Asalaamu caleykum!
Yaa u Garnaqa Beelaha Direed?
Liibaan Guuleed
<liibaan145@hotmail.com>
Dhammaan shacabka soomaaliyeed waan salaamay, meel kasta oo ay shanta
soomaaliyeed ama adduunka oo dhan ka joogaan. Waxaan ahay nin Surre ah oo
bilahaanba la socday doodaha shabakada ama wararka internetka ee boggaga
soomaalidu leedahay. Waxaan jecleysatay inaan waxyar ka iraahdo maadada
ciwaanka ku xusan. Waxaan dhammaanteed la soconaa in beelaha soomaalieed ee
Soomaaliya shir dib-u-heshiisiineed uga socdo dalka Kiinya. Sida aan horay
uga baranay shirar noocan oo kale ah, ergadu inta badan wey is-qabsataa ama
qaar baa dantoodii ka waaya shirka oo markaa qayliya. Taasina wax u gaar ah
maaha beesha Dir. Arrinta aan rabo inaan waxyar ka carrabbaabo baa waxay
tahay arrigtiyada, ama danaha kala duwan ee beesha dhexdeeda ka jira. Iyadoo
sida aan shabakada ka akhriyey ay ergada beeshu u kala jabtay laba qaybood,
kuwaas oo loogu yeeray "Dir-waqooyi" iyo "Dir-koonfureed" Haddaba yey yihiin
beelahaas?
Annigu sidaan u fahmay waa: Ciise, Isaaq iyo Samaroon(Gudabiirsi) oo
"Dir-waqooyi" ah iyo Biyamaal iyo Surre oo "Dir-koonfureed" ah. Haddaba
maxaa laysku haystaa ama layku khilaafay?
Wax aad u weyn oo beeshu isku haysato maba jiraan, waa sidey ila tahaye.
Meesha uu qoonsigu ka yimid waa GUDDIGA KHILAAF-XALLINTA ee shirka Kiinya ka
socda, oo aan u arko ineysanba u qalmin wax laysku qabsado. Haddii aan la
dooday qaar ka soo jeeda beelaha Direed, ma beel mise beel?
Beesha Isaaq waa dad intooda badan taageersan gooni-isutaaggga ama
badax-bannaanida Soomaaliland. Sidaas oo kale waxaa aaaminsan qaar badan oo
Samaroon ah, laakiin kuma dheereeyaan u dooddida madax-bannaanida ama
maqaal-u-qoriddeeda, inkastuu madaxyeynaha dalku ka soo jeedo beeshaas.
Xagga Ciisaha wax badan kama oran karo, sababtoo ah aqoon badan uma lihi,
dad iyaga ka soo jeedana lama doodin.
Docda(dhinaca) kale beelaha Biyamaal iyo Surre, waxaad moodaa iney meelo
badan isku arrigti ka yihiin, shirkana ay u dhan yihiin, dad ahaan iyo
taageero ahaanba.
Dhibaatada meesha taal baa waxay tahay yaa matala beelaha "Dir-waqooyi" ama
magaca aan ka doorbiday ee ah reer Soomaaliland?
Jawaabtu wey caddahay oo waa bardowba maaha kuwa shirka jooga maadaama ay
dowladdii iyo shacabkiiba aysan niyad u hayn shirkaas. Sidaas darteed kuwa
shirka jooga ee beelahaas ka soo jeeda waxaan kula talin lahaa is-dejiya
walaalayaal xaaladdu sidaas waa ka adag tahaye.
Qaar reer Soomaaliland ahna waxayba aaminsan yihiin in magaca Dir-ba lagu
duminayo qarankooda, WAA YAAB MANA YARA!
Soomaaliland-se ma Dir keliyaa dega mise keligiis baa dowladda ka tirsan?
Waa su,aalo meesha yaal oo loo baahan yahay in lays weydiiyo jawaabana laga
bixiyo.
Anniga waxaa iga dhaadhacsan in soomaalidu isku haysato HUNGURI ama
wax-raadis aan wado xalaal ah loo marin, waxaana dadka isku diray:
caddaalad-darro, saboolnimo(sababta hunguriga), aqoon la,aan iyo diintii
Eebbe oo laga fogaaday! Dhibaatada salkeeda qofkii rabow waa taas ee bal
dhuux, kana feker inyar.
Dadka aan ka soo jeedow(soomaalida oo dhan) isku dad iyo isku beel baan
nahaye aan is-kaashanno, Eebbana aan dambi dhaaf weydiisanno, kana barino
inuu dhabbada toosan nagu rido!
Allow is-jecleysii dadkayga, aamiin!!!!!!!!!!!
Qaddarin/
Liibaan Guuleed
<liibaan145@hotmail.com>
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixanKulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|