Shirka NAYROBI GUUL IYO
GUUL DARRO WAA IYAMA?
Cabdi
Yuusuf
Tan iyo bartamihii
bishii Novenbar 2002kii
waxaa dalka kenya ka
socda waxa loogu yeeray"shairka
nabadda soomaalida"
oo ay
gugashiisa lahayd
Dawladda dalka kenya
hase ahaatee ay korka ka
maamulayesay guddi ka
kooban dalalka la
ollagga ah soomaaliya,
waxaana xiligaas dheer
ee uu shirkaas
gurguureney la soo marey
dhowr marxaldood oo uu
wajiyo badan yeelatay
geeddi socodka wada
hadaladda ergooyinka,
taasoo dhalisay Su'aalo
badan oo u baahan in
jawaabo loo helo in laga
jawaabo marka la doonayo
in saadaal laga bixiyo
shirkaas iyo
mustaqbalkiisa.
In kastoo
sida bahalka Oday
Jirjiroolaha loo yaqaan
uu shirku midaba badan
yeeshay, oo ay dhib
badantahay in looga wada
faloodo maqaalkan kooban
hadan, waxaad moodaa in
ay jiraan dhowr meelood
oo la dhihi karo waxay
si cad u fasirayaan sida
uu shirka iyo go'aamada
laga sugayaba ayna meel
adag oo tilmaan uga
dhinbil qaadan karaa
ayna muuqan, waxaana
meelahaas aan tilmaayey
ka mid ah kuwa ugu
cuddoon,
qaab
socodka shirka, Cidda ka
qaybgalaysa,cidda leh
go'aan ka gaarista
talada oo heshiiska
qaadanaysa, arrinta
Fedraalka, iyo wixii la
mid ah.
Haddii aan mid mid aan
mid mid oogu imaanno
arimhaas aan kor ku
xusnay, kuna biloowno
qaabka shirku u soconayo,
runtii ma jirin tan iyo
xilligii fogaa ee shirku
soo kacaa kufayey how
isku xiran oo muujinaysa
in shirku si toos ah u
socdo, waxaana dhacaysay
in shirka sida uu buuq
ugu jiro qolo iska baxdo
dabadeedna inta kalena u
qaybsamaan dad iska
safra iyo dad goobta
iska sii fadhiya.
Marka uu sidaas waqti
aad u dheer ku gudbo aya
waxa la maqlaa IGAD
guddi ka socda oo shirar
leh ama wasiirada
dalalka Geeska Afrika oo
bilaabay in ay lafa
guraan arrinta dhirka
soomaalida, waxaana ka
dib ka dhalanaysay in
waxoogaa boorka dib
looga jafo faylashii oo
dayuuradana loo diro
dalkii si loo soo daad
gureyo dadkii iska kala
tagey iyo "kuwa kale oo
dheeraada oo iska soo
qiiqa raaca " haddii loo
baahdo sidaas ayana waxa
dhacda mar kasta in la
yiraahdo cusub ayaa u
furmay shirka.
Cid walba oo qiimayn
karta macnaha how dib u
heshiisiineed waxay
garan kartaa in wax kala
fog ay yihiin in la
sameeyo ajendayaal shir
dib u heshiineed oo la
doonayo in lagaga gubo
dhibaatooyin waawaayn ee
ragaadiyyey geeddi
socodka nabadda ee
Soomaaliya oo dabadeedna
dawalad Qaran sidaas
lagu soo yagleelo oo ah
mid adag oo u baahan
lafa gur iyo calool xaar
balaaran oo is daba joog
ah iyo waxa haatan ka
jira Kenya iyo shirka
magacyada badan bixiyey,
haddise laga badin waayo
waxaan lagu bartay inuu
waji walba biloowdo
kiiyo aan bar biloow
lahay iyo magaalo cusub
oo dalka kenya oo
magaceeda dhaguhu
maqlaan oo qalimaanta
ragga Saxaafaduna wax
badan hikaadiso....
Haddii aan barbar dhig
ku sameyno shirkan iyo
Carta Tusale ahaan oo
shirwayne Soomaalida loo
qabto oogu sokeyey waxaa
kusoo baxaya farqi aad u
wayn marka laga hadlayo
qaabka wada hadaladu u
xiriisanayeen kii hore
iyo Samaynata ay gudaha
ku yeelatay hawshii
Lixda bilood Jabuuti,
tiiyo aan arkayno in aad
mooddo in Ra'yul caamka
guduhu uusan si waynba u
dareensanayn waxa kenya
ka jira, runtiina waa
su'aal wali taagan in
dadka Soomaaliyeed
shirka loo hayo ay
dareensanyhiin muhimadda
arintaas iyo in kale
marka laga reeba ragga u
soo naq raacay meesha oo
iyaga laf ahantoodu kala
ujeeddo duwan meesha
waxay u joogaan.
Haddii aan u nimaanno
cidda ka qayb
galaysa,waa
arin aan wali cadden
waxaana muuqata in ya ka
mid tahay arihamaha ugu
wawayn ee aanu wali
shirku wali go'aan ka
gaarin, waayo waxay
waxwalba oo la xiriira
xadidaada ka qayb
galayaasha shirka
noqdeen wax aan
bardhamaad lahayn ama
aan la soo koobi8 karin,
Hogaamiyayasha kooxaha,
Madaxada shaqanka,
Bulshada Rayidka midna
ma laha meel loogu soo
hagaago, mana jirto cid xadidi
karta inta ay yihiin iyo
sida dhabta ah ee ay wax
u kalaan, umana
malaynayo in xoog wayn
la galiyey in la cadeeyo arrintaas,
waayo xaajo inta
badanba aan soomaalida kaliya
kiu koobnayn oo ku
duuban danaha dawladaha
gobalka qaarkood.
Waxay si xoog leh u soo
ifbixisay go'aan ka
gaaris la'aanta ka
qaybgalayasha shirka iyo
in jaan gooyn lagu
sameeyo sida adag ee wadamada
golbolku isu
fiirsanayaan ee ayna u
doonayn in ay ooga soo
dagaan qorshayaashooda
Istiraatiijiyadeed ee ay
ku lamaniyeen jiritaanka
kooxaha hubaysan,
taasina waxay si dhab ah
ugu ogolaatay inay
kooxuhu helaan jawi ay
kuu gorgortaman waxan
suuro gal ahayn, iyagoon
wax cabsi ah qabin, mar
hadiiba ay helayaan
meelo ay ku hoos
caraaran ama dawlad
gobolka oo ay u
caroodaan haddii ay
goobta shirka ka tagaan,
maadama ayna markii
horeba ku tiirsanayn
Taageero dadeed oo dhab
ah.
Arrintan hore ee ah in
aan la jaan gooynin ila
hadda cidda ka soo qayb
galaysa shirka waxay lugta
ku duubatay arrin kale
oo muhiim u ah habsami u
socodka shirka , waana
in la xadido cidda leh
go'aan ka
qaadashada talada shirka,
amaba hadaad si kale u
dhahno siddii
lagu ogan laha cidda leh awoodda
soo xulitaanka xubnaha
Barlamaanka, ama xubnaha
kale ee muhiimka ah
Sidda gudiyadda xalinta khilaafaadka
iyo wixii la mid ah.
Markii hore shirku wuxuu
casuumay kooxaha dirarta
ee dalka oo dhan inta
badana cid walba oo leh
Ciwaan urur meesha waa
la geyey maadama ay
ahayd masalaxadda
wadamada is haya ee
gobolka ee kukala xiran
kooxahaha gudaha,
waxaana laga saxiixay
dhawr jeer heshisyo ayna
dhab u rumaysnay amaba
ayna ogeyba meel lagu
soo diyaariyey, siday
markay doonayaan inay ka
baxdo koox gaar ah noo
sheegto, laakiin waa
dhab inayna iyagu marna
heshiin; waxaba suaal ka
taagantahay in ay isku
dirirsanyihiin wax cad
oo ay doonayaan in ay
kukala baxaan.
Nin Farsamayaan qaan ah
ba laga sheegay inuu yiri misaartaydii
sidaan u tumayey ayeyba
hadda noqotay Yaanbo!!!,waxaa
sidaas u eg meesha hadda
shirku marayo, markii
muddo la wadwady kooxo
tiro badan oo kolba
magaalo Dayuurado looga
soo daad gureynayey loona
ogaa kooxo heshiinaya ma
shirku ulaha waji
siyaasadeed ayaa haddana
waxa loo boodey waji
kale waana shir beeleed
waxaana madasha lagu soo
daad gureyey Odayashii
dhaqanka si ay u soo
xulaan Xubnaha
barlamaanka iyadoo beel
beelna loo qaybiyey
Tirada Golaha
Barlamaanka dalku
yeelanayo, waxaa is
waydiin u baahan sida
laysu waafajinayo
awoodda Kooxaha ee Siyad
qabiileedka ku saabsan
iyo midda midda
Odayaasha ee dhaqan
beeleedyadda kusaabsan..?
dabcan waxa arrintaas
doodeedu imanayasa marka
la jaangooyo waxayaabo
badan oo isku daba xiran
oo an wali go'aan laga
gaarin oo isku daba
xiran lana soo bilabatay
shirka.
Meelaha wali mugdiga
wayni ka jiro waxaa waxa
ka mid ah arrinta
fadraalka ,oo
ayadu markii horeba ku
dhalatay laba arimood oo
midi tahay qabaa'il
tirsanayey in lagu
dulmay in Maamuladdii la
soo marey doorbidayna in
ay ku mintidaan Nidaamka
Fadraalka iyo maamul
gobaleedyo dhismay oo
laba ujeeddo lahaa mid
waa in ay isu muujiyan
inay leeyihii misan
culus oo ka sareeya kan
kooxaha, ama doonayey
inay kula itaal noqdaan
Dhinacyo markaasi iyagu
gooni isga taagey
arrinta Dalka Soomaaliya
ka taagan oo shuqulna an
doonayn in ay ku
yeeshaan waxa ka jira
shirka Nayrobi.Intaas
waxaa sii dheer in uu
jirey dawladda itoobiya
dad lahaya aygon ka
fiirsan ay damceen in la
qaato Nidaamka Fedraalka
ee dalkaas, iyadoo aan
wax lafa gur ah lagu
samayn inuu yahay mid
soconkara iyo inkale,
waxaana markaas muuqata
in Nidaamka Fadralka ah
shirka lagu marsiyey si
duuduub ah oo aan wax
Qeexid ahba lagu dayin
ujeedada hab loo
hirgalinayo toona,
waxayna soo saartay
midaas durbadiiba
ififaale muujinaya in uu
jiro AfSoomaali laba ah,
taasna waxay sahanba u
noqonkartaa in la soo
ifbixiyo kala duwanaasho
Asal ahaaneed oo aad
mooddo in ayba ka gadmi
ogtahay tan Afka haddii
an wax halbeeg ah loo
samayn nidaamka
Fadraalka.
Qodabada arinta
fedraalka waxa kale oo
si ula kac ah loogu
qorey waxyaabo aan
cadeyn sida hadalada
qeexaya in loo aqoonsado
Soomaali land iyo
Puntland
maamulgobaleedya jira,
waxaa is waydiin u
baahan waxa arintaas
looga jeedo waayo waxaa
cad in ay ayna
Soomaaliland meesha cidi
u joogin oo aynaba ku
tala jirin inay ka soo
qayb gasho shirka
maadama ay u aragto
inaanu qusayn iyada,
marka waayo cidda u
gaartay go'aankaas
loogala mid dhigay
Punland, tan kalese
haddiiba loo aqoonsado
puntland maamulgoboleed
sida ay u jirto micnaha
ma waxa weeye in
maamulgobaleedyada
jiridoonaa ee la fool
dhowrayo inay ku
dhisnaadaan qaab qabiil?.
haddiise ay sidaas
noqoto yaa cadenya
seerayaasha iyo
xuduudaha beelaha ee
gobolada dalka oo dhan
..?, waxan u malaynayaa
in ay halkaas su'aalo
badan ay ka dhalaynayaan
oo aan in lays waydiiyo
laga caga taalaynayo
xiligan.
Ugu danabayntii waxaad
moodda in shirka haatan
ka socdaa ay horyaalaan
arrimo adag oo loo
baahanyahay in la soo
lafa guro intaan laga
wada hadlin wajigiisa uu
hadda u gudbay ee
qaybsiga Xubnaha
Baarlamanka, waayo waa
wax aan dhib yareyn in
shirku ka tilaabsado
minooyinka faraha badan
ee is daba daadsan ee
aad mooddo in u kas loo
aasay, aan la doonayn in
laga horwareejiyo shirka
si aanay caqabado ugu
noqon habsami u socodka
nabadda hadda loo
fadhiyo Nayroobi iyo
miraha laga filan karo
mustaqbalka dawlad ka
curata halkaas.
Cabdi Yuusuf