“Hadimada Garoowiyo,
Hanaq-go’a Nugaaleed”
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
- “Hadimada
Garoowiyo
- Hanaq-go’a
Nugaaleed
- Halka aad
tumaatiday
- Waxa kaga
habboonaa
- Dar kaloo i
howlee
- Huqdaad reebtay
weynaa
- Hibasho iyo lur
kululaa
-
- Colka Bari
haraatiyey (Qadaasame & Dhuudo)
- Hubka Mudug ku
talax tegey
- Allayllehe
hubsiimiyo
- Hakin buu u
baahnaa
-
- Adigaa
halyeeygiyo
- Hanaddada ku
dabar go’ay
- Himilooy u
baahnaa”.
Hadraawi baa yiri.
Yuu ku yiri? Anigu waxaan isleeyahay, maansadu waxay ku socotaa kornayl
C/hi Yuusuf! Sabab? Haddee isagaa Garoowe iyo Nugaal dadkiisii caanka
ahaa (hogaamiye dhaqameed) ku laayey. Colkee Bari haraatiyey oon kan
C/hi ahayn? Soomaali indha-adayg kama dhamaado ee ha ii sheegeen sida
C/hi Bari wax ugu dilay cidda ugu dishay? Gaalkacyo hadda dadku waa isku
laayaa.
Waxaa kaaga sii
daran dad dhan oo qaarkood sheegto hogaamiye-dhaqameedyo baa iska
dabo-ordaya isaga ama iska aamusay oo godkooda biyo ugu galeen. Wuxuu u
adeegsadaa siyaasaddii gumaysiga ee foosha xumayd: waa qaybi oo xukun.
Shalay dad buu inta
kasoo aruursaday Nugaal, Mudug iyo Howd buu reer Qardho ku laayey.
Maantana wuxuu rabaa inta reer Qardho soo wato inuu reer Garoowe (C/Raxmaan
Faroole) kula dagaalo!.
Waxaa iigu darran
niman isu qaba inay sumcad ku leeyihiin Puntland oo uu boorso ka dhigtay
oo maalin walba sidii ay yihiin iskaalsooyinkiisii meeshuu cag dhigaba
la dhiga! Wallee qof is dulleeya inaan cidna ka haybaysan.
C/hi horay buu Ilmo
Abshir Nugaal uga cayriyey haddana wuxuu rabaa inuu ku daro C/Raxmaan
Faroole laakiin si taasi u suurto-gasho waa inuu Cadde Muuse gacan ka
helaa. Reer Qardho ma garan waayeen haddii dhib loo geystay inaysan
iyaguna markooda cid kale dulmin oo C/hi caawin? Ma filayo oo nifaaqa
Puntland ka jira baa sidaas ah, taariikhdaana markhaati ka ah.
Bal Hadraawi ood
mooddo inuu Puntland ka hadlayo aan erayadiisa milicsano:
- Wuxuu yiri
degmadaya (Garoowe)
- Dugsi kaliya
baa jira
- Diric kaliya
baa dhiga (C/hi)
- Dersi baanu
baranaa
- Dulliga iyo
beentiyo
- Doqonniimo
faankiyo
- Qoqobkiyo
dirsoociyo
- Ducadiyo
yaboohdiyo
- Inta laga
diqoodiyo
- Dewarsigu ka
koowyahay
- Digashadu u
mudantahay
- Marka qalin
daraalaha
- Dilla-sheega la
cuskado
- Imtixaanka loo
dego
- Kan dul dhiga
jawaabtiyo
- Doorkiyo
waxgaradkaa
- Inta daadata u
badan.
-
- Wuxuu yiri
degmadayada
- Dibnahaa la
cunayaa
- Qosolkaa la
deexdaa
- Adigoo il
dabayaa
- Dadku inaanay
kaa garan
- Misna lagu
dedaalaa
- Marka aad
Duleedoow
- Sidaad doonta
weydaad
- Sidaad diiday
yeeshaa.
-
- Wuxuu yiri
degmadayada
- Cudurrada
dillaacee
- Aayaadka
diintiyo
- Dadka uu
Ilaahay
- Daa’in ka magan
galo
- Waaba lagu
ducaystaa
-
- Haddaannaan
dagaal ridin
- Ama ciidan soo
dumin
- Dawliil ku
naalloon
- Ama keenin
daacuun
- Ama daadad soo
rogin
- Webiyada
durdurayaa
- Jiilaal wax
naga dilin
- Dabo-dheer na
salabeyn
- Diigaanyo nagu
dhaban
- Miyaa daasadaha
maran
- Dirham noogu
dhacayaa?
-
- Wuxuu yiri
degmadayada
- Ruuxii la
duugaa
- Marka laga
dareeruu
- Dib usoo
dhashaayoo
- Durba loo
mashxaradaa!
-
- Wuxuu yiri
degmadayada (Puntland)
- Duleed-joogta
maqashiyo
- Ka hagrada ma-durugtada
- Ayey geel u
dirataa (nin Puntland wadi waayey, Soomaali ma wadi karaa).
-
- Wuxuu yiri
degmadayada
- Dibida iyo
weylaha
- Waxa dhala
dameeraha!
Marka haddeer wakaas
laleeyahay kornayl C/hi baa Garoowe tagaya, waxaana la ii sheegay inay
isimo-ku-sheeggii meesha joogaan si loo dhiso dowlad ka kooban wasiiro
iyo wasiir-ku-xigeenno. Wuxuu rabaa in isagoo “isimada isticmaalaya” uu
dhisto dowlad uu raali ka yahay oo maqaar-saar ah isagoo isla markaas ka
takhalusaya qofkuu rabo (C/Raxmaan Faroole).
Laakiin C/hi mid
buusan xisaabta ku darsan: laga soo bilaabo Bari ilaa Mudug dadkii hadda
bishimahay ruugayaan ciil dartiis kaliya waxay sugayaan wax howl-gasha.
Waxaan maqaalka kusoo xirayaa isla erayadii Hadraawi:
- Wuxuu yiri
degmadayada
- Dareen waa ka
siman tahay
- Doogna wey
gudboontahay
- Doorna wey
midoowdaa
- Libna wey ku
dirirtaa
- Xilla wey
daryeeshaa
-
Daba-gelisyadiisiyo
- Dad-qal wey ka
adag tahay
- Danna wey
wadaagtaa
- Duddadaa u kala
rogan
- Mana kala dab
qaataan
- Dadab baa
kukala xiran
-
Kala-durugsanaantiyo
- Digadana nin
baa shiday
- Dawaduu ku
huriyaa
- Rag inay ku
damiyaan
- Dannigoodu
farayaa
- Gaas bay ku
darayaan
- Meel daad u
baahnayd.
-
- Waxuu sii yiri:
-
- Waxse jira
Duleedoow
- Dibirrooti
kulul baa
-
Dingaraaradiisii
- Xaska lagula
daatee
- Duugoobi
maayaan
- Dakharada la
geystoo
- Waa daanno
culusoo
- Rag iskaga
dambeeyee
-
-
- Waxaan dooddii
kaga baxay
- Hadalkana ku
daa’ iri
- Nin dab liqay
Rashiidoow
- Dhuxul buu ka
daacaa
- Ma darmaanta
booddee
- Ma daliilka
muuqdiyo
- Dhamac hoos ka
darartoo
- Is-dallaalimaysiyo
- Dambas baan
aqaannaa?
- Halka deyr
waqtigu dhigo
- Dib baa looga
sheekayn
- Ka-daraa u
magac bixin.
Marka wixii nagu
dhaca innagaa ka mas’uul ah. Waxaan shaki lahayn, hogaamiye-dhaqameedkii
ama magaaladii qaadata dulli maanta inaysan dib dambe uga baxayn.
F.G. erayada aan
qoysaska geshay anaa ku daray ee maansada lama socoto. Waa uun
tusaalayaal aan rabo inuu dadku arko. Teedaka kale maansadu sidaas
usugama xigto, qaarkeedna waxaa loo sameeyey sidii labo qof oo is
waraysanaysa.
Cabdulwaaxid Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
QORAALDII HORE EE C/WAAXID
Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|