Geesiyadii somaliwayn doonayey miyeey
gablameen ?
Ilaah baa mahad leh
nabigeenii muxamed (csw)nabadgalyo
iyo naxariisi korkiisa
ha ahaato(amiin).
Waxaa hubanti ah in
aynaan ku qaybsanayn in
soomaalidu soo ceshato
sharafteedii iyo
karaamadeedii ay bari ku
lahayd dunida ama ay
dhaxdeedaba is kugula
naaloon jirtay, is
jacayl iyo Darais wanaag
iyo is bariidin waxii
xalay darisku ku baryey,
dawladahii talada dalka
is kaaga Danbeeyeyna
cadaaladi halkeeda ha joogtee
waxeey ahaayeen kuwa
diiday in aan la quursan
magaca soomaaliyeed ,waxeeyna
mar walba xusi jireen
somaaliwayn waa muqadas
helideedu.
Qoraalkaygaan maanta
waxaan ku eegayaa magaca
aan qormadaydaan
cinwaanka uga dhigay umad
kasta dadka
taariikhdeeda baalka
dahabkaa kaga qorani
waxaa la yiraahdaa marka
ay geeriyoodaan maysan
geeriyoon oo waxaa sal
looga dhigaa waxaa sii
shaqeeya ,halkii laga
sii wadaa taariikhdii ay
u soo halgameen ama aan
iraahdo hawshii wali
qabyada ka ahyd oo ay
gacanta ku hayeen baa la
sii wadaa , hadii
lawaayo cid sii
dhamaystirta dabcan
waxaa layiraahdaa ragaa
waa gablameen taa weeye
midda aan qoraalkaygaan
maanta ugu magac daray
GEESIYADII SOOMAALIWEYN
DOONAYEY MIYEEY
GABLAMEEN.
ma doonayo inan dib ugu
laabto taariikhda dheer
ee axmed gureey ,sayid
maxamed abdulle hasan
iyo ragii la midka ahaa
oo aanu buugaag badan ka
soo aqrisanay ayna
ahaayeen aabayaashii
taariikhdii halganka
soomaaliyeed waxaan u
soo boodayaa taariikhda
aan sidaa u fogayn
halyeygii reer jabuuti
ee maxamuud xarbi waxuu
ahaa geesi taariikh ku
leh guud ahaan umadda
soomalliyeed gaar ahaan
xoriyad u dirirkii
jabuuti ,waxaa lagu
xasuustaa oo uu u 'ololayn
jiray soomaaliweyn in ay
hal dawlad yeelato marka
laga reebo hal sharuud
oo uu ku gadan jiray
arintaa oo ah in jabuuti
noqoto magaalada looga
talinayo somaliweyntaa.
Waxeey taariikhdu inoo
sheegaysaa in hargaysa
iyo muqdisho calanka la
hor suray hargaysa
Abdulahi suldaan
timacadde marka uu
leeyahay sareeyoow ma
nusqaamoow aan siduu
yahay Eegnee kana siiba
kana saarooy waxa la
dajinayey maahayn calan
kale waa kii ingiriiska
kan la saarayeyna waa
calankaa baluuga ah ee
xidigaha 5ta ahna ay
dhaxdu kaga taalo aana
wada ognahay waxa
xidigahu tilmaamayaan ,
soomaaliduna waligeed
waa calankii ugu
horeeyey oo ay yeelato
waxaana la wada soconaa
in calankaa la sameeyey
54tii ,maalinkaa
marxuumkii cigaal waxuu
ahaa siyaasigii ugu
magac iyo maamuus waynaa
dhulkaa hargaysa muusan
oran caasimadda halaga
dhigo hargaysa ,haduusan
orana lama aanu tagin
wax kale oo sharuuda
waxaan u badinayaa in ay
ka xoog badnaatay dabcan
xiisahii loo qabay in
soomalidu mar ay
gacanteeda dawladnimo ku
maamulato.
Markii ay soomaalidu
waysay dawladeedii dhaxe
oo uu wadanku bur buray
waxeey reer hargaysa
haysteen fursan aan
isleeyahay hadii ay
qaldameen 60kii waxeey
saxi kareen qaladkii
waagaa ku dhacay maxaa
yeelay xasilooni ayeey
heleen koofurtana
waxaaba markaa u
bilaabatay burburka ,waxaan
aaminsanahay in ay
badbaadin kareen
qarankii soomaaliyeed ,waxaan
uga jeedaa hargaysa waa
oran kartay magaalada
soomaaliya looga
ariminayo waa halkaan ,waxaan
mar mar isku qanciyaa
amaysanba jirin sheekooyinkaa
hore oo ay wax ka
qaldan yahiin waxaan
sidaa u leeyahay markii
la baadi goobayey
gobanimada waxeey dadkii
markaa hawsha waday
sheegaan sheekooyin u
baahan in dib lagu
laabto xaqiiqadooda oo
waxeey yiraahdaan waxaan
ahayn dad aad isku jecel
qabiilkuna haba yaraatee
ma jirin haduu xaalku
sidaa ahaa soow maahayn
in dadkii waagaa joogay
ay noqdaan kuwa is dhala
oo ay soo baxaan taran
la yiraahdo alylahee
dadkii soomaaliyeed ee
soo halgamay awlaadoodii
weey noqdeen kuwa
buuxiyey waxii laga
sugayey .
Arininta aan u socda
waxaa weeye aniga
waligeey layma oran
dhulka soomaaliyeed
soomaalidu waa ay kala
leedahay ,marka aan
sidaa leeyahayna ugama
jeedo tusaale waa in
magaalada b/weyne uu
madax ka noqdaa nin
hargaysa ,bosaaso ama
xamar ku dhashay laakiin
waxaan marna maskaxdayda
u cuntamayn in
soomaalinimadu noqoto
ama loo fasiro jinsiyad
kaliya isku luqad ah oo
aan lahayn haba yaraatee
wax kale oo kulmiya ,marka
si dhaba la doonayo in
walaal waxa uu istaahilo
loo sheego waa in la
qiraa xanuunkii farha
badnaa ee reer hargaysa
gaaray ,waxaana ayagana
oran lahaa ka warama
walaalayaaloow 14kii
sano ee la soo dhaafay
waxaad haysateen
nabadgalyo ka badan
midda koofurta marka
hadalkaygu waxa weeye
yaad ka aarsanaysaan
adinkaaba maanta
soomaaliya ugu
nabadgalyo iyo wax
dawladnimo u'eg haystee
.hadii garashadii aan ka
soo sheekeeyey ee ahayd
adinku qaata doorka
nabadda ama hargaysaba ha
noqoto meehsha
soomaaliya looga
ariminayo aydnaan igu
raacin waxaan kaloo
qirayaa inaad iga gar
helayso markaad tirahdo
horta koofurtiina isa
soo habeeya ,waxii aan
intaa ahayn waxaa weeye
wax aan la'aqoon ka
hadalkooda , jaaniskuna
maaha mid mar walba
adiga marti kuu ah .
Qoraalkaygu waa suurta
gal in ay dadka qaar igu
raaci waayaan meelahaan
diiradda ku saarayey
laakiin waxan u
qaadanayaa inaan isa
saxayno .
WABILAAHI TAWFIIKH