SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Dowladda KMG-ah oo sheegtay in somaliland ay ka mid tahay Somaliya::: Shir Jaraa'id.
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@hotmail.com | June 25, 2004
Ra'isul Wasaaraha Dowlada KMG-ka Maxamed Cabdi Yuusuf oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay somaliland ka mid tahay somalia ayna qasab tahay in ay ka soo qaybgalaan wadahadalada somalida ee kenya.

Maxamed Cabdi Yuusuf waxa uu cadeeyay in aysan marnaba Dowlada KMG-ka  qaadandoonin in ay Somaliya la  kala qeybiyo, waxa uuna u sheegay Beesha Calaamka iyo IGAD in aysan arrintaasi xooga saarin sidii ay u keeni lahaayeen somaliland.

Ra'isul wasaaraha DKG ayaa Carabka ku dhuftay in aysan marnaba jirin labada Dowladood oo Somaliya ay leedahay, waxa uuna sheegay Shirkaan Dib-u-heshiisiinta Kenya waxa loo aas-aasay in ay ka mid eheed in dhamaan loo dhamaado,waxa uuna sheegay Somaliland in ay ka mid tahay Somaliya.

Isagoo hadlkiisa sii wato ayaa waxa uu yiri "IGAD waa in ay cadeeyaan Shirkaan in uu yahay mid gobol oo kaliya ay u qabteen iyo in uu yahay mid somaliyeed,ma ahan in ay IGAD iyo Beesha Caalamka ay horkacaan dhibaatada somaliya"ayuu yiri. waxa uuna sidoo kale tilmaamay tan iyo Intii ay DKMG-ka ay joogtay shirkaan ay ka shaqeynaysay sidii loo keeni lahaa Maamulka la magbaxay Somaliland, laakiin taas ay ka hor yimaadeen Dowlada IGAD qaarkood,waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Waxa uuna sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf uga digay IGAD iyo Beesha Caalamka waxa ay wadaan ee ah Dowladii halkaan lagu dhiso in ay la xaajoondoonto Dowlada la magacbaxday Somaliland, waxa kale oo uu ku nuux nuuxsaday ra'isul wasaaraha DKG in uu shirka haatan maraayo gaba gabo ama heerkii ugu danbeeyay ee awoodqeybsiga, waxa uuna gaba gabadii Hoggamiyaasha Somalida ugu baaqay dhamaantood in ay ka shaqeeyaan Nabada Somaliya.

-Dhammaad-

WARAR GOOS GOOS AH:

  • Cumar Xaashi: “Suurtogal ma aha in Hiiraan laga sameeyo Ismaamul"

  • Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka dhiidhisay falkii lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo laga soo celiyey Netherlands

  • Hay’adda Islaamiga ah ee Ilaalinta xuquuqda Aadanaha oo siminnaar u qabatay Maxkamadaha Islaamiga ah

Ka akhri warbixintii Amiin... Gujui

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD