ONLF waa jabhad dadkeedu soo basaasaan
salaan kabacdi aad iyo aad ayaan ugu
faraxsanahay in aan halkan ka dhiibto fikradayda aniga oo daba socda bayaan
sumadiisu ahayd,
'jabhada xoraynta wadaniga
ogaadeeniya'
runtii waxaan ogsoonahay dhaqanka
somaliyeed lagu yiqiin isdhagaysi iyo ixtiraamida fikradaha kala duwan
iyaga oo isku dhaafsanaaya hab suugaaneed qaaliya,waxaan ogsoonahay in
uu qofku xaq u leeyaha in uu fikradiisa ka dhiibto hadii ay saxantahay
laqaato hadii kalena la dhaafo laakiin waa goorma waa marka lamiiisaamo
oo waliba xaalda lagu suganyahay iyo wadciga yaala loo eego, aan u soo
noqdo qoraalkan ay soo ban dhigeen jabhadani,runtii waxa maragmadoon ah
in ay somaliyi tahay dadwalaalo ah oo aan kala maarmikarin waxaan
ogsoonahay in uu gumaystihii kala qaybshay runtii bayaanka ay koxdani
soo saartay waxay ay ku bilaabeeen dhaleecayn ay dhaleecaynayaan
xukuumada s/land,
haa waa maragmadoon in ay s/land iyo
ethiopia xidhiidh dhaw leeyihiin, waayo daneheeda siyaasadeed waxba ka
waydiin mayso una soo mari mayso ogaadeen hadii aan hore ugu colownaya
adiga awgaa dib ugu coloobimayno ogaadeeen awgii, ogadeena dib loodhali
maayo oo waa kii ismanuu badalin maantana halgan kusheega aad wadaa
waxba kamajiraan, waayo hore ayaad noo daaliseen maantana dantayda
seegimaayo.
'shacabka ogaadeen waxa loo gaystay dil
iyodhac iyo boob mastaafurin'
waa weedho aad iyo aad u qaldan
biniaadam caafimaadqaba bushmihiisa soo dhaafi karin, been iyo
buunbuunin weeye,kalafogayn labada beelood ee walaalaha ah weeye,
aqristoow makulatahay,kaalay ila eeg suuqyda hargeisa, maalin walba waxa
soo gala baabuur xamuul ah oo sida subag, adhi, hargo,.....,.......
waxa dhaafa xamuul sida dhamaan baahida ogaadeen taala, qiimayn iyo
qadarin waxa mudan shacabka walaalaha aanu nahay ee ogaden kuwaas oo ku
nool magaalda hargeisa maalin walban aan wadaagno ganacsi taariikhi ah,
soo jireen ah, shirkadaha ugu waa wayn ee magaala hargeisa kuyaala yaa
leh, meelfog hamilicsan, kuma aya xidhi kara abtigii hooyadii?suura gal
maaha,
hadab mid ayaa is waydiin leh, waamaxay
sababta aad goday iyo dhagaxbuur uga duuli wayday ee hargeisa ku keenay?
ninka yidhi aan gurigaaga ka duulo taa anigaa diiday, dadrayid ah oo
xabsiyada ku jirana majirane ninka laxidhay ee laxukuma waa jabhad
dantiisu ahayd aan wiiqo xidhiidhka siyaasiga ah ee u dhexeeya labad
dawladood,
30kii nin ee laxukumay waxa uu bayaanku
ku tilmaamay riwaayad, runtii waa baadi soo annbatay hadii cidi
sheegatana waa lasiidayn iyada oo shardiga lagu xidhayaa uu yahay in
aanay dib u soo lumin ama sumad sooc yeelato, waxna kama jiraan cid
ladilay iyo cid loo gudbiyaya ethiopei oo kamid ahaa dadkan laqabtay,
haa waa marag madoon in ay falalka
argagaxa leh ee ay ku kacdy jabhadu wiiqeen dhaqaalihii dadka rayidka
ahaa ee labada dhinac iyaga oo gubaaya dhamaan baabuurtii ka soo baxday
hrgeisa ee u rarayd ogadeenia,ninka caqligiisu yahay in uu gubo
baabuurki ay u saaraayeen huga iyo wixii uu cuni lahaa caruurtiisa iyo
xaaskiisa hooyadii uma arko in uu saxan yahay, baabuurta ay leedahay
agoonta iyo masaakiinta ku dhexnool bulshada rayidka ahi ma waxay
noqotay ina rayaale iyo xukuumadiisa? laakiin cidee ayay toos u
taabanaysaa dhibaatada kadhalatay in lagubo baabuurkii rakaabsanaayay
iyo rarkiiba?
akhriste aan kuu dhaafo jawaabaha
su,aalahani, hadii aad si saxa u ga jawaabto jawaabtaadu waxay jawaab u
tahay u jeedooyinka ka danbeeya in lagubo baabuurtani, kuwas oo ah,
1dhaqala s/land in hoos loo dhigo
2: shacabka ogadeen ee u soo safra
hargeisa iyo burco in lagu xidho bosaaso,
3:taakulayn lasiinaayo maamul
goboleedka majeerteeniya, oo ah in la dhex dhigo dagaal labada shacbi ee
walaalaha ah ee ogadeeniyo reer s/land
4:miisaanka siyaasadeed,
maamul,nabadgalyo ee ay somali inteeda kale dheertahay in lawiiqo,
rntii waxay doonayaan in ay dad waynaha
somaliyeed oo bur buray marlabaad qool galiyaan waayo maantasomaliyi
dhibaatadii ay ka dhaxshay siyaasadii arimaha dibada ee ku waa jahnayd
gobolada jaarka ayay qoomamaysaa, runtii shacabka reer s/land qayb
laxaad leh ayuu ka qaatay dagaalkii 1977 ku dhex maray ex-s/lia iyo
ethiopia, waana hooyadii dawlad s/liyeed oo tamrisay in mudo ah,
hadab waxaan ogsoo nahay in ay ogaadeen
dagaalamaayeen in mudo ah iyaga oo haysta taageerada jaamacada carabta
waliba dawladii somaliya ay daba taanay ciidamadeeda iyo hubkeeduna kula
jireen dagaalka, intaa waxa u dheerayd midnimada iyo shacabka ogaadeen
ooo meel kasoo wada jeeda carabkaliya kuwada halaayay, maanta waxa ka
jira dhamaan dhulka ogaadeen waxa loo yaqaanay wanjalaada oo ay ku
caanbaxday magaalada jigjiga iyo dhagaxbuur lafteedu iyo dhamaan dhulka
ay dagaan, imisa qof ayaa ku jira jeelasha ethiopia fal ay gaysteen aanu
jirin, laakiin sababta lagu xidhay ay tahay baayacmushtarkiisa iyo
jeebkiisa oo buuran xaasid nimo awgeed loo quudhi la'yahay,
waxaan hadalkayga ku soo koobi lahaa
marka ay shacbiga ogaadeen mid noqdaan meelna uga wsoo wada jeedsadaan
aayahooda, abaal uguma qabaan in ay bulshawaynnta s/liyeed iyo wadabada
carabtaba ka helaan taageeero buuxda,
waxaan leeyahay doqon hana gargaarsan
hauna gargarin
salmaan qodax <qodax9@hotmail.com>