SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
Dhagayso: R A D I O   X O R I Y O

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

Dagaal laysku helay Afmeerka magaalada Qabridahare.

Itoobiya oo lagu eedeeyay doorashadii ay ka qabatay Ogadenya.

Xidhiidhka diplumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Talyaaniga oo meel xun maraya.

Eritereya oo xustay dadkii dagaalka gobanimo doonka kaga shihiiday.

Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin suugaan halgameed.

 

Dagaal laysku helay Afmeerka magaalada Qabridahare.

 

 Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay magaalada Qabridahre,  ayaa sheegaya in,raxan ka mid ah ciidamada wadaniga xoraynta ogadenya ay weerar culus ku qadaeen, ciidamada gumaysiga Itoobiya ee sugnaa kantaroolka buundada magaaladaas Qabridahare maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 21-06-04.

 

Weerarkan oo ay ciidamada geesiyiinta xoreeynta Ogaadeenya hadh cad ku soo qaadeen ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya, oo dadka ku dhibayay koontaroolada ay ka sameeyeen af-meerka magaalada, ayay kaga dileen 15 askari waxayna kaga dhaawaceeyn tiro aan wali la soo xaqiijin oo aad u badan.

 

Dhacdadaas kadib ayay  ciidamada Itoobiya bandaw ku soo rogeen dhamaanba waxii gaadiid magaalada ka bixi lahaa iyo waxii soo gali lahaaba, sidoo kalana handadaad jidh dil iyo xadhigba u gaysteen dadkii shacabka ahaa ee magaalada iyo miyigaba ku dhaqnaa.

 

Nolosha magaalada ayaa si caadi ah usocota waxaana dadka ka muuqda daganaasho. Dadka oo la qabsaday dagaalada joogtada ah ee gobolada Ogaadeenya ka socda, ayaa sababay in ayna dadku wax argagax ah muujin noloshuna ay caadi ahaato.

 

Itoobiya oo lagu eedeeyay doorashadii ay ka qabatay Ogadenya.

 

Warbixin u soo saaray Golaha Xaquuqul Insaanka Itoobiya    (Ethiopian Human Right Council)  oo ka koobanayd 8 bog ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku tumatay xaquuqada aadamiga, markii ay bishii Jannaayo ee sanadkan doorashooyin ka qabatay Ogadenya.

 

Warbixintani waxay shaaca ka qaaday in ciidamada millatariga iyo booliska Itoobiya ay garaacayeen oo ku khasabayeen dadka inay doorashada ka qayb qaataan, isla markaana ay u codeeyaan xisbi daba-dhilf u ah ururka talada Itoobiya haysta ee TPLF.

 

Warbixintu waxay kaloo intaas ku dartay in askarta Itoobiya ay dadka ugu hanjabeen inay dilayaan qofkii amarkaas diida, arrintaasoo keenatay inay dad badani lafahooda u baqaadaan, ka dibna ay baxsadaan. Warbixintan ayaa doorashooyinkaas ku tilmaamtay inay ahyd mid aan waxba ka jirin oo aan lagu tilmaami karin inay cadaalad u dhcaday.

 

Warar kale oo aanu ilo muhiim ah ka soo xiganay ayaa sheegaya inay ururrada mucaardka ah ee Itoobiya walwal aad u wayn ka qabaan in ururka TPLF uu ku shubto doorashooyinka la filayo inay dhacaan sannadk 2005, waxayna ka digeen haddii ay taasoo kale dhacdo inuu dagaal sokeeye ka billaabmi doono Itoobiya oo dhan.

 

Xidhiidhka diplumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Talyaaniga oo meel xun maraya.

 

Xidhiidhka diplumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Talyaanga ayaa aad u xumaaday, ka dib markii ay dawlada Talyaanigu diiday inay xukuumadda Addis Ababa gacanta u geliso madaxdii hore ee dhargiga oo markii uu maamulkii dhergigu dhacay isu dhiibay safaarada Talyaaniga ee magaalada Addis Ababa.

 

Todobaadkii hore ayay wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya ka codsatay safaarda Talyaaniga inay labadii nin ee safaarada ku dhimatayna warbxin ka keento, labada kale ee hadda ku jirana ay Itoobiya ku soo wareejiso, si maxkamad loo saaro oo loogu ciqaabo falalka ya gaysteen.

 

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Itoobiya oo isna war saxaaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ayna maraba nimankaas gacanta ka galinaynin Itoobiya. Safiirku wuxuu war saxaafadeedkiisan ku sheegay in sharciga caalamiga ah iyo midka Talyaaniga labaduba ayna oggolayn in nimankaas xukuumadda Itoobiya lagu wareejiyo.

 

Warar kale ayaa sheegaya in dawlada Zimbabwe ay iyaduna diiday inay xukuumadda Itoobiya gacanta ka soo galiso madaxwaynihii hore ee Itoobiya kaligii taliye Mangistu Hailemarim.

 

Dadka siyaasada Itoobiya u dhuun-duleela ayaa sheegaya in wax faraq ahi uuna u dhaxaynin hab dhaqanka xisbigii talada Itoobiya horay u hayn jiray ee EWP iyo ka maanta haya ee EPRDF.

 

Eritereya oo xustay dadkii dagaalka gobanimo doonka kaga shihiiday.

 

Dawlada Eritereya ayaa xus wayn u qabatay dadkii kaga shihiiday dagaalkii gobanimo doonka ahaa ee lagaga soo horjeeday gumaysiga Itoobiya. Madaxwayne Afeworki ayaa sheegay in dadka gobanimada u dhintay waligood la xusuusnaan doono.

 

Munaasabad rasmi ah oo lagu xusayay 84,000 oo qof oo u dhintay dagaalkii ay dadwaynaha reer eritereya kaga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya ayaa axaddii lagu qabtay magaalada xusuusta mudan ee Nakfa, oo saldhig u ahayd dagaalkii soddonka sano lagala soo horjeeday gumaysiga Itoobiya.

 

Hareeraha magaalada Nakfa waxaa wali sidoodii u yaalla gawaadhidii gaashaanaa iyo taangiyadii laga gubay ciidamada gumaysiga Itoobiya. Waxaa sidoo kale wali sidiisii ah isbitaal dhulka hoostiisa ku yaalla oo jabhadda Eritereya ay isticmaali jirtay, kaasoo dhaawaca lagu dawayn jiray, isla markaana aan wax badan ka fogayn furimaha dagaalka.

 

Magaalada Nakfa waa magaalo buuralay ah, waxayna ciidamada jabhadu kala socon jireen dhaqdhaqaaq kasta oo ciddamada cadowgu ay samaynayaan, waana magaalada kaliya ee ciidamada cadowgu ay ku guul darraysteen inay qabsadaan intii uu dagaalku soday.

 

Sidaas darteed waxay magaalada Nakfa astaan u noqotay halgankii gobanimo doonka ahaa ee Eritereya, waxaana loogu magac daray lacagta cusub ee dalka Eritereya.

 

Dhinaca kale magaala madaxda Casmara waxaa habaynimadii sabtida ahaa isugu soo baxay dad kumanaan gaadhaya, kuwaasoo jidadka magaalada ku maray socod ay ku xusayaan geesiyadoodii dagaalka gobanimo doonka kaga dhintay.

 

Madaxwaynaha Eritereya Issaias Afeworki, oo munaasabadan ka hadlayna, wuxuu yidhi; “Waxaan xurmo wayn u haynaa dagaalyahamiintii naga dhintay ee naftooda u huray sidii ay u adkayn lahaayeen jirtaankeena iyo qaranimadeena”.

 25.06.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

 Dhagayso: R A D I O   X O R I Y O

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD