Afsoomaaligu waa
Hanuuniyaha
Soomalida
Qurbaha
Af-Soomaliga
waxaa lagu
tiriyaa in uu ka
mid yahay,
afafka
Afrikaanka iyo
Aasiyaanka
(Afro-asiatic
branch of
languages) iyo
qaybta afafka
kushitiga bari
(Eastern
cushitic
subbranch).
Sidaas darteed
Af-Soomaaliga
waxay meel ka
soo wada jeedaan,
afafka ay ka
midka yihiin
Saahada iyo
cafarta(saho-Afar),
oo lagaga hadlo
qayba ka mid ah
Eriteriya tan
iyo qaybo ka mid
ah Djibouti,
Af-Oromada oo ah
afka ugu badan
ee dalka
Ethiopia lagaga
hadlo iyo afaf
kale oo badan oo
lagaga hadlo
bariga iyo
geeska Afrika.
Afka Soomaaligu
wuxuu ku caan
baxay, in uu
yahay af aan
qorayn ama
af-hadaleed
(oral language),
ayna ku hadasho
bulsho-hadaleed(oral
society).
Haddaba inkasta
oo la oran karo
in afka
Soomaaligu
qorraa tan iyo
1972-dii haddana,
wili waxaa inoo
cad in dhaqan
ahaan bulshada
Soomaaliyeed ay
tahay tu ku
hadasha.
Arrintani waa
mid
hiddaysanaysa
dhaqan xidido
adag leh oo
gaamuray,
isbedelkeeduna
qaadanayo sida
aan anigu
aaminsanahay
qarniyo
badan,qiimaha
afka soomaligu
leeyahay
soomaliyey
hadanu anagu
garanwayey waxaa
gartay rag ay
kamid
yihiin,ninkan
caanka ah ee dad
badan oosoomali
sheeganaya
kabadiya
afsoomaliga waa
ninka
layiraahdo,DR.
Georgi Kapchits
DR"ayaa mar uu
booqasho gaaban
kutagay dalka
canada ayaa
wuxuu lakulmay
somalida degan
filand wuxuuna
udhacay
kulankaasi
sidan,Seminaar
looga hadlayey
qiimaha afka
Soomaaliga oo ay
kasoo qeyb
galeen Soomaali
fara badan oo ku
dhaqan wadanka
Finland, ayaa
DR.Georgi
Kapchits oo u
dhashay wadanka
Ruushka, kaga
hadlay kulankaas
qiimaha uu
afsoomaaligtu
leeyahay, iyo
sida ay muhiim u
tahay inay
arinkaas
ogaadaan dhamaan
waalidiinta
soomaaliyeed,
waajibna tahay
qofwalba oo
afsoomaaliga
yaqaanaa inuu
faafiyo dadkana
baro ha ahaado
ruuxaasi muslim
ama ruux aan
muslim ahayn,
soomaali ama
ajnabi.
Wuxuu Dr Georgi
Kapchits intaas
ku daray isagoo
ku hadlayey
afsoomaali aad u
sareeya in afka
Soomaaligu "mucjiso"
xambaarsan
xikmad farbadan,
wuxuuna yiri
"waa luqad qani
ah oo wax lamid
ah aan la heli
karayn"
Mar la weydiiyey
sababaha ku
kalifey inuu
barto afka
Soomaaliga,
wuxuu ku
jawaabay"maahmaahyaha
soomaaliga ah oo
xikmadaha fara
badan xambaarsan
ayaa igu qasbay
inaannan
luqaddan qaniga
ah ka qatanaan"
wuxuu intaas
kusii daray
soomaaliya
waxaan arkay
weligay laba
jeer labada
marna waxaan
joogey 5 cisho "si
qosol badan ku
jiro wuxuu u
yiri weli
soomaali maan
noqon waayo shan
beri sheekh
laguma noqdo"
Profesorku wuxuu
taxay maahmaahyo
soomaaliyeed oo
aad u qiimo
badan, oo uu ku
cabiray
qaninimada
luuqada
soomaaliyeed.
Buugaagta uu
qoray waxaa
kamid ah: "
1. Maamaahyada
soomaaliyeed. (ee
ku kala daabacan
afka soomaaliga
iyo afka ruushka
oo ay weheliyaan
maahmaahyada
ruushka ee ay
isu dhigmaan).
Waxaa abaabulay,
hal-tebiyey,
ararta u qoray,
kana faallooday
qoraha. Moosko,
1983".
2. Waxaa la
yidhi –
sheekooyin hidde
ah. Waxaa
habeeyey, kana
faallooday
qoraha. Cologne,
1996.
3. Sheekooyin
soomaaliyeed (oo
ku qoran
af-ruush). Waxaa
abaabulay,
hal-tebiyey,
gogoldhigga u
qoray, qaamuusna
ku ladhay, kana
faallooday
qoraha. Moosko,
1997.
4. Qaamuuska
maamaahyada
soomaaliyeed –
The Dictionary
of Somali
Proverbs (ee
gogoldhiggiisu
uu ku kala qoran
yahay
af-soomaali iyo
af-ingriisi).
Waxaa ururiyey
oo abaabulay,
iskuna
dubbariday
qoraha. Moosko,
1998
5. Hubsiimo hal
baa la siistaa/To
know something
for sure, one
would even part
with a
she-camel:
Maahmahaha
soomaaliyeed
kuwa ugu caansan.
Moosko, 2002. "iyo
maqaalo badan",
waxaa faah
faahin ah waxaad
booqataa
website-kan: <http://kapchits.narod.ru/main_so.htm>
afsoomaaliga
horumarkiisa
sanadihii
70aadkii
ilaa"89aadkii
Bishii oktoobar
21-keedii
1972-kii (sannad
guuradii
saddexaad ee
afgambigii
ciidamada), ayaa
sarreeye gaas
Maxamed Siyaad
Barre oo ahaa
guddoomiyihii
askartii wax
afgambidey (the
chairman of the
S.R.C), waxa uu
shaaca ka qaaday
in maalintaas
wixii ka
dambeeyey afka
Soomaaliga loo
doortay in uu
noqdo afka
rasmiga ah ee
Soomaaliya, isla
markaas go`aan
lagu gaaray in
xuruufta
laatiinta ee uu
qoray Shire
Jaamac Axmed loo
doortay in ay
noqoto tan lagu
qori doono afka
Soomaliga.
Go`aankan ay
askartu qaadatay
ma ahayn wax
cusub, balse
waxa ay ahayd
taladii go`aan
qaadashada
weydey ee ay
dawladdihii
rayidka ahaa ee
la afgambiyey,
ay u soo
jeediyeen
gudiggii kan ka
horreeyey ee uu
guddoomiyaha ka
ahaa alla ha u
naxariistee
Muuse Xaji
Ismaaciil Galaal.
Si kastaba ha
ahaatee Go`aan
qaadashadaasi
waxa ay noqotay
mid taariikhda
gashay oo aan la
illaawi doonin.
Sababtoo ah afka
Soomaaligu waxa
uu ku sugnaa
xaalad adag oo u
hagi kartey in
uusan muddo
dheer qormin.
Afka Soomaaliga
oo aan qormin
waxa ay
dhaxalsiin
lahayd dadka
Soomaalida aayo
xumo weyn, iyo
in ay noqoto
ummad u martiya
qarankooda
dhinac kastaba,
gaar ahaanna
dhinacyada
dhaqanka,
dhaqaalaha,
maamulka dawliga
ah iyo
waxbarashadaba.
lasoco isbuuca
danbe qaybta
labaad
diyaairiye c/risaaq
adan ali
kaneec1@hotmail.com