ONLF iyo Halgan
Madi ah
cumar sayid cabdilahi
<zayidcumar01@yahoo.co.uk>
marka hore
waxaan hambalyo u soo dirayaa iyo salaan dhamaan
umada shanta somaliyeed gaar ahaan dadka dega
ogaadeniya dhulka la odhan jiray. sida laga
warqabo waxa maalmahan cirka isku shareeryay
khilaaf u dhexeeya somaliland iyo jabhada
xoraynta ogaden (ONLF) oo laga bixiyay jawaabo
kala duwan oo isku lid ah.
runtii mawqifka ay
somaliland qaadatay ee ay maxkamada ku saartay
dad ku jira jabhadan waa mawqif dadka kala
qaybiyay oo lagu kala aragti duwan yahay. sidoo
kale jawaabta ay ONLF ka bixisay arintan oo ah
inay gawaadhida gubaan iyada dadku khalad ayay u
wada arkaan oo nin miskin ah oo iska
shaqaysanaya dawlad goaanked waxba kama oga.
marka aan u soo
noqdo aniga aragtidayda ku wajahan halganka
jabhada ONLF . runtii in cadawga ethiopia umada
somaliyeed ee uu gumaysto laga kiciyo waa
waajib diini ah ku ah qof wal o muslim iska
dhaaf qof somali ah lakin halgan marka la
leeyahay waa inuu helaa qodobo badan oo
la'aantood aanu halgan suuro gali karin.
1:waa in dadka loo
halgamayo dhamaantood ay hiil iyo hooba la daba
taaganyihiin geesiyadooda u kacay
2: waa in dadka
halgamayaa ay helaan dawlado iyo gacmo dibada
kasoo taageera.
qodobka u horeeya
hadaan yara faahfaahiyo dadka u dhashay gobolkan
rutni aad ayaan u cambaaraynayaa oo inta
taageersan jabhadan aad ayay u yartahay anigu
kama warqabo hadii ay jiraan dad taageersan
lakin baqanaya oo aan badheedhi karin qofkasi
waxba kuma tarayo.waayo musliminta baquhu wa ka
xaaraan taas waxa u sii dheer waliba halkii ay
hiil iyo hoba la garab taagnaan lahaayeen in ay
iyagu so sheegaan oo ay ay walaalkood oo muslim
ah ka doortaan dhawr gadbadood oo cunto iska
dhamaanaysa ah.
qodobka labad
jabhadan ma laha cid daba taagan oo taageersan
marka laga hadlayo taageero caalami ah oo
dawladii somaliyeed waa tii baabaday cid kale oo
soo baxdayna ma jirto . waa tii abwaan xasan
ganay lahaaa .
(gadhba gadhbaaa
la tusaa gacalkood miyuu gabayeey hooheey
hooheey)
hiilkii noocas oo
kale ahaa ma jiro maanta sidaa aawadeed laga ma
yaabo inuu halganku midho dhakhso u soobixiyo.
reer hargeisa waxa
ay ahaayeen dadka saamaynta ugu wayn ku lahaa
halgankii 77. hargeisa waxa ay ahayd magaaladii
dhawaca la keeni jiray magaaladii ethiopia
diyaaradaheedu hadh iyo habeenba duqayn jireen
halka ay xamar waxba ayna ka ogayn. dadkii sidas
walaalaha u ahaa ee isu hiilin jiray ayaa maanta
xukuumada somaliland khalad ka gashay oo
taageeri wayday.
jabhada ONLF
khalad khalad kale ku sii saxday markay gubtay
gawadhi ay leeyihiin dad masaakin ah.
runtii siyasada
dawalada somaliland gun iyo baarba waan ka soo
horjeedaa anigu in dad walaalo la yahay oo aan
la kala maarnayn sidaas loo la dhaqmo
damiirkayga way ku adagtahay lakin jabhaduna
inay iyaduna colaad kale sii huriso maaha .dadka
somaliland mawqifka xukuumada ma wada
taageersana kuwan aad gawadhidooda gubaysaan
inay mabda ahaan sidayda idin raacsan yihiin
ayaa laga yabaa.
mida kale dhinaca
mastaafurinta anigu runti hargeisa ayaan joogaa
cid ogaadeen ah oo la mastaafurinayo ma maqal
mana arag filina maayo inay jirto waayo suuq
dhan ayay leeyihiin oo hadaad dhexmarto (eega )iyo
(kobtaa) miidhan ayaa dhagahaga ku soo dhacayay
hadii la qabqanayo horta suuqas ayan cid ka
waayi lahaa. ganacsi balaadhan ayay ku leeyihiin
magalada . qabiilada aan somaliland u dhalan ee
jooga hargeisa ogaden ayaa ugu badan.
dawlada somaliland
waxaan u soo jeedin lahaa inay mawqifkeeda wax
ka badasho oo ay sii dayso dadkan ay xidhatay oo
ay digniin siiso hadi ayna u ogolayn inay
dhulkeeda ka duusho waa marka aan la hadlayo
xukuumada somaliland.
jabhada ONLF
iyadana waxa aan leeyahay dadkii aad u
halgamayseen dib ha u dhibina oo gawaadhidooda
ha gubina oo sumcadu yay idinka xumaan . noqda
qaar aamin ah oo maxasta caruurta iyo dumarku
ayna ka nixin marka ay maqlaan maqalkooda taas
badalkeedana dumarku marka ay arkaan waxay kusoo
dhawayn doonaa mashxarad hadii ay si fican ula
dhaqmaan.
waxaan ilaahay
idinka baryayaa in ilaahay somali dhibta ka
saaro markaas ayad idinkuna ciil bixi doontaan
oo aad heli doontaan taageero buuxda oo dhinac
walba leh inta ka horaysa waxa idin leeyahay
yayna sumcadu idinka xumaanin.
dawlada somlailand
anigu waxaan u arkaa dawlad aan mar dambe
dadkeedu soo dooranayn oo aan sharaf ku lahayn
kuwii soo doortay cid kalena inay nasteexo u
gasho lagama yaabo laakin dadka waqooyi dagaa
waa dad aad walaalo tihiin nacayb ay idin hayaan
ma jiro lakin duruufaha lagu jiro awgeed qof
walba godkisa ayay biyo ugu galeen oo wakhti
somali midawgeed laga hadlo kuma jirno qof walba
dhinaciisa ayuu nolosha dhibkeeda ula
galgalnayaa lakin qof walba maskaxdisa way ku
jirtaa in ilaahay somali faraj khayr qaba usoo
saari doono dhawaaan .waxaan ku soo gaba
gabaynayaa hadaladii ruug cadaagii siyaasada
somaliyeed ala ha u naxariistee maxamed xaaji
ibraahi cigaal.
(sida aan
aaminsanahay aniga iyo wax garad kale oo
somaliyeed boqol sanana ha gaadhee shanta
somaliyeed mar way isu iman doontaa)
alaa mahad leh
mr cumar sayid cabdilahi <zayidcumar01@yahoo.co.uk>