacadaha, culimada iyo
qofkasta oo aysan la qummanayn jaajuusnimadu,
waxay kale oo u gudbiyaan hub iyo hanti waxa
dadku haysto, baryahaan dambana waxaaba soo
baxay dabadhilifyo ciidamo haysta oo la
sheegay inay u adeegaan Yuhuudda,
Maraykanka, xabashida iwm oo shaqadoodu
tahay in ay qafaashaan ka dibna u dhiibaan
gaalada qof kasta oo muslin ah oon u dhalan
Soomaali oo yimaada dalka, taas oo looga
jeedo in lagu kala gooyo Soomaalida iyo
muslimiinta kale, waxaa intaa u dheer in ay
xirtaan ama gaalada u dhiibaan dadka
Soomaaliyeed ee diinta faafiya iyo waliba
inay cabsi galiyaan qof kasta oo danta
bulshada ka shaqaynaya ama aan ku qancin
dabadhilifnimada, kuwaasna waxaa gobolada
qaarkood looga bixiyay ASHAHAADO LA
DIRIR!!!. Raggaas oo aan ku waana qaadanayn
waxa ay la kulmeen basaasiintii Xabashida
hore ugu adeegi jirtay, sida kuwii
Soomaaliya wax ka burburiyay, ka dibna u
galay Xabashida oo u cabiidiyay xaq u
dirirka S/galbeed cadawgooda, iyagoo ku
andacoonaya inay Itoobiyaan yihiin. Markii
ay xabashidu ku gaartay danteediina ay kula
dhaqantay wixii uu mudnaa madiidin (qawsaar)
dadkiisa iyo dalkiisa iibsaday. Waxay soo
saartay Amxaaradu: in aan qof horay uga soo
shaqeeyay Soomaaliya wax xil ah ka qaban
karin Itoobbiya, taas oo ay ula jeeddo daba
dhilifyadeedii oo ay ka kaaftoontay. Waxaa
iyana kuwaa la mid ah qabqablayaashii
xabashida soo galiyay dalkooda, una
adeegsaday xasuuqa dadkooda, iyagoo ay la
tahay inay gaaladu ayaga wax u qabanayso,
xaqiiqaduse ay tahay inay ku danaysanaysay,
markay ku gaartay hadafkeediina ay kuwo kale
ka hoos samaysatay ayagiina eriday, oo ay
qaxooti ku yihiin meel aysan sharaf iyo
karaamo midna ku lahayn.
4.
ganacsatada oo
siyaabo kala duwan uga qayb qaata gumaadka
iyo dabargoynta bulshada Soomaaliyeed,
waxaana ka mid ah siyaabahaas:
a)
Waxay haystaan hub iyo
gaadiid fara badan oo mar walba diyaar u ah
in lagu soo laayo maatida awalba
rafaadsanayd ee walaalohood ah, waxayna
hubkaas u dhiibtaan, kuna masruufaan Jirri
qaraabadooda ah oo xumaan oo dhan u
adeegsata.
b)
Waxay ku bixiyaan is dilka
muslimiinta xoolo aad u fara badan, oo
aysan siin qaraabadooda oo gaajo u
hoobanaysa. Lacagta ay bixiyaan waa sababta
ugu wayn ee dagaalka sokeeye la joogsan la’
yahay, maxaa yeelay dagaalku wuxuu u baahan
yahay maaliyad aad u badan oo aysan
dadwaynaha caadiga ahi bixin karin.
Lacagtaasna waxaa ku tabarruca si joogto ah
ganacsatada iyo dadka dibadda jira ee
Soomaaliyeed oo ayagu si qiiro leh uga qayb
qaata xasuuqa walaalohood!!!!.
c)
Arrintaa aan ka soo warranay
waa xasuuq muuqda oo ay ku kacaan
ganacsatadu, waxaa kale oo u dheer gumaad
qarsoon oo ay ku hayaan bulshada. Waxay ka
gadaan dadwaynaha dawooyin iyo cuntooyin la
qalday, sida: caleen shaah oo lagu daray
qolfo, saliid lagu daray kiimiko badisa, bur
lagu daray dambas, kaabsool lagu shubay bur,
faleebbe lagu dhaamiyay biyo, dawooyin laga
dhimay qiyaastoodii (kiniini 250mg ah oo
lagu soo qoro inuu yahay 500mg) iwm. Waxay
kale oo ka gadaan dawooyin, cuntooyin iyo
alaabooyin kale oo dhacay oo dibadda laga
keeno. Waxyaabahaan oo dhani waxay dhib u
gaysanayaan nolosha iyo caafimaadka dadka,
waxayna keenaan geeri iyo cudurro khatar ah.
Waxay kale oo arrintani si wayn u wiiqaysaa
dhaqaalaha bulshada, sababtoo ah dadka
xoolohoodii ayaa waxaa lagu qaadanayaa
badeeco aan wax tarayn, dhibna gaysanaysa.
Marka aad loogu fiirsado dhibkani wuu ka
khatarsan yahay kii dagaal hurinta, waayo
kani wuxuu saamaynayaa dadkoo dhan: carruur,
haween iyo waayeelba. Wuxuu kale oo
saamaynayaa dadka soomaaliyeed ee daggan
Geeska Africa oo dhan, maxaa yeelay waxa ka
soo daga dakadaha iyo garoomada Soomaaliya
waxaa loo iib geeyaa dhulalka Soomaalidu
dagto oo dhan. dagaalkuse wuxuu ku egyahay
reeraha gala iyo intii rasaas habaw ahi ku
dhacdo kaliya.
d)
Waxay soo galiyaan dalka
iyaga iyo qabqablayaashu lacago been abuur
ah oo ay ku qaataan xoolaha dadwaynaha, taas
oo ay ka dhalato sicir barar, khasaare iyo
cayrtow ballaaran.
5.
Culimo ku sheeg
dulmiwadayaasha u tusa inay xaq ku taagan
yihiin. Inkastoo dadka Soomaaliyeed ay aqoon
u wada leeyihiin Xaaraanimada dhiigga
muslinka iyo maalkiisa, haddana waxay wadaad
xumeyaashu ku marin habaabiyaan caamada
shubhooyin ay ka mid yihiin:
·
Waa la idanku soo duulay,
idinkuna difaac ayaad ku jirtaan, qofka
idanka dhintana waa shahiid.
·
Xaqiinnii ayaad soo
dhacsanaysaan oo Alle ayaa idan la jira.
·
Xoolihiinnii ayay reer hebel
horay u qaateen, sidaa darteed xoolohoodu
waa idiin bannaan yihiin.
·
Inay ku muujiyaan ficilkooda
in waxaasi xaq yihiin ama bannaan yihiin,
sida: inay wax ka aruuriyaan xoolo lagu
dagaallamayo, inay u hayaan waxay soo
aruursadeen qabaa’ilkoodu, inay ciidan wax
ka abaabulaan, inay muujiyaan farxad marka
reerkoodu dhib gaysto ama ay ka aamusaan
sheegista xaaraanimada waxa reerkoodu ku
kacayo, taasoo loo fahmi karo inay xaq
yihiin falalkaasi.
6.
Dhakhaatiir
qayb libaax ka qaata naafaynta iyo
baabi’inta inta ka badbaadda dagaallada.
luggooyadoodana waxaa ka mid ah:
·
Inay dadka ku sheegaan
xanuunno aysan qabin, u qoraan dawooyin
aysan u baahnayn, u diraan baaris aan dani
keenin ee lacagta looga shubanayo,
·
Inay ka qaataan ganacsatada
dawada iyo shaybaarlayaasha lacag, si ay ugu
diraan bukaanka baaris aan dani keenin, ama
ugu qoraan dawooyin aan loo baahnayn.
·
Inay sameeyaan qalliinno
aan loo baahnayn, ama aan la ogayn inay xal
u yihiin jirrada bukaanka, ama aysan aqoon u
lahayn, ama aanay haysan qalabkeedii.
Mooryaantu waxay inta badan dishaa rag xoog
leh oo dhiggood ah, iskana ilaalinaya,
dhakhaatiirta xumise waxay miijiyaan inta
badan bukaan maati ah (haween, carruur iyo
waayeel), oo ugu yimid baahi caafimaad iyo
kalsooni ay ku qabaan.
7.
Warbaahinta dalkeenna oo
qayb wayn ka qaadata:
·
La dagaallanka ku dhaqanka
diinta, foolxumaynta mabaadi'deeda,
axkaamteeda iyo culimada xambaarsan,
faafinta waxyaabaha ka soo horjeeda iwm.
·
isku dirka bulshada, sida:
in si xiisadda kordhinaysa loo wariyo
dagaallada dhexmara qabaa'ilka, in la wada
hadalsiiyo laba matalaysa labadii reer oo
diriray oo markaas mid walba guubaabo iyo
hanjabaad ka soo jeediyo idaacadda iwm.
·
foolxumaynta dalka iyo
dadka taas oo ka dhalata iyagoo si joogto ah
u wariya dhacdooyinka xun xun isla markaana
ka aamusa waxqabadka iyo wanaagga dalka iyo
dadka, waana arrin dadka nacsiinaysa
dhulkooda iyo dadkooda isla mar ahaantaasna
baabi'inaysa isku kalsoonida ummadda, waxaa
kale oo ay buunbuuniyaan khaladaadka dhaca,
waxay kale oo suura xun ka baxshaan wanaagga
jira, sidoo kale waxay qurxiyaan xumaanta ay
wadaan gaalada iyo madiidinkoodu, iyagoo
waliba soo shaacbixiya adeegayaasha gaalada.
Waxaa ay baahiyaan qaarkood waxyaabo
dhallinyarada luminya, sida: heeso,
sheekooyin, barnaamijyo, waraysiyo iwm oo
dhammaan u yeeraya xumaan, tusaale ahaan:
waxaan dhagaystay idaacad ka warramaysa:
bannaanbax ay ka sameeyeen naagaha jirkooda
ka ganacsda dalka Giriigga iyo gobolkii ugu
horeeyay dalka Maraykanka oo u oggolaaday
nimanka naagnimo!!!!.
·
Waxay ku dhex faafiyaan
bulshada afkaar iyo dhaqamo foolxun oo ka
yimid gaalada, waxay kale oo shaqo ka
dhigteen inay soo gudbiyaan wanaagga gaalada
ayna qariyaan xumaantooda, isla mar
ahaantaasna ay sheegaan xumaanta muslimiinta
ayna qariyaan wanaaggooda.
8.
Nimanka shineemooyinka
iyo filimada shita oo iyagu da’
yarta soo kacaysa ku haya dabargoyn aan wax
naxariis ah lahayn, halka mooryaantu ay
layso kuwa waawayn. Waxyaabaha nimankaas ay
ku burburiyeen mustaqbalka da’yarta waxaa ka
mid ah:
·
Inay shineemooyin ka
sameeyeen meel kasta, ayna u furaan ilmaha
subax, barqo, har, galab iyo habeenba.
Shineemooyinkaasi waxay da’yarta ka reebaan
waxbarashada iyo khidmada waalidkood.
·
Waxay u daaraan carruurta
filimo xambaarsan wax kastoo xun, oo ay ku
bartaan xumaanno kala duwan oo xataa aysan
garanayn mooryaanta waawayni. Filimmada
nimankaasi u daaraan carruurteenna, gaalada
samaysay uma oggola dhallaankooda. Qofkii
wayn oo doonaya inuu daawadana wuxuu
fiirsadaa waqtiga ay ilmuhu hurdaan.
·
Waxay nimankaasi Af Soomaali
ku tarjumaan filimada kala duwan ee xumaanta
lagu faafinayo, sida: kuwa xambaarsan
diinaha gaalada (hunduus, buudiya,
kirishtaan, yuhuudiya, konfooshisiya iyo
diin la’aanba), kuwa macsiyada iyo dhaqan
xumada ah (sex) iyo filimmada falal
dambiyeedka (tuugo, dhac, dil, kufsi,
jaajuusnimo iwm).
9.
Ururrada haweenka
oo cadawgu u adeegsado marin
habaabinta hablaha iyo burburinta qoyska.
Ururradaan waxaa sameeyay oo maalgalin iyo
taageeraba siiya hay’adaha gaalada ee ku
hawlan la dagaallanka diinta iyo dhaqanka
toosan ee bulshada Soomaaliyeed. Mooryaantu
waxay laysaa ragga waawayn, shineemooyinkuna
carruurta, ururrada haweenkuna waxay
burburiyaan qaybta hartay oo ah dumarka iyo
qoyska. Waana cirib tir waxa ka haray
bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa iyana dhib wayn ku haya bulshada
dhammaan waxa loogu yeero ururrada bulshada
rayadka oo kuwa haweemku ka mid yihiin,
maxaa yeelay waa hay'ado dhammaantood lagu
aasaasay fikrad, maal iyo hoggaan gaalo,
waana hay'ado hordhac u ah gumaysiga cusub
ee lagu wado dunida muslinka, waxaa taa
dheer shaqooyinka ay qabtaan oo dhammaantood
ah wax aan ka tarjumayn baahida dadwaynaha,
tusaalena waxaa kuugu filan waxa ay xoogga
saaraan oo ay marwalba ka hadlaan.
10.
Ganacsatada
maandooriyayaasha: Waa niman
sharwadayaasha oo dhan ugu kaalmeeya
gaarista ujeeddooyinkooda xun xun, maxaa
yeelay:
·
waxay u keenaan wax nin
walba caqliga ka qaada, ka dibna waxaa laga
fushadaa wixii la doono.
·
Waxay kaloo ku qaabilsan
yihiin inay xoolaha Soomaaliyeed u gudbiyaan
cadawga ummadda maalin walba.
·
Waxay ku gaamureen akhlaaq
luminta. Iyagoo qof yar iyo mid waynba u
sahla helidda nooc kasta oo mukhaadaraad ah,
sida: xashiish, jaad, sigaar, tubaako iwm.
·
Waxay qabtaan shaqadii ay
qaban jireen Mooryaanta, filinleyda iyo
ururrada haweenku oo dhan iyagoo baabi’inaya
qaybaha bulshada oo dhan ( caruur, haween
iyo ragba).
11.
Mooryaanta:
qoladaan wax ka qoristooda waxaan u daynayaa
dadwaynaha oo ha badato ama ha yaraatee
dhibtooda wax uun ka arkay, aadna u maqlay
eedaha loo soo jeedinayo ayaga iyo
qabqablayaasha.
Waxaan iyaguna eed la'ayn Dadka wanaagsan (culimo,
odayaal, siyaasiyiin, saraakiil, ganacsato,
dhallinyaro iyo haween) oo ku fashilmay inay
isu kaashadaan ka hortagga iyo wax ka
qabadka dhibaatada haysata bulshada, maxaa
yeelay waajibaadka saran qofka muslinka ah
waxay u qaybsamaan: 1- waxyaabo laga tagayo,
sida: dilka, dhaca, beenta, xanta iwm. 2-
waxyaabo la qabanayo, sida: salaadda, runta,
wanaag farista, xume reebista, u hiillinta
qofka la dulmiyay, qabashada daalimka iwm.
Dadka wanaagga aan ku tilmaamay waa ka
tagista waxyaabihii xumaa ee ma aha
qabashada waxyaabihi wanagsanaa, Nabiguna (Naxariis
iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu
yiri: Wixii aan idan amray la imaada intaad
kartaan, waxaan idiin diidayna ka fogaada.
Dadkaanina lama imaan wixii nabigu faray oo
ay awoodeen, sidaa darteed ayay ku yeesheen
eed ka duwan tan dadka an kor ku soo xusnay,
waliba iyagoo aad uga awood badan inta yar
ee wax halaynaysa.
Haddaynu ogaannay wax ka mid ah
dhibaatooyinka ina haysta iyo cidda inagu
haysa, waxaa habboon in laga fakaro sidii
looga gaari lahaa xal ku habboon mid walba.
Waxaynu isku dayaynaa inaynu maqaallo dambe
kaga hadalno arrintaas, innagoo ka
fogaanayna inaynu dhibaato dhinacyo badan
leh u tiirino hal meel oo xataa haddii la
xaliyo noqonaysa wax yar oo ka mid ah wax
badan, wayna habboon tahay in laga wada qayb
qaato soo bandhigista mashaakilkeenna iyo
xal u heliddoodaba.
Waxaan mar labaad xasuusinayaa
akhristayaasha in aynaan uga jeedin
qoraalkaan fadeexayn iyo isbarbardhig xugun
ka dhalanayo oo lagu kala hormarinayo
dambiilayaal, sidoo kale nin walba oo ka
tirsan mid ka mid ah qaybaha aynu xusnay
maaha dambiile, hadduu yahayna khasab maaha
in uu ka dambi bato mooryaanta, mana aha
inuu wada galay dambiyada qayb walba aan ku
tilmaanay.
Axmad
C/samad
alwaqaar@hotmail.com