SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
  • Eng. muuse: "Shirka Nairobi oo Qayaanadii loo qabtay ku Dhamaaday"
  • Agaasimaha Idaacada STNTV C/raxmaan Rooble"STN waxa ay ka baxday mudo 5bilood ah oo ay ku jirtay………

"Shirka Nairobi oo Qayaanadii loo qabtay ku Dhamaaday"

Sidaas waxaa ku bilaabay qoraal uu somalitalk soo gaarsiiy Eng. muuse SH M.C/raxmaan oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ahna qoraa soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Nairobi.

Eng. Muuse waxa uu qoraalkiisii ku bilaabay sidan:

Shirkan oo ay qaban qaabiyeen Dowladihii horay u haystay gobolada Somaliya ka maqan una qabteen nimankii ay xiriirka la lahaan jireen ee qabqablayaasha ahaa oo mid walba gobol isbaaro u taalay si ay ugu ansaxiyaan mid walba isbaaradiisa dibna aanay somaliya iskugu imaanin si aanay dowladahaasina mar dambe u maqlin sheegashada gobolada ay somaliya ka haystaan iyo qabqablayaasha oo iyaguna doonaya mid walba inuu sii haysto isbaaradiisa goboleed ayaa waxay ku heshiiyeen waxa ay ku magacaaben "federal"ku meel gaar ah waa (lama arag iyo lama maqal).

Indheer garadka soomaaliyeed taa ma garan hana loo kala cadeeyo'hadii micnuhu yahay goboladii aan horay idinkaga haysanay ayaan idiin soo celinaynaa ee federaal ha idinla noqdeen waa wax aan mudo dheer sugaynay oo wiilka iyo gabadha dhalan doona ay sugayeen waana ka mahad celinaynaa.

Balse hadii micnuhu yahay sidiina ku kala jooga arrintaan maanta qof mas'uul ah oo saxiixi kartaa ma jirto waana arrin afti shacan u baahan.

Waxayna noqonaysaa laba jaanis ama fursadood oo cadawtinimo: tan hore oo ah isbaaroleyda oo loo ansaxiyay meeshii uu horey u cabirtay in uu sii haysto iyo tan labaad oo ah dowladihii gobolada somaliya ka maqana u helay in aanay somaliya isu imaanin.taasina wiilka iyo gabadha dhalan doona kama tirtireyso qalbigooda kuwa dhashay daayoo balse waxaa eedeeda leh aduunweynaha oo yiri bisadu jiir xaakim ha u noqoto.

Horayna waxa uga hadlay madaxweynihii hore ee kenya moi oo yiri lagama yaabo in ay dhisanto dowlad soomaliyeed oo ay ku farxaan shacabka soomaalieed mar hadii uu gacanta u galay xalka wadamada dariska mar uu marayay dalka mareykanka.waana runlow.

Eng.muuse sheikh.M.C/raxmaan.

-dhammaad-

Kala xiriir: Anab  <canabmumtaz@hotmail.com>

<><><>

Agaasimaha Idaacada STNTV C/raxmaan Rooble"STN waxa ay ka baxday mudo 5bilood ah oo ay ku jirtay………

Agaasimaha Idaacada iyoTV-ga STN International C/raxmaan Rooble Ula’yare oo isagu maanta Warfidiyeenada ugu waramayay Hotelka 680 ee Nairobi,ayaa waxa uu ka warbixiyay qaabka cusub ee uu u shaqeyndoono TV-ga STN oo isagu dhawaan howshiisa laga hirgaliyay magaalada Nairobi.

C/Raxmaan Rooble ayaa ugu horeyn waxa uu tibaaxay in Tv-ga STN uu soo maray maraxalado kala duwan,isagoo maalinba maalinta ka dambaysa ku tilaabsanayay horumar,haatana uu taaganyahay meel horumar meeshii ugu sareysa,waxa uuna sidoo kale sheegay dadka Soomaliyeed meel walba ay joogaan in ay si toos ah uga daawan karaan Tv-gaan,una yahay mid caalami ah,iyagoo kala soconkaro dhacdooyinka ka dhacaa Dalka Soomaaliyeed gudihiisa iyo Shirka dib-u-heshiisiinta Somaliyeed ee Kenya.

Waxa kale uuna ka hadlay in STN international uu ka baxay hadda mudo shan bilood oo uu ku jiray wax uu ku tilmaamay tijaabo,hadda iyo waxii ka dambeeyana uu noqon doono mid ay dadka si toos ah ula socdaan barnaamijyo kala duwan ee uu soo deyndoono.

Rooble oo ka jawaabayay Su’aal ay wariyaasha waydiiyeen oo eheed"Yaa idinka taageero Dhinaca dhaqaalaha ku baxa TV-ga?" waxa uuna ku jawaabay sidaan,"TVgaan waxaa iska leh Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ganacsato ah,oo iyagu dhaxda u xertay sidii ay shacabka Somaliyeed ugu tabin lahaayeen Dhacdooyinka ka dhaca meel walba oo aduunka ka mid ah,iyagoo is ticmaalaayo TV-ga Satellite ah, waxa una sheegay In uu ka mid yahay Tv-ga STN,TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay ee qaabka horumaray ku shaqeeya,waxa uuna sheegay in aysan jirin cid ku gacan siisay dhinaca dhaqaalahaku baxa Tv-ga.

Mar uu sharxaayay meelaha laga daawan karo waxa uu sheegay in dadka ku nool qaaradaha Aasia,Afrika iyo Austeralia ay isku si u daawan karaan iyagoo ka heli kara Thai com3 Freq Radio 3551TV 3671,dadka Yurub ku noolna waxay ka daawan karaan Thai 3 Freq 12207,27500 horrizonted,dadka ku nool North America-na ay ka daawankaraan Glob cast Chaneld isagoo soo galaya Saacada geeska Afrika-da Barri marka ay timaamayso 20:00pm.kana bixi doono 22:00pm.

Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin) Nairobi, Kenya
<nasrudiin5@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004  

Qodobkii 30aad oo Wax Laga Bedeley
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska Guddomiyaha Shirka, Kiplagat, ayaa shaaca ka qaaday in isbadal lagu sameeyay qodobka 30-naad ee dastuurka ee muranku ka taagnaa Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD