SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
ISLII DHALAAL IYO DHOOQO
Sahid maxamed yusuf

 

Islii waa xaafadda caanka ah ay soomaalidu ka degan tahay Nairobi,Kiinya oo la mid ah sida Dixon-ta Toronto,ama wenbley-da London,ama Cedar-ta minneapolis ama yoobsantii xamar cadde ama suuqa Bakaaraha haatan.

waa xaafad weyn oo 90% aad soomaali ku arkeysid iyo xooggaa dadka meesha degan ah,wax kastana soomaalida ayaa ganacsi waalan ku heysata sida maqaayado iyo hoteelo fara badan, bacadlayaal,xawilaado ,taleefoono meel aad ka dirsatid,maktabooyin,masaajidyo,iskuulo private ah iwm .

Waxaad marka ugu horeysaba dareemi jidadka xaafaddaas dhex mara oo ah kuwo aad u xunxun,burbursan,godad badan,dhiiqo ah, cariiri ah,qashinku meel kasta yaalo ama lagu tuuri, baabuurta iyo dadka iyo gaari gacmeedyadu ay isku hirdinayaan.

Haddii roob da,o warkeedaba daa meel aad martid helimeysid waa sida dhiiqadii afgooye.

Somaalida meesha ku nool waa dad wada dhalaalaya oo qurux badan siiba haweenka oo wada xijaaban yar iyo weynba waa qurux iyo dhalaal .

markaan weydiiyey miyeysan xaafaddu munishiibiyo nadiifiso laheyn ama jidadka wax ka qabata,waxaa la iigu jawaabay dan lagama laha !!! waxaa marnaba ii cuntami waayey sida xaafaddu u ganacsi badan tahay iyo dacdaran tahay!!!!.

waxaa ka shaqeeya xaafadda baabuurta dadwenaha kuwaan oran jirnay( BL)ka oo ka kooban coastero iyo mini van( caasi) taxi-qurux badan oo ah Toyota-corrolla. Se marka ay jid fiican heysan waad garaneysaa dhibaatada aan ka hadlaayo ,baabuurtaas ( taxi)yada ah waan la yaabay xoogooda boholo iyo jeero dhaadheer oo dhiiqo iyo hataqyo iyo dhagxaan ah ayey dulsabeynayaan. seddex cisho aan joogay waxaan afkeyga ka dhamaan oo sidii ruux waalan aan ku celcelinayaa maa jidadkaan la iska hagaajiyo xataa hadii aysan dowladdu dayactireynin meel gacansatada faraha badan ay xil iska saaraan oo iska sameeyaan.

Waxaa xaafaddan ku yaal dhismayaal waaweyn sida amal plaza iyo dubai plaza iwm se hortooda ma mari kartid dhiiqo iyo wasaq darteed.

Aniga oo Canada ka imid waxaa maskaxdeyda ka buuxda sida magaallda Toronto oo 3malyan oo ruux ku nool yihiin loo nadiifiyo jidadkeeda,loo dayactiro ( summer) kasta

iyo sida loo xaaqo ,loo dhaqo,xil adag la iskaga saaro,iyo burburka Islee !!!!
Kiinya oo ah wadan touris ku badan yahay waa taanan arkin ruux cadaan ah ama hindi ah oo xafadda islee socda.

Waxaan ku soo celcelinaayey sow ganacsatadu ma oga nadaafadda iyo jidadka fiican in ay suuq u yeelayaan ganacsigooda,runtii tourist fara badan ayaa naftooda kala cabsanaaya ( Ghetto Islee) se runtii waxay ka heli lahaayeen badeecada ka jaban kana tayo fiican ay ka gadanayaan faras magaalaha Nairoobi ( Down town)oo aad u qurux badan.

Haddaba waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa ganacsatada Islee oo isku taga oo wax ka badala wasakhda iyo burburka iyo dayacnaanta ka muuqata xaafaddiina.

waxaanna soo xasuustay xadiiskii nabiga ee aha ( AL-nadaafatu minal iimaan) ama sidaas oo kale ayuu yiri .
 
Sahid maxamed yusuf

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD