Bismilaahi Raxmaan Raxiim
DEBECSAANAATA SHACBIGA +DURDURADA
CADAWGA +KANBADHUUDHKA WAXGARDKA
Mushkilada soomalida haysata waxaa ka
masuul ah danaystaayal iyo cadaw farabadan oo ay ummadda soomaliyeed
leedahay iyo qayb ay ka qaateen shacbiga soomalida oo iyana sii
huriyay oo ku sii shubay baatrool sii huriya, dhibta haysta oo aanay
dareemin iyaga oo ka hormarinaaya dantoodii danta reeraa oo isu
haysta qabiil qabiil iyo reer reer.
Markaa waxaan isweydiiyay anigu
akhristayaashana aan weydiinyaa bal yaa leh dalkan ma soomalidan is
haysta mise cid kale oo uu ilaahay u soo diraayo kuna badaalayo
kuwan hada ku dhaqan mise waxaa run ah waxaa isu keen keenaya oo ina
heshiisiinaya oo gacanta isku keen saaraaya.
Cadawga aynu leenahay oo ah sida
aynu imika aaminsanay kolkaa waxaan anigu aaminsanay in taas waxba
ka jirin cid inoo maqanina ma jirto oo aan inaga ahayn .
waxaynu leenahay Culimo Aqoonyaahna
Dhalinyaro Haween Abaawno waxtar ah oo wax qaban kara hadii dadku ku
taageero,ee aynu xaqiiqda taabano inaga oo ka duulayna Islaaminimada
oo Ilaahay u noqonayna kana fogaananyana Hogaamiye kooxeedada iyo
shaydaanka.
Dhamaanteena waxa inagu waajib ah
in aynu jabino giddaarka aamusnaanta ah ee aynu u xidhanay cid gaar
ah .
Sidaas aawadeed waa in uu yimaado
kacaan u horseeda umadda in la tuuro cadwga kacaankaas oo ka
bilaabma Tuula kasta iyo Degmo kasta iyo Gobol kasta kacaankaas oo
ay horseed ka noqdaan Salaadinta Dhalinta Abwaanka Haweenka iyo inta
jecel sinaanata cadaalada xoriyada iyo wanaaga .
waxaan soo dhawaynyaa cidii durta ama
dhaliisha maqaalkayga iyo cidii taageertaba .
ilaahow tubta toosan na waafaji aamiin.