kitaabka
Bukhaari in loo
noqdo xalka
maahee ee xalka
waa in kitaabka
Alle loo noqdaa!
Cabdulahi Cali
Cabdi(Xanaf)
<xanaf2007@yahoo.co.uk>
Waxey igu
noqotay layaab
iyo
amakaag,marna
waaba ka naxay
fikir qore
maqaalkiisa aan
ka akhriyey
Internetka oo uu
ciwaankiisu
ahaa(Xalka
Somalida waxaa
uu ku jiraa
akhrinta
saxiixul
bukhaari).
Qorahan qoray
maqalkan wuxuu
ku xadgudbay
kitaabka
saxiixul
bukhaari,dhowr
sababood
aawadood,kitaabka
Allena waa uu
hilmaamay
waxaanse ka
naxay markaan
sii dhadhansadey
qiso layaab leh
oo been abuur ah
oo uu ku
xoojiyey
xadgudbkiisa,wuxuuna
yiri mar uu
qisadaa ka
hadlayey(boqorkii
u talin jirey
Masaarida oo
waagaa Sudan ay
ka mid ahayd
ayaa iyagoo
dagaal waaga
kula jirey
boqortooyadii
Ethopa lagu
jabiyey
dagaalkii
Masarida
dabeetana
boqorkii baa
amar ku baxshay
in saxiixul
bukhaari la
akhriyo,waxaana
loo akhriyey
siwanaagsan
inkastoo
sanadkii
axaadiista laga
tagey,hadana
ciidankii waa la
soo jabiyey.....).Waxaa
kaloo hadalkiisa
ka mid ahayd
iiguna darneyd
mar uu yiri (doon
yaha daga ee
badaha quusa si
kastaba ha u
dhacdee hadii
kitaabka
Bukhaari la
saaro ma dagaan.....taa
oo u ku booriyey
markii danbe in
dadka
tahriibayaasha
ah ay ku
wanaagsanaan
lahayd inay
kitaabkaa
qaataan oo
doonyaha saartaa
saysan u degin.....!).
Hadaan ka yara
faaloodo
maqaalka
qorahan,oo
noqdey mid lala
yaabo,waxaan is
iri waa nin
diinta aan aqoon
hayeeshee
xamaasad badani
ku jirto,taa oo
keenaysa in
diinta khalad
laga galo,Allena
lagu been
abuurto.
Horta waa
marka horee
xalka Somalida
iyo kan dadka
Islaamka oo dhan
wuxuu ku jiraa
kitaabka Alle
isaga ayaana
mudan in la hor
mariyo,marka
sidaa la
leeyahay maaha
in akhrintiisa
loola jeedo ee
waa ku
dhaqankiisa iyo
isku xukunkiisa.
Tan labaade
wax la talo
saarto oo
dhibaatooyin
laga magangalo
Alle ayaa ugu
kheyr badan
cidii wax kale
magan gashaana
kitaabka
bukhaari haduu
ahaan lahaa iyo
wixii la mid
ahba Alle ayey
dulmi ka
galeen.Ama dooni
saaro ama gaari
saaro e.
Sadex ayaa
Islaamka marjac
u ah meelay laabtaan
yacni.1-kitaabka
Alle,2-Sunada
Rasuulka,oo aan
lagu
soo(qeydin)lagu
soo koobin
Bukhaari iyo
muslim,3-Ijmaac
waxa ay
Muslimiinta isku
raacaan
xumaantooda iyo
wanaagooda,oo
laftigiisa soo
baxay waa
ijmaacee xiligii
Abuubakar
Asidiiq,waxaa
soo baxay
kadibna Ijtihaad
iyo qiyaas oo
lagu daray wax
yaabaha dadka
Muslimiinta ay u
baxsadaan marka
arini cakiranto.
Saxaabadii
Rasulka markii
arin dhacdo
waxay u noqon
jireen ka eegi
jireen Kitaabka
Alle,hadii laga
waayo Sudanada
Rasuulka(swc),hadii
laga waayo ayaa
dadka
muslimiinta loo
bandhigi
jirey,oo xiligii
Abuubakar iyo
Cumarba dadka
ayey arimahaa oo
kale kala tashan
jireen.Waxa ay
dadka
Muslimiinta isku
raacaan waxaa
weeye biyo kama
dhibcaan
raacidooda oo
waa lagu khasban
yahay,hadii kale
waxa aad ku
dhaceysaa goodin
Alle(sw)uu ku
yiri kitaabkiisa
Qur'aanka
ah(Ninkii raaca
wadada
Muslimiinta wado
aan
ahayn,waxaanu la
jir uga
dhigaynaa wixii
uu la jiray oo
uu raacay
jahanama waa
dhaxal siinaa).
Qorahani
waxaad moodaa in
uu kitaabkii
Alle ka hor
mariyey kii
Bukhaari,isaga
oo laga yaabo
inuusanba
dareensanayn,hadii
xataa uu
yiraahdo
kitaabka
bukhaari markaan
leeyahy waxaan
ula jeeda waxa
ku qoran oo ah
hadalkii
rasuulka waa
khalad
laftigeeda oo
kitaabka Alle
ayaa horeeya
teeda kale
talasaaradka
intaa le'eg
xagee buu ka soo
akhriyey,war
Alle meeyey
Bukhaari
kitaabkiisa
muxuu qaban
karaa.
Bukhaari iyo
Muslim, waa laba
nin oo isku
ilzaamiyey inay
qoraan
axaadiista
saxiixa ah ee rasuulka(swc)ka
sugnaatay.Ahlu
Suna wal
Jamaacana waxey
qabaan oo isku
raacsan yihiin inay
yihiin kutubta
ugu kheyrka
badan kitaabka
Alle marka laga
reebo,taa ma
keeneyso in la
tala saarto sida
uu saaxiibkeen
ku booriyey
tahriibayaasha
doomaha raaca.
Si kastaba ha
ahaatee diinta
Islaamka
darajooyin bay
kala leedahay
darajada koowaad
waxaa leh
mudanna in la
raaco kitaabka
Alle wax kalena
aan looga
mashquulin
rasuulka(swc)
waa uu diiday in
waagii hore wax
laga qoro isagoo
ka baqayey dadka
inay Qur'aanka
uga
mashquulaan.iyo
in lagu fogaado.
F.G.waxaan ka
xumahay
maqaalkan oo
aanan fursad
badan oo aan ku
faah faahiyo
aanan u helin
inaan intaa ku
soo gaabsado
iyadoo aanan
mowduuca si
baahsan uga
hadlin taasi
wakhtiga ayaa ii
diiday hayeeshee
maqaalo danbe
ayaan uga
faaloon doonaa
bal
Manzilada,darajada Qur'aanku
lee yahay iyo
Sunada Rasuulka (swc)
kadib tan
Bukhaari oo uu
saaxiibkeen ku
xadgudbay!.
Cabdulahi Cali
Cabdi(Xanaf)
<xanaf2007@yahoo.co.uk>
khartoum-Sudan