SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARAR GOOS GOOS AH: JUNE 27, 2006
 
Warqad maanta ka soo baxday xafiiska Guddomiyaha Shirka Kiplagat: "Xubnaha Baarlamaanka waa in lagu soo gudbiyaa inta ka horeysa………..

Warqad maanta ka soo baxday Xafiiiska Guddomiyaha Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaliyeed Amb.Bethuel .A. Kiplagat,warqadaasoo uu ku sheegay kiplagat qodobka 30-naad ee xulista baalamaanka,kaasoo in mudo ahba uu ka jiray buuq taasoo keentay in uu shirka mudo u xayirnaado.

Kiplagat waxa uu warqada ku cadeeyay in isbadal lagu sameeyay qodobka 30-naad ee Xulista baarlamaanka,waxa uuna sheegay in qodobkaas markii hore uu u qornaan Sidaan"Waxaa baarlamaanka soo xulaayo Hoggamiyaasha Kooxaha iyagoo la tashanaayo Odoyaasha dhaqanka" waxa uuna sheegay in loo badal Sidaan"Waxaa si cad xubnaha baarlamaanka u soo xulaayo Hoggamiyaasha Kooxaha,Siyaasiyiinta beelaha iyo Odoyaasha Dhaqanka oo iyagu leh saxiixa hirgalinta xubnaha Baarlamaanka".

Sidoo kale warqad iyaguna maanta ka soo baxday Kiplagat,taasoo iyaduna uu ku sheegay in ay Wasiirada Arimaha Dibada ee IGAD iyo Beesha Caalamka in xubnaha Baarlamaanka ay go’aan ku gaareen in xubnaha baarlamaanka lagu soo gudbiyo 05/july,2004 ee ku aadan maalinta isniinta ah,cidii ku soo gudbinweysana sidii ay wasiirada horey u sheegeen in ay IGAD u soo qeybindoonto xubnahooda,iyadoo aan la’la sugidoonin cidii aan fursadaas ka faa’ideysanin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta bilaabmay wada tashiyo hoos hoose oo ay yeelana’yeen beelaha Somaliyeed,iyagoo ka wada hadalaayo qaabka ay wax u soo qeybsan lahaayeen,maadaamo ay dhawdahay waqtiga loo qabtay in xubnaha baarlamaanka lagu soo gudbiyo,iyagoo dhamaantood u wada riyaaqay warqadii maanta ka soo baxday Kiplgat.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi,Kenya
<nasrudiin5@hotmail.com>

<><><>WARARKII JUNE 26<><><>

Madaxweynaha ismaamul Goboleedka Puntland, C/llaahi Yuusuf Axmad, oo maanta ka ambabaxay magaalad Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi.

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

C/llaahi yuusuf axmad madaxweynaha ismaamul goboleedka puntlad oo shalay safar uu ku tagi lahaa magaalada garoowe ka baaqday kadib markii ay xayirtay laanta socdaalka isaga iyo xubnihii kale ee ku weheliyya safarkiisa, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada nairobi.safarka c/llaahi yuusuf ayaa la xiriira sidii uu usoo xalin lahaa arrimo ka jira ismaamul goboleedka puntland oo sida warar ku dhaw dhawi ay sheegayaan uu ka jiro buuq dhinaca siyaasada ah sidaas darteedna aan looga maarmin inuu halkaasi tago.

C/llaahi yusuf ayaa horay u balan qaaday in uu tagayo magaalada garoowe si uu ula soo kulmo labadiisa golle ee baarlamanka iyo wasiirada puntland, balse wararka ayaa sheegaya inuu helay fasax dhinac guddiga fududeynta ah waqti cayimana uu ku soo laaban doono wadahadala nabadeed ee Nairobi.

Baaqashadii shalay ayaa ka dambaysay kadib markii ay guddiga fududeyntu soo saareen in aysan u ogolaan doonin hogaamiyayasha siyaasada in ay u safraan meelaha ay ka taliyaan si aysan wax ugu dhimin sii socoshada shirka oo ku jira wajigii ugu adkaa. siyaasiyiinta kale ee maqana ay ka warsugayaan sidii ay ugu soo qayb gali lahaayeen wadahadalada nabadeed somalia.

Dhinaca kale waxaa ka socda madasha shirka ee Mbagathi xulida baarlamanka, ergaduna waxa ay si wayn iskugu diyaarinayaan sidii ay uga mid noqon lahayeen baarlamanka. waxaan wali iyagana soo gudbin xubnihii looga baahnaa beesha Direed oo uu ka dhex jiro khilaaf balse ay odayaal ku dhex jiraan sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaafadkasi, beesha dir ayaa horay u gudbisay xubnaheedi shanta ahaa balse maalintii dhaarta uu ka dhex dhashay buuq beesha dhexdeeda iyagoo ka cabanayay in laga tagay dirta waqooyi ayna tahay cadaalad daro shirkana laga dhigayo mid hal gobol uu leeyahay oo kaliya..

Canab Mumtaz  <canabmumtaz@hotmail.com>

<><><>WARARKII HORE<><><>

  • C/LAAHI YUUSUF AXMED OO KU HANJABAY INUU ISAGA TAGI DOONO SHIRKA HADII…
  • Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee khaliif Huudow oo soo bandhigtay tacadiyadii ka dhacay dalka……..
  • Ugaaska beesha xawaadle oo  looga gacan haatiyey hiiraan..

  • Banaan bax laga qabaqaabinaya waddanka Holland….

  • Hay’adda HIWA oo….

Waxaa isku soo dubaridey: amiin <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

C/LAAHI YUUSUF AXMED OO KU HANJABAY INUU ISAGA TAGI DOONO SHIRKA HADII…

C/laahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan ee ka qaybgalaya shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed ayaa shalay damcay inuu u ambaboxo caasimada maamul goboleedka Punt-Land ee garoowe hase yeeshee markii uu tagay garoonka diyaaradaha ee Nairobi ayaa lagu amray inuu dib isaga laabto waxaase dhacday in wasiiradii iyo xildhibaanadii la socday ayaa loo taxaabay xabsiga goroonka diyaaradaha ee Wilson, warku wuxuu intaa ku darayaa in C/laahi Yuusuf oo qura uu ku laabtay hoygii uu ka daganaa magaalada Nairobi wuxuuna faahfaahin ka bixin waayay sababihii dib loogu soo celiyey garoonka diyaaradaha wuxuuna sheegay in dowlada Kenya ay jawaabi doonto arintaasi, waxaana la sheegay in markiiba uu guriga ku soo booqday danjiraha Somalia ee Kenya Maxamed Cabdi Afeey wuxuuna ka raali galiyey is hortaagii lagu sameeyey isagoo sheegay in uu dadaal u gali doono sii daynta wasiirada iyo xildhiobaanada ku xirxiran xabsiga garoonka diyaaradaha.

Warar aanu ka helnay magaalada Nairobi ayaa la sheegayaa in C/laahi Yuusuf ay safarka ka hor istaageen gudiga fududeynta ee shirka dib u heshiisiinta Somalia waxayna sheegeen inay ka cabsanayaan ama ay doonayaan in ay ka hortagaan dagaal mar kale ka qarxa gobolada Punt land, warar kale ayaa waxay sheegayaan in iyadoo uu gabaabsi marayo wajiga saddexaad ee shirka dib u heshiisiinta Somalia in hogaamiyeyaal kale ay ku daydaan C/laahi Yuusuf hadii loo fasaxo inuu dib ugu laabto magaalada Garoowe, warar kaloo xalay na soo gaaray waxay sheegayaan in xildhibaanadii iyo wasiiradii ku xirnaa garoonka diyaaradaha iyana la sii daayay, Cabdulaahi wuxuu ku hanjabay in uu isaga bixi coono haddii aan deg deg loogu ogolaan ku laabashada Garoowe. 

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo Waraysi Siiyey Somalitalk

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee khaliif Huudow oo soo bandhigtay tacadiyadii ka dhacay dalka……..

Waxaa maalintii Khamiistii ahayd Jaamacadda Xamar lagu qabtay xaflad si heer sare ah la isugu soo duway, waxaana xafladdaasi ay ku saabsanayd sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow.

Ugu horreyntii waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyey Aweys Macallin Cumar oo ah Madaxa baarista hay’addaasi oo sheegay in muddadii ay hay’addan dhisnayd ay ururisay tacaddiyo fara badan oo ah 726-qof oo lagu dilay guud ahaan dalka, 65-Afduub ah ayay hay’addu sheegtay in uu dhacay iyo 123-kufsi ah, waxaana uu sheegay Aweys in ay hay’addu sii wadi doonto howlaha ay ku ururinayso tacaddiyada ka dhaca dalka, waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha hay’addaasi Cali Macow Dalxa oo u mahad celiyey intii gacanta ku siisay howsha ay hay’addu hayso, sidoo kale waxaa kale oo ka hadlay Wasiirka hub ka dhigista ee DKMG ah Dr. Sh. Aadan Xaaji Ibraahim oo sheegay in haddii ay caddaalad timaaddo ay yaraan doonaan tacaddiyada la geysanayo ee dhinaca beni’aadannimada, sidoo kale waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Dhowrista xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed Drs. Hibo C/llaahi oo sheegtay in hay’addani ay ka wada dhexeyso wada shaqey, waxaa kale oo ka hadlay madaxa isku xirka Hay’adda Abuukar C/qaadir Maxamed iyo Cudbi Suleymaan oo dhammaantood sheegay in hay’addani ay qabatay howlo muhii u ah Bulshada. 

Tacadiyadii ay soo ban dhigtay Hay'adda Elman

May 17: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

Banaan bax laga qabaqaabinaya waddanka Holland….

Dalka Holland waxaa ku nool Somali aad u fara badan waxayna halkaas ku tageen ka dib markii ay ka carareen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay guud ahaan dalaka iyagoo maciin bidayey in ay helaan meel ka nabadgalyo roon dalka hase yeeshee waxaa maalmahaan dhacay in dowlada Holland ay dib u soo masaafuriso qaar ka mid ah Somalida  ku nool wadankaasi iyadoo wiil Somaliyeed oo laga soo tarxiilay wadankaasi oo lagu magacaabo C/naasir  oo lagu dilay magaalada Muqdisho isla markaasna meedkiisa la soo dhigay fagaaraha Tarbuunka.

Hadaba Somalida ku nool wadankaasi ayaa qabanqaabinaya banaanbax ay kaga soo horjeedaan Somalida dib loogu celinaayo dalka iyagoo sheegay ina dadkaasi aysan helaynin nabadgalyo iyagoo waliba sheegay in Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah oo ka badbaadiya dadka iyo kuwa dadka dila waxaana arintaa dhawaan cambaareeyey hay’ada xuquuqda aadanaha ee Dr.Ismaaciil Jimcaale waxayna ka codsadeen dowladaha England iyo Holland in ay joojinyaan dadka ay u soo tarxiilayaan gudaha Somalia.

Wiil laga celiyey Holland oo lagu diley Muqdisho

Ugaaska beesha xawaadle oo  looga gacan haatiyey hiiraan..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladwayne waxay sheegayaan in ugaaska beesha xawaadle ugaas C/raxmaan ugaas Khaliif laga dalbaday inuu soo gaaro magaalada B/Weyne si uu uga soo gaaro saansaan colaadeed oo ka dhici rabta magaalada B/Weyne ka dib markii magaaladaasi looga dhawaaqay laba maamul goboleed.

Waxaa arintaani dalbanaya culimaa’udiinka nabaddoonada waxgaradka dhalinyarada iyo haweenka waxayna sheegeen in ugaaska looga baahanyahay in uu dib ugu soo laabto magaalada BaladWeyne si uu u furdaamiyo arintaan keeni karta xiisad colaadeed. Dhawaan ayaa banaanbax loga soo horjeedo labadaasi maamul goboleed uu ka dhacay magaalada B/Weyne waxayna dadka ku dhawaaqayeen arimo ay ka mid ahaayeen “Waxaa la doonayaa in gobolka laa abuuro xiisad”, waxaa kale oo ka mid ah ereyada ay ku dhawaaqayeen “Dowlada Ethiopia ayaa doonaysa inay iska horkeento shacabka gobolka” iyo “Doolar qaate doonimeyno” iyo ereyo kale.

Labo Maamul oo looga dhawaaqay Hiiraan

Hay’adda HIWA oo….

Simnaar socday shan maalmood oo ay soo qaban qaabisay hay'ada HIWA oo fa-dhigeedu yahay B/weyne ayaa khamiistii lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.   Siminaarkaan oo loo qabtay Xubno ka socday ha-y'adaha u dooda xuquuqda A-adanaha iyo GOS ayaa waxaa ka qayb qaadanyay tiro 40 xu-bnood ah, siminaarkaan ayaa lagu baranayay Baarista Xad-gudubyada iyo aruurinta Taca-diyada loo gaysto shacabka soomaaliyeed iyadoo macal-imiin ay ka ahaayeen qabiiriin ka socday hay'ada CTC ku-waasoo kala ahaa Jamaal Ma-xamed Baroow,C/qaadir Xu-seen Eenoow iyo Macalin Sheegoow. Caaliya Aadan Cabdi [Cagabaruur] oo mid ah howladeenada hay'ada HIWA {Hiran Women Action For Pe-ace on Human right } ee sim-inaarkaas fulisay oo ka hada-shay gunaanadkii siminaarka ayaa sheegtay in Gobolka ba-naadir ay ka fureen xarun cu-sub oo ay leedahay Hay'ada HIWA si iskaashigu u baaho darteed waxayna intaa ku da-rtay in hay'adani fadhigeedu yahay B/weyne ayna ka howl-gasho Gobolada Hiiraan Gal-guduud iyo Banaadir iyadoo sidoo kale hay'adu Furtay Du-gsi wax lagu baro carruurta iyo haweenka waxayna wax u qa-btaa dadka u nugul dhibaato-oyinka dagaalka, iyadoo hay'-adani sida ay sheegtay caaliya ay ka qayb qaadatay dib u he-shiisiinta dagaaladii ka dhacay B/weyne oo ay hay'adu Gogol u dhigtay kooxihii dagaalama-yay kuna guuleysateen in la is afgarto.

Bogga Siirada Rasuulka (scw) oo dib u habayn lagu sameeyey

Waxaa isku soo dubaridey: amiin <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

»FAAQIDAADII CIYAARAHA
»CIYAARYADII QARNIGII 20aad

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2004  

DKG: Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya
Ra'isul Wasaaraha Dowlada KMG-ka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in... Guji...

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka dhiidhisay
Falkii lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo Netherlands laga soo celiyey  Bishii Maarso 2004 iyo warar Goos Goos ah

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD