SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

 

HOWSHA UU BAARLAMANKA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND QABTAY WAA MID AANNU QABAN WAYANAY OO DHIBAATO UMA ARAGNO EE WAXAANNU U ARAGNAA DOWLAD KALE DALKA HALOO DHISO.

Galkacyo(Somalitalk) Arbaca, June 23,2004

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo waraysi siiyey somalitalk.

S: sidee ayaad u aragtaa go'aankii baarlamaanka uu xasaanadda uga qaaday wasiiradda iyo guddoomiyaha hanti-dhowrka guud ee PL?

J: "Anigu, aftida waxaan ka qabaa, golaha wasiiradoo qas badani ka socday xagga dhaqaalaha iyo xagga siyaasadaba, in talaabo laga qaado oo madaxwayanaha iyo aniguba aannu wax ka qabano reshuffle (isku-shaandhayn) samayno, madaxwaynuhu waa uu howshaysnaa oo uma suurto galin.howshii aannu qaban kari waynay ayuunbuu baarlamanku noo qabtay wax dhibaataana ma jiraane ee anagu waxaannu u aragnaa dowlad kale dalka ha loo dhiso".

S. Waxaa wararku ay sheegayaa in arintani ay keentay kala baahsanaan xukuumaddiina gudaheeda ah, maxaad arintaan ka ogtahay?

J. "Waxa qof kastoo Soomaali ah oo maanta joogaa wadanka gudihiis oo reer Puntland ah; wuu ogyahay golahayaga wasaarada qaar kamid ahi qaska ay wadaan iyo dhibaatada xagga dhaqaalaha ay ka wadaan waa cad yahay. Haddaanu taas daawanay oo wax ka qaban waynay, dee qasku dan buu isaga imaanayaa. Imikana waxaan qabaa, balaayo kale ma jirtee, madaxwaynuhuna isla howshaas daraadeed yuu taa uga dhago adaygayay, dee waanuu ku khasbanahay inaan iminka qabanaa."

S. Isku aragti maka tihiin adiga iyo Madaxwaynuha kordhitii dambe ee mudada labada sano ahayd ee xukuumdda iyo kala dirista golaha wasiiradda?.

J. "Aniga madaxwaynuhu marna ima oran arinkaas waan ka soo horjeedaa. Dee meela maanu wada joogno. ee Anigu waxaan qabaa arinkaa waa dastuuri; maxkamad dastuuri ahna iminka waa la dhisay ninka labada sano kororsiinohooda wax ka qabaa, qaylo kale iyo dad kale iyo odayaal iyo isimo ha looyeero… maxkamadda dastuuriga ah ha lagu kala baxo ayaa iminka taalla."

S. Xukuumaddiina markasta waxa ka jira iska hor imaad iyo khilaaf ku yimadaa, sidee haddaba dadku idiin aamini karaa hadda?

J. "Waa nasiid daro inay anaga naga timaadaa, waxaan anigu qabaa; dee haddaan gudahayaga iska qabano naxukuma, oo qofkii khaldan waxaad tidhaahdaan jooji waxaad waddo".

S. Baarlamaanku waxay sheegeen in wasiirada xasaanadda laga qaaday ay shaqada sii wadayaan inta xukuumadda cusub laga magacaabayo, adiguna waxaad shalay soo saartay qoraal aad ku xanibayso in wax lacag ah laga saaro baananka Puntland, waa maxay sababtu?

J. "Dee inay sii wadaan dastuurkaa dhigaya dastuurkana ma jabinayo, weerar cusub baad mooddaa inuu soconayo in lacag badani wadanka ka baxdo, anigu taas uun baan joojiyey inta madaxwaynuhu ka imaanayo, markii madaxwaynuhu yimaadana asagay u taallaa, dadka doonaya in lacag aan markii hore la bixin jirin iminka doonaya inay guraan inuu ogolaanayo in inkale anigu isagaan (madaxwaynaha) ku simayaa".

S. Waxaa horey loo ogaa khilaafkii u dhexeeyey adiga iyo wasiirka maaliyadda, soo looma qaadan karo in arintaani qayb ka tahay khilaafkiinii?

J."Aniga iyo wasiirku niman is khilaafi kara ma nihin, wasiirka anagaa magacawnay, hadduu howshiisa ka soo bixi waayana sida dastuurku qabo; markaan aragno inuu howshiisa ka soo bixi waayana oo si wanaagsan u wadi waayo; xaq baan u leenahay inaan niraahno ka tag meesha. Labo is qaban kara maahin, oo labo nin oo isu madax ah baanu nahay, intii hadalkayagu bax baxayayna dastuurku nooma ogolayn inaan is qab qabanee madaxwaynaha uun baa isagoo xal raadinaya arinka war wareejinayay, waxaan anigu qa(baa), dhibaato ma jirto… madaxwaynuhu markuu yimaado hadduu sidiisii xal raadis yahayna waa arkaynaa, hadduu xukunka dastuurka raacayana asagay u taalaa"

S. ma laga yaabaa in qaar ku jira golaha wasiirada ee hadda xasaanadda laga qaaday aad dib u soo magacawdaan?

J."Diinteena islaamku waxay qabtaa, haddii waddan lagu caasiyo, balaayada timaadaa nin gooni ah kuma dhacdee, mid caamaa timaadda. Waa nasiib daro mid taas u eg inay dhacday iminka, golaha rag nadiif ah baa ku jira, rag howshooda qabsadaa ku jira, rag wadaniyiin ah baa ku jira. Rag baana jira la dhaliili karo sida aniga caqligaygu i tusayo, waana laga yaabaa in caqligaygu uusan sax ahayn, waxaan anigu qabaa haddii dib loogu noqdo in kuwa mutaystay dib loogu soo celin karo golaha, kuwii shayaadiinta ahaana in laga kexeeyaan qabaa meesha Maxamed Cabdi Xaashi ahaan, laakiin dastuurka inoo yaal wuxuu oronayaa xil ka qaadista iyo xil magacawga golaha wasiirada madaxwayanahaa leh kadib markuu la tashado madaxwayne ku xigeenka, marna taladeydu noqon mayso nin xun ha la soo celiyo; marna taladaydu noqon mayso nin wanaagsan ha la eryo."

 sahrasiglan siglan
sahrosiglan@hotmail.com

DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO MAR KII UGU HORAYSAY YEELATAY MAXKAMAD DASTUURI AH.

Arbaca,June 23,2004 - Galkacyo(Somalitalk)

Waxaa shalay iyo maanta ay baarlamaanka DGPL uu ku guda jiray kalfadhigii 11-aad waxayna si wayn uga hadlayeen oo kalsoonileh maxkamad dastuuri ah habkii lagu ansaxin lahaa isla kalfadhiga golaha wakiilada Puntland, waxaa ayna u xulan lahaayeen xubnihii uga qayb galilahaa ayadoo ay fadhiyeen 47 xubnood waxyna u codeeyeen in ay maxkamadda dastuuriga ah ka mid noqdaan shantaan xubnood oo kala ah: 

  • Maxamed Cali Muufo Gobolka Sanaag
  • Sh.Cali Nuur Gobolka Nugaal.
  • Sh Maxamed Nuur Cali Barre Gobolka Mudug.
  • Maxamed Buraale Ismaaciil Gobolka Sool.
  • Cabdirixmaan Xaaji Axmed (gado) Gobolka Cayn.

Waxay baarlamanka si toosa intii fadhiday ugu codeeyeen gudoomiyaha baarlamaanka DGPL Eng. Yusuf Xaji Siciid; Gudoomiyaha oo ka hadlayay codaynta waxa uu yiri "Cabdirixmaan Xaaji Axmed xildhibaanadii waxay ka ogo-laadeen in uu ka mid noqdo garsoorayaasha dastuuriga ah"

Waxaa baarlamaanku uu hal mar si dhamaystiran u gudbiyay qodobkaan oo ah waxaa xukuumada in mudo ahba la soo hor dhigayay si maxkamad dastuuri ah loo ansaxiyo.

Qodobkan ayay si wayn u soo dhoweeyeen,waana markii ugu horaysay oo maamul goboleedka PL uu yeesho ama hirgaliyo maxkamad dastuuriya oo la isku waafaqsanayahay.

<><><>

CARUUR SHUBAN U DHIMATAY IYO KUWO KALE OO LA, IL DARN XANUUNO KALE DAGMADA BURTINLE.

Arbaca,June 23,2004 - Galkacyo(Somalitalk)

Dagmada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa todobo caruura ay ugu dhinteen cudurka shubanka, ayadoo uu duqa Dagmada Burtinle u sheegay Somalitalk in ay wehliyaan cuduro kale oo ay caruurtu ugu le,anayso isla Dagmada.

Duqa Dagmada Burtinle Cabdulaahi Seeraar Nuur waxa kale oo uu sheegay" in dagmadu ay ka jirto xaalad caafimaad daro oo ay la il daranyihiin caruurta ku sugan burtinle ayadoo ay todobaadkii la soo dhaafay ay caruur tiradoodu gaarayso todobo ay u le,deen ka warqabid la,aan caafimaad owgeed."

Duqu waxa uu in taa raaciyay ilaa iyo hada in aysan haysan isbitaal lagu daweeyo caruurta oo ay dowladu leedahay waxaana xiran cisbitalkii waynaa ee dagmada burtinle, taasina ay tahay dayactir la,aan haysata cisbitalka, manajirto cid isu soo taagtay in ay ka haqabtiraan caruurta iyo haweenkaba sidii ay ugu heli lahaayeen goob caafimaad oo si toosa loogu daaweeyo xiliga ay timaado arintan oo kale.

 sahrasiglan siglan
sahrosiglan@hotmail.com

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka DGPL
Qoraal ka oo uu ku amrayay in ay wasaaradda maaliyada Puntland bixin karin wax lacag ah illaa amar dambe Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD