SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dadwenaha reer Yurub oo ku ciqaabay dowladahooda Doorashadii baarlamaanka Yurub

 Aden Gas
<adengas@hotmail.com>

Doorashadii baarlamaanka ee midowga Yurub oo ay ku midaysan yihiin 25
dawladood ayaa dadka codkooda dhiibtay waxay tuseen dowladaha ka jira
halkaas inaysan raali ka ahayn sida ay wax uwadaan oo ay ugu horeyso xagga
Shaqo la,aanta,dagaalka Ciraaq iyo waliba qaybo aan raali ka ahyn isku
dhexmilmidda dadweynaha reer Yurub oo si wayn ugu kala gedisan xagga
dhaqaalaha iyo dhaqankaba,sida Luqadaha.

Dadka xaqa uleh inay codeeyaan oo lagu qiyaasay in ka badan 350 milyan oo
qof ayaa waxaa usoo baxay cod dhiibashada wax ka yar 45%.Waana markii u
horaysay oo 10 dal oo ku cusub midowga yurub ay codeeyaan,yadoo 8 ka
midihina ay kasoo faquuqmeen Midowgii soofiyeeti ee burburay.waxaana ka
muuqday wadamadaas waa kuwa ku cusube inayan niyad saasa u hayn ku biiradda
midowga Yurub,sida Dalka Slovakia oo wax ka yar 20% ay dhiibteen
codadkooda.Dalka ugu balaaran ee ku soo biiray ee Poland ayaa isna waxaa
usoo baxay codadka 21%.


Wadamada Britain ,Italia iyo Holand ayaa dowladahooda la tusay sida looga
xun yahay dagaalka ay ku dhex jiraan ee Ciraaq,Sidoo kale wadamada Germany
iyo France oo dagaalka ka soo horjeeday ayaa iyana lagu Ciqaabay siday u
maamulayaan Xagga Shaqo la,aanta ka taagan wadamadooda.

Waxaa guul xoog leh ka keenay doorashada garabka lagu tilmaamo midigta
dhexe(Center-right)ayagoo helay 274 kursi,iyadoo baarlamaanka cusubi guud
ahaan uu yahay 732 kursi.Kuwa lagu tilaamo Bidixda dhexe(Left-center)ayaa
helay 201 kursi waxaana hormuud u ahaa xisbiyada Tony blair ee labourka iyo
Gerhard Schrodeka German ee xisbiga social Democrats,kooxda seddexaad ee
iyaduna kuraasta ka xantoobsatay waa qolyaha loo yaqaan liberalka oo helay
64kursi ,kuwa udooda Deegaanka ayana waxay heleen 42 kursi.xisbiyada u
janjeera garabka Bidix (Left Leaning communist)waxay ku guulaysteen 36 kursi
.

Waxaa markii u horaysay si wayn fagaaraha ka muuqday qolyaha ka soo horjeeda
Midowga Yurub ee anti-EU parties,tusaale ahaan wadanka Britain Xisbigsa
ukip(UK Indepent) waxuu helay 12 kursi Taasoo noqonaysa inay afar jibaar
heleen kuraastii ay haysteen oo ay ku guulaysteen sanadkii 1999kii,waxaa
iyana guulo badan ka soo hoyiyeen kooxaha loo yaqaan anti Eu-wadamada
Sweden,Denmark,Holand .Natiijada ka soo baxday doorashada waxay muujinayaan
in si xowliya ay usoo kordhayaan taageerana helayaan kooxaha Diidan
isdhexgalka Midowga Yurub,Kuwaasoo wadaaga Dallad kulmisa sida Nacaybka soo
galootiga ajaanibta (Anti Immigration Members)diidmada Axdi qarameedka ay
soo bandhigeen midowga Yurub iyo waxyaalo kale oo nacayb ku dheeahan


                 Sida loo Qaybsaday Kuraasta Baarlamanka Yurub



wadamada Yurub waa kala dhaqaalo iyo dad badan yihiin,sidaa awgeed fadhiyo
badan iyo dood badan ka dib waxaa lagu heshiiyay in wax lagu qaybsado tirada
dadka ,taasoo markii hore wadamada yar yar ay ka biyo diideen iyagoo yiri
saamaynta aan ku yelanayno ajandaha reer yurub way koobnaanaysa,oo wax walba
waxay gacanta ugelin wadamada dadka iyo xoogga badan,balse markii dambe
waxay noqotay oo laga badin waayay in wax lagu qaybsado tirada Dadka waana
sidan sida loo kala Kuraas batay iyadoo ku xiran wadan walba cadadka
dadkiisa:

Germany                                                 99 Kursi

Wadamda Britain, France,&Tayaaniga   kiiba   78 kursi

Spain iyo Poland                                  kiiba 54 kursi

Holand                                                                27 kursi

Hungary,Greek,Portugal,Belgium,Czeck republic  kiiba   24 kursi

Austria                                                                 18 kursi

Sweden                                                                19
kursi

Slovakia ,Finland,Denmark                                 kiiba  14 kursi


Ireland ,lithuania                                              kiiba  13 kursi

Slovania                                                                  7 kursi

Latvia                                                                    9 kursi

Luxemberg,Cyprus,Estonia     kiiba                             6 kursi

Malta                                                                    5 kursi

Qolyaha loo yaqaan Conservatiga ayaa ka faaidaystay sanadkan oo waxay
gelisay yidiilo cusub ,waxayna dib ujaleeceen markii Yurub sida wayn u
haysteen garabyada Coservatiga sida wadamada Ingiriiska Iyo Germalka oo ah
hormuudyada Midowga Yurub waana tan natiijadii Xisbi kasta ka healy
kuraasta.


Ingiriiska(Britain)            Conservatives         27 kursi

                                 Labour Party           19 kursi

                                 UKIP                      12
                                Others                      20

Germany                      conservarives          49 kursi
                                 Social Dem.             23 kursi
                                  Greens                  13 kursi
                                  Others                   14 kursi



France                            socialists                31 kursi
                                    Conservatives         17kursi

                                    Nationlas               10 kursi

                                   Others                    19kursi




     Aden Gas
<adengas@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD