SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Qof inoo Qalma ayaa inoo Talin Doona

Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
 

Ummad walba oo dunida ku nool inta badan waxaa u taliya ama u talisa qof ama koox iyaga u qalma. Way adag tahay in la arko nin ama koox u talisa shacab aan ku caqiido iyo ku mowqif ahayn. Shacab walba ninka xukuma iyaguu ka dhashaa kuna dhaqan yahay. Bulsho jaahil ah oo habka ay wax u qiimeysaa aad u liidato wey adagtahay in ay helaan madax wanaagsan oo caadil ah. Hadii bulshadu wanaaga iyo cadliga qiimo weyn ku lahayn wey adagtahay in ay helaan madax ama garsoore caadil ah. Tuulo 1000 (kun) qofood ku nool oo 90% ( boqolkiiba sagaashan) ay yihiin khamri cab oo macsida iyo xaraanta ku faanta wey adag tahay in uu ka soo baxo oo uu xukumo nin diin leh oo caalim ah sababtoo ah inta badan ayaan ogolaanaynin in lagu xukumo wax dhaqankooda ka soo hor jeeda.Bulshada marka ay qiimeeyso dhaqanka wanaagsan iyo qofka daacada ah ayey heli karaan madax wanaaagsan.

Soomaali badan ayaa waxay beryahaan soo qoraan qoraalo ay ku diidanyihiin nimanka Dagaal oogayaasha ah in ay qabtaan jagooyinka wadanka ugu sareeyo, waa dad iyaga ka bislaadey qabyaalada fahmayna in qabiil qaran lagu dhisi karin lakiin aan aqoon fiican u lahayn bulshada ay ka dhasheen. Soomaalida inta badan in wadanka hagaago wey rabaan oo nabad la helo, lakiin ma rabaan nabad Dagaal oogahooda darajo sare aan ku helaynin taasi waxey keeneysaa in nabadii ay fogaato Dagaal oogana hormuud ka noqdo hogaanka iyo siyaasada wadanka. Hadii bulshada intii badnayd ay Dagaal ooge taageero u yihiin maxaa loogu didayaa in Dagaal oogayaasha madaxdii wadanka u sareysa iney noqdaan oo ina xukumaan.

Magaallo yar oo ka tirsan wadanka Sweden ayaa waxa deris ku ahayn nin Soomaali Injinyeerna ahaa . Injinyeerka wuxuu aad u taageersanaa janaraal Caydiid allaha u naxriiste sawirada jananka ayuu gurigiisa meel walba surtey sheeko aan Caydiid ahayna kama aan sheekeyn jirin. Markii Janaraal Caydiid ku dhawaaqey dowladii Salbalaar ayuu Iinjinyeerkii Soomaaliya aadey mudana ku soo maqnaa wuxuu la yimid sawiro uu Janaraal Caydiid la sawiranyahay. Injinyeerka amaantii jananka ayuu sii kordhiyey iyo ducadii uu u ducayn jirey hadaladiisana waxaa ka mid ahaa " Jananku waa samatabixiye ilaah inoo soo direy" !.

Mudo yar ka dib ayaa waxaa isku dhacey Janaraal Caydiid iyo Cismaan Caato reerihii si hoose ayey isku laayeen. Maalmahaas dagaalka muqdisho ka socdey ayaan waxaan booqdey Injinyeerkii, guriga Injinyeerka waxaan ku arkey isbedel weyn waa tan kowaade waxa darbigii laga fujiyey sawiradii Janaraal Caydiid, aniga oo aan waxba weydiin ayaa Injinyeerkii wuxuu caay iyo inkaar ku bilaabey janaraal Caydiid, waxaan ku iri " maxaad mujaahidkaagii aad ku haysataa? ". Wuxuu injinyeerka igu yiri " Wuxuu mujaahid ka ogyahay ma jirin waa umulo doox ummada laynaya".

Maxaa Injinyeerka bedeley ayaad akhriste moodaa?. Jawaabta waa ay fududahay Injinyeerka markii horeba jananka qabiil ayuu ku taageersanaa qabiilkii ayaa is furfurey oo Injinyeerka Cusmaan Caato ayey isku laf ahaayeen sidaa darteed taageeradii jananka waa lagala noqdey ilayn jilibkii hoose ee reerkuuba laaynayaa. Siyaasada Soomaaliya ayaa sidaas ah mid shaley Kornel C/llaahi yuusuf taageer u ahaa ayaa maanta inkaaraya maxaa yeeley Jaamac cali jaamac ayey isku dhaceen oo taageeraha jilib hoose isla yihiin, kii shaley qoriga iyo taageerada u hayey Cali Mahdi ayaa maanta Muuse la socdo oo ku dhahaya Harti abgaal xamar wax kuma laha waa in laga saraa madaama Harti abgaal iyo Wacbuudhan ay isku dhaceen.

Gobol walba iyo meel kasta oo Soomaali ku nool waa sidaa. Doorashooyinka ka dhaca NFD ee lagu soo doorto mudanayaasha Barlamaanka wadanka Kenya, lagama yaabo marnaba in qof aan qabiilka magalada u badan aan u dhalan in lagu soo doorto. Magaalooyinka Soomaalida ay deganyihiin Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer, aqoon iyo kartida aad doonto lahow hadaadan reerka u dhalan cid ku dooranaysa malaha, mid tuug ah oo qabiilkiisa meesha ay ku badanyihiin ayaa baarlamaanka loo doortaa. Caqliyada Soomalida ayaa sidaas ku dhisan wax walba waxaa lagu qiimeeyey laguna gooyaa qabiil.

Marka caqliyad nocaan u fakaraysa malaga yabaa in ay hesho hogaan fiican?. Ma dhici kartaa in qaran nadiif oo caaadil ah in uu dhiso?. Aniga koley waa igu adagtahay in aan ku riyoodo dowlad wanaagsan ilayn caqliga bulshadaaba inoo saamaxaynin in aan helno. Keena waxbartey iyo kan aan wax baran haduu qabiil wax ku xeeriyo, maxaa loo diidanyahay in Dagaal ooge ina xukumo?.

Waxyaabaha aan sida aadka ah aan Soomaalida ugula yaabey ayaa waxaa ka mid ah nin sheeganayo in uu haysto shahaadada Phd hadana rabo in uu afhayeen ama la taliye u noqdo nin Dagaal ooge ah oo aan xataa shahaado dugsi hoose haysan. Ka waran hadii kii jahliga ahaa intii bulshada laga qaban lahaa in qabiil dartii asaga noqdo in kii cilmiga lahaa hogaamiyo!.

Bulshooyinka ilbaxa ah inta isku xirfad ahba waxay sameysataan ururo ama xisbi si dantooda guud iyo mida bulshada u wajahaan. Soomaalidu waxaa fiicnaan lahayd in inta wax baratey dhistaan urur ama xisbi aan qabiil ku dhisnayn si shacabka u tusaan in siyaabo kale lagu midoobi karo lakiin nasiib xumo aqoonyahanadeena aragti sidaa u fog weli ma gaarin mid walba in qabiil magaciisa in uu wax ku noqduu ayuu rabaa oo iyagiibaaba saacida Dagaal oogayaasha.

Hadaba bulsho si xun u fakertaa waxaa u qalma in uu xukumo Dagaal ooge ma naxa ah. Marka yaan la diidin in ay madaxweyne iyo ra`iiso wasaare ama wasiiro inoo noqdaan kuwii wadanka burburiyey dhiiga shacabka daadshey ilayn iyagaaba taageerayaal loo yahaye.

Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
 

QORAALADII HORE EE ILYAS

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD