SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KARACHI
ARDAYDA SOMALILAND IYO DJIBOUTI EE KARACHI OO SI WADA JIRA XUSAY 26 IYO 27 JUNE

KARACHI: Waxaa markii ugu horaysay si wada jir ah u xusay ardayda wax ku barata magaalada Karachi ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Djibouti maalmahii xorriyadda labadooda dal oo kula beegan 26 June iyo 27 June, Ardayda oo iskugu yimid garoonka weyn ee kubadda cagta ee jaamacadda Karachi si ay u muujiyaan xushmadda iyo xuska maalmaha xorriyadda labadooda dal ayaa waxay ku soo bandhigeen halkaasi ciyaar kubadda cagta ah oo saaxiibtinimo oo dhex martay laba kooxood oo ku kala ciyaaraayey magaca labada dal ee SOMALILAND VS DJIBOUTI.

 
Intii aanay ciyaartu bilaaban ayaa waxaa halkaasi iskugu yimid arday farabadan oo ka kala yimid cidhifyada magaalada Karachi si ay uga qayb qaatan farxadda xorriyada labada dal, iyaga oo aad arkaysay salaan ay ku dheehantay farxad iyo weji furan oo labada dhinac iskaga hor imanayeen, iskuguna baarigayeen maalmaha xorriyadda dalalkooga.
 
Hadaba maalintii 26 June oo ku beegnayd xorriyadda iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa labada dhinac iskugu yimaadeen garoonka kubadda cagta ee jaamacadda Karachi, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan ciyaar kubadda cagta ah oo laba kooxood oo ku  kala ciyaarayay magacyada labada dal.
 
Ciyaartaasi oo markii saacadda magaalada karachi ku beegnayd 4:30 galabnimo ka bilaabantay garoonka karachi university ayaa waxaa ay ahayd mid ay ku dheehnayd jawi saaxiibtinimo, waxaana labada kooxood ay halkaasi ku soo bandhigeen ciyaar aad u heersaraysa, weerar iyo weerar celis ayey ahayd haafkii hore ee ciyaartu, iyada oo labada dhinacba isku dayayeen inay goolal farabadan halkaasi ka dhashadaan, balse difaacyada labada dhinac ayaa hor istaagaayey weerar kaga yimaadda xagga afka hore ee ciyaartooyga labada dhinac.
 
Haafkii hore ee ciyaarta ayaa wuxuu ku dhamaaday 0-0 eber iyo eber ay labada dhinac isla dhaafi waayeen, waxaana lagu soo laabtay haafkii labaad ee ciyaarta, balse ciyaartooyga jamhuuriyadda jibouti oo u muuqday qaar culays badan ku haya difaaca Jamhuuriyadda Somaliland ayey u suuro gashay 10 daqiiqadood ciyaartu markay socotay haafkii labaad inay goolkii ugu horeeyey halkaasi ka dhashadaan, balse daqiiqadii 23-naad haafkii labaad ayaa ciyaaryahanka afka hore uga ciyaaraayey Jamhuuriyadda Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Sahal waxaa u suuro gashay inuu dhaliyo goolkii bar bar dhaca, daqiiqadii 37 ayaa hadana isla Sahal waxaa u suuro gashay inuu gool labaad halkaasi ka dhaliyo, waxaanay ciyaartaas oo ahayd runtii mid jawi fiicani ka muuqday ciyaartooyguna muujiyeen edaab iyo xishmad dhexooda ah ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Somaliland.
 
isla maalintii ay ku beegnayd 27 bishani ayaa waxaa mar labaad iskugu yimid garoonka kubadda cagta ee jaamacadda karachi bulshada Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jibouti ee ku dhaqan magaalada Karachi si ay halkaasi ugu dabaal degaan xorriyadda maalinta 27 June oo ku beegan maalintii xorriyadda Jamhuuriyadda Jibouti, 27 bisha oo ku soo hagaagtay maalin axad ah oo badanka waddanka Pakistan shaqooyinka iyo waxbarashada laga nasto ayaa halkaasi waxaa iskugu yimid ciyaarooygii isla ciyaartii hore ku soo bandhigay si ay ciyaar labaad ugu muujiyaan xorriyadda maalinta 27 June.
 
ciyaartaasi oo isla 4:30 galabnimo wakhtiga karachi ka bilaabantay ayaa waxay u muuqatay mid ciyaartooygu ciyaartii hore ay u wada yeeshen isku bartay, hadday noqoto qaab ciyaareedka iyo habka edaabta ka muuqda ciyaartooyga, waxaanad ka dheehan karaysay ciyaartooyga labada dhinac ee u kala safanaayey SOMALILAND IYO DJIBOUTI, oo muujinaayey inay saxaan khaladaadkii hore ee maalintii hore ay galeen, ciyaartaasi oo ahayd mid runtii dar dar badani ka muuqato ayaa waxay ku soo gaba gabawday 0-0 bilaa gool ay labada dhinac isku dhaafi waayeen.
 
gebo gebadii ayaa waxaa labada dhinac iskugu hambalyeynayeen xorriyadda iyo madax banaanida labadooda dal.
 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
 <diridhaba2001@hotmail.com>

<><><>

Hambalyo shicbiga Somaliland oo dhan munaasabada 26ka June
Doqonia miyey dani ku yeelsiisay

Marka hore waxaan halkan ka tahniyadaynaya shicbiga Somaliland oo dhan munaasabada 26ka June oo ay xorriyadoodii ka qaateen sidii ay Ingriiska ku heshiiyeen marka ay doonaan,halak uu Doqonku ku yidhi annaga ushayada noogu dhiib cid aanu ka qaadan karayno,laakinse markii ay runi run tagtay ee Dawlada Itoobiya waxaba ka qaadan keriwaayeen ayey Dawladii iyo shicibkii Somalida qaylo iyo muusanow kal soo dhex dhaceen sida runta ahna waa loo gurmaday oo mood iyo noolba wixii la hay waa loo huray xoraynta Cagdheerlaan ,halka reeer Doqonia ay u soo waydaarteen shicibkii ku mashquulsanaa xorayntooda dhulkoodi iyo hantidoodi,markii dambana ay barkimada dheeraysteen oo ay yidhaahdeen waar haddee ma dhulba dhul ka wanaagsan kanaaban darjo,daaro iyo qayilaad maalinwalba joogta oo bilaash ah ka heleya waar hadde iisoo dagaalan inta aan afar gacmoodinayaayo(UNHCR,Afweyne, bililiqada,Dawlad Itoobiya).
Inta ka bacdi waxaan bogaadinya Dawlada Somaliland iyo shicibka heegan u ah ilaalinta dalkooda kuwaas oo qabqabtay argagixisadii Doqonia ,inkasta oo aanan raali ka ahayn xukunka fudud ee lagu qaaday waayo isma laha dambiga foosha xun ee ay galeen iyo xukunka ku dhacay, waxay ahayd in weliba loo raaco baabuurtii ay dadka masaakinta ah ka gubeen.

Markaan akhriyo qoraalada uu soo qoro ninka Sanweyne Xasan la yidha waxaan soo xasuusta gabaygii Cali dhuux ee ka bilaabmaye "" Doqonkii Ogaadeen ahaa Doolo laga qaaday ......................" waxaan sii yiqiinsada in Doqonimadaasi ka sal tahay ninka iyo waxa la xaaran quuta.

Sanku wuxuu u yaqaana walaalnimada inuu ciidamadiisi xoraynta uu u soo raro dhulkii DawladaSomalida kuna daro ciidamadii Xooga dalka loo yiqiinay dejiyana bartilmaameedo ay ka mid ahaayeen Cadaadlay una bixiyo magacayo Sida Libaaxyada oo lagu argagixiyo dadkii deegaan laha.kuwaas oo markii dadkii fahmay ujeedooyinkooda kharibanay jihaad la galeen bisado noqday oo jab iyo halaag ku riday,wixii la laaye mooye hambadii soo hadhay qaar dhulkoodi iska noqdeen ,qaar qurbaha iyo shirka somaliada ee Nayruubi ku meeraysanayaan, qaar ay yidhaahdeen jabhad ba lana yidha hadana ku dhuumanaaya xorfado iyo bohol ay ka gabanaya Ciidanka Itoobiya marka keliya ee ay soo baxaan waa marka ay arkaan baaburta aan hubsnayn ee shicib leeyaha ee aan waba ka galabsan,kuwaas oo ah kuwii ugu xaaran cun weynaa oo qabqablahooda u weyni London ku raaxaysto Qabqable Doqon Admiraal sheegte uu dhawaan ikhtiraacay istraatiijiyad cusub oo dagaalka jabhadaynta kaas oo ah " Haddee Idoorka baabuurta ka guba magaalooyinkoodana rabshad geliya markaas ayey Doqonia xoroobaysaaye, taas oo ka soo minguuriye Cagdheerta ceelasha biyaha leh degta oo marka jiilaalku ku dheeraaado odhan jiray waar hadde Idoorka biyaha u diida iyaga markay aye Illahay baryaan uu ka aqbalayaaye markaas buu roobka inoo da'ya. waata caqliyada iyo Doqonimadii uu ku Sheegay Calidhuux

Amen Bulhan <waarrya1955@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Qodobkii 30aad oo Wax Laga Bedeley
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska Guddomiyaha Shirka, Kiplagat, ayaa shaaca ka qaaday in isbadal lagu sameeyay qodobka 30-naad ee dastuurka ee muranku ka taagnaa Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD