SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA:::
  • Cumar Xaashi oo ku tilmaamay Maamul Goboleedyada looga dhawaaqay Hiiraan inay ka danbeeyaan Wadamo Cadow ku ah Jiritaanka Umada Soomaaliyeed
     
  • Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo maata soo saaray Qoraal Rasmiya oo qeexaya Qaab Qaybsiga Baarlamaanka.
     
  • Xukuumada Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa ku eedaysay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay,Winston Tubman innuu yahay Ninka kasoo horjeeda Dib uhishiisiinta Somaliya.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Xukuumada Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa ku eedaysay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay,Winston Tubman innuu yahay Ninka kasoo horjeeda Dib uhishiisiinta Somaliya.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Ku Meel Gaarka ah, Dr Xuseen Xaaji oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay nya aad ugu xumaadeen Hadalkii Dhawaan ka soo yeeray Tubman oo u waramayay Idaacada BBC -da kaasoo uu u ku sheegay in Shirka Dib uhishiisiinta Somalida uga Socda Dalka Kenya Somalida uusan ahayn Mid Quseeya Somaliland oo uu yahay mid gaar u ah Kooxaha Koonfurta Somaliya,isagoo intaasi ku daray in Dowlada lagu soo dhisi doono Halkaasi ay wada Hadal layeelan doonto Maamulka Somaliland

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Ku meel Gaarka ah,Xuseen Xaaji Bood Wuxuuna sheegay in Tubman uu hadalkan Sheegay kadib Safaro uu ku soo kala Bixiyay Dalalka kala ah Ethiopia iyo Jabuuti,isago sidoo kale sheegay in Hadalkaasi uu yahay mid aysan Jeclaysan hadii ay yihiin Dawladda Ku Meel Gaarka ah iyo Qaraaradda Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay, Midowga Afrika, iyo Dhamaan Urur Gobaleedyadda kale,Xuseen Xaaji waxa uu Carabka ku dhuftay in uu Hadalka Tubman uu yahay mid lagu Saleeynayo Aragtidiisa u gaarka ah.

Xuseen waxaa uu ku Cel Celiyay Hadal ay markasta Dowlada Ku meel Gaar ka ah ku Baaqdo oo ah in Shirka Somalida loo qabanayo uusan Noqon mid ay isugu yimaadaan Qeybo kamid ah Hogaamiyayaasha Somalida taasoo ay sheegeen hadii ay dhacdo inay tahay mid sii kala dhantaalaysa Somalida haatan kala tagtay,waxaana uu sheegay hadii arinta Tubman hadii la raaco ay Shirka Kenya ku dhici doonto sidii ku dhacday kuwii isaga ka horeeyay ee Somalida loo qabtay.

Bood waxa uu sheegay in Tubman uu yahay Nin iska indha tiraya Xaalada uu ku sugan yahay Shirka Kenya oo uu sheegay inay ku Idil yihiin Dhamaan Somalida oo Dhan hadii ay ahaan lahaayeen Odayaasha Dhaqanka,Hogaamiyayaasha Siyaasada,Waxaana uu intaasi Raaciyay in Iminka Shirka ku soo fool leeyihiin Hogaamaiyaasha Dhaqanka iyo kuwa Siyaasada ee Maamulka Somaliland  

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo maata soo saaray Qoraal Rasmiya oo qeexaya Qaab Qaybsiga Baarlamaanka.

Bayaankan oo ah mid Sharaxaad Wayn ka bixinaya Cid Waliba Awoodeeda,Isla markaana uu Qeybka yahay ay soo saaren Go’aanadii Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa lagu Cadeeyay Qabka Xulitaanka Xubnaha ka mid Noqonaya Baarlamaanka,iyadoo Arintaasi ay tahay mid aysan jecleysan Hogaamiyayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kuwaasoo Awoodii ay Shirka kula haayeen la Wiiqay.

Bayaankan ayaa Sheegaya in Habka Xulitaanka Baarlamaanku uu yahay Hanaanka Qabiilka sida ku cad Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. Iyadoo qaabka Baarlamaanka loo xulayo ay tahay mid soo mareeysa Laba Waji oo kala ah Qaybinta iyo Xulitaanka,waxaana sidookale lagu sheegay in Qof Waliba oo Somali ah uu Xaq u leeyahay inuu Noqdo Xildhibaan.

Bayaankan waxaa uu dhanka kale uu sheegay in Xubnaha Baarlamaanka ay ka qeeyb qaadan doonaan Ergadda Sida Rasmiga ah ay IGAD u casuuntay,waxaase sidoo kale lagu sheegay in Beeshii uu Dalka ka jiro Qof Muhiim ah loo sheegayo inay usoo gudbiso IGAD,Waxaana loo balan Qaadayaa in Qofkaasi la keeni doono Madasha Shirka ka socdo,laakiinse qofkaasi uu isaga isdabari doono oo uu iska Bixin Doono Qarashaadka ku baxaya.

Qoraalka IGAD waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in Xulista Xubnaha Baarlamaanka ay samaynayaan Siyaasiyiinta la aqoonsan yahay ee IGAD ay casuuntay oo kaashanaya Odayaasha Dhaqanka. Taasoo u muuqata in la xadeeyay Doorkii Odayaasha Dhaqanka oo lagu koobay wadatashi oo kaliya. Waxaana la sheegay in Beel kastaa marka ay soo dhamaystirto Xulashadda Xubnaheeda ay u gudbinayso Shir Guddoonka Beesha ee IGAD aqoonsatay.  

Cumar Xaashi oo ku tilmaamay Maamul Goboleedyada looga dhawaaqay Hiiraan inay ka danbeeyaan Wadamo Cadow ku ah Jiritaanka Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka Lacagta ee Dowlada Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. Cumar Xaashi Aadan

ayaa Dusha uga Tuuray Maamul Gobaleedyadda Maalin looga Dhawaaqay Hiiraan inay ka dambeeyaan Dalal uu ku Tilmaamay Cadowga Somaliya

Cumar Xaashi oo ah Xubin Muhiim ah oo ka tirsan Xubnaha Dowlada Ku meel Gaar ka ah ka jooga Shirka Kenya ayaa isaga oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi sheegay inaysan Macquul ahayn in Xilligan laga dhiso Gobalka uu u dhashay ee Hiiraan Maamul Gobaleed aan ku Dhisnen Rabitaanka Shacabka,laakiinse waxaa uu tibaaxay in looga gol leeyhaay inay tahay sidii la isga hoe keeni lahaa Dadka Reer Hiiraan oo uu sheegay inay yihiin Dad is Jecel

Wasiirka Lacagta ee Dowlada Ku Meel Gaarka ah,Cumar Xaashi waxa uu in Badan uu Hadalkiis au badnaa mid uu ku Qeexayo in Maskaxda Dhismaha Labada Maamul Gobaleed ee Iminka looga dhawaaqay Hiiraan inay leeyihiin Dalal uu ku Shegay Cadowga Umada Somaliyeed,Hase ahaatee waxaa uu sheegay inay Xiriir Joogta ah uu Hiiraan la leeyahay Dalka Somaliya Jaarka la ah eeEthiopia oo la rumaysan yahay inay isku soo hubayso Qabqablayaasha Dagaalka ee Somalia.

Wasiirka waxaa uu ugu danbeeyntii ugu Baaqay Somalida Reer Hiiraan inay isugu Dhacaan Maskax Shisheeye ee Cadaawada la dhex meereysanaya Gobolka Hiiraan,isagoo sheegay inay la haboon tahay maanta Dadka Reer Hiiraan inay Meel uga soo wada jeestaan Cadowga Umada Soomaaliyeed.

Wiikan ayay ahayd Markii Gobolka Hiraan looga Dhawaaqay Labo Maamul oo lagu kala Magacaabo Mid Land iyo Hiiraan Land Iyadoo ku dhawaaqista Maamuladaasina ay yimaadeen xilli Shirka Soomaalida uu gaaray Horumarkii ugu wanaagsanaa.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004 | Faafin: June 25

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo Waraysi Siiyey Somalitalk
"Howsha uu Baarlamaanka DGPL qabtay waa mid aanu qaban weynay oo dhibaato uma aragno ee waxaannu u aragnaa dawlad kale dalka haloo dhiso" Sidaas waxaa yiri... Guji

Qoral Kasoo Baxay Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeenya
Qoraalkan oo ku jihaysan hargeysa ayaa... Guji 23/6

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka DGPL
Qoraal ka oo uu ku amrayay in ay wasaaradda maaliyada Puntland bixin karin wax lacag ah illaa amar dambe Guji 23/6

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD