Hage Indho La’ (Carabta)
Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com
Soomaalidu waxay ka simantahay intooda
badan, gaar ahaan kuwa isleh waxbaad barateen, inay dhowr kalmadood oo
afcarabi ah soo tuurtuuraan, hooraan iyo haddaba…
Ma xuma in lagu daydo dad aqoontoodu
dheertahay, laakiinse markaad ku dayato dad aqoontoodu aysan saas u dheerayn,
akhrintooduna yartahay [1]
Carabtoo dhan waxay tarjumaan 330 buug sannadkii, halka waddanka Spain ka
turjumo 100,000 (boqol kun) sannadkii…
Dhowr kalmadood oo afcarabi ah marka qofku
soo tuuro, waxaan la yaabaa halka uu tiigsanayo, wakhti hore oo laga joogo
toban qarni ayaa jirtay mar ay ahayd luqadaas hadii aad soo tuurto inay ku
tusayso inaad tahay qof wax soo bartay, amase ugu yaraan tagtay Andulus,
malaha tobankii qarni ka hor ayaan maraynaa!
Muddo hadda laga joogo soddon sanno (30)
ayaa dhacday in dhaqanka waddanka Sacuudiga ee gadaal u fakarka ah (Salafiya)
loo dhoofiyo waddamada islaamka ee faqrigu dilooday, taas waxay keentay in
Jaamacadaha sacuudiga ay kasoo baxaan dhalinyaro aad u akhrin yaqaan
Fatxi-majiidka, laakiinse, aan lahayn aqoon dhaafsiisan inuu dhowrkaan
kalmadood ku celceliyo; Gaal, bidci, naartaad galaysaa, iwm
Qofkaas dhalinyarada ah ee dhowrka ‘kitaab’
soo daalacday, markiisii horena lahaa dhaqanka badawnimada ah, sababtoo ah,
si aad u noqoto qof lagu shubo dhaqankaas jahliga ku dhisan waa inaad
markaaga hore tahay, qof asal ahaan jaahil ah…Kooxdan markay yimaadeen
waddanka waxay bilaabeen inay ummadda madaxeeda majo u rogaan, ayagoo
aragtidoodu ku dhisnayd dhowr sheey oo wax laga sheego uun, sida ‘farta
nuuxnuuxi markaad salaada u fadhid’ ‘Surwaalka gaabi’ ‘Caddayga gacanta ku
wado’
Aaway xikmadii, aqoontii, iyo su’aashii
lasoo baray? La yaab maleh maanta in soomaalida ay jaahwareersantahay kalana
garan la’dahay waxa cibaado ah, iyo wax aqoonta ku xiran!
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaan waxaan ka
qayb galnay muxaadaro uu jeedinayey nin dad badan u haystaan inuu yahay
caalim, laakiinse, aniga garashadayda uu iila ekaa qof xafidaada ku fiican,
soona xafiday dhowr ‘kutub’ oo rag carab ah qoreen, asaguna intii sheegay,
sidoo kale wuxuu ku fiicnaa oo si fiican u bartay oraahaha afsoomaaliga
siiba kuwa miyiga ku dhisan, dadka badankoodu madax ayey u luleen….Qof ayaa
waydiiyey su’aal ku dhisan cilmiga dhaqaalaha, ninkii muxaadirka ahaa
indhahaa gaduutay wuxuuna yiri “Adeer intaan kuu sheegay ma ahane waxa kale
oo aad sheegaysid waa bidco”…Qofkii su’aasha weydiiyey wuxuu ku sigtay in
meesha lagu dilo, laakiinse, nasiib wanaag waddan reer Galbeed buu ahaayoo
nabad ah….
Sax ma ahan in qofkii ku takhasusay qayb
aqoonta ka mid ah, inuu koobay aqoon oo dhan, laakiinse, ugu yaraan waxaa
lasoo siiyey aqoon uu ku akhristo waxa uu baahanyahay inuu fahmo ee nolosha
ku saabsan, gaar ahaan , qaybta uu soo bartay.
Abdisaid Musse Ali-Koor
<aabdisaid@hotmail.com>
MAQAALADII HORE EE CALI KOOR
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
[1] The Arab Human
Development Report 2002: Creating Opportunities for Future
Generations
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|