Jabhada Wadaniga xoraynta
Ogaadeenya.
Bayaan
Muddo ka badan toban sano
ayuu maamulka daba-dhilifka ah ee Harageysa billaabay
inuu u gurguurto Taliska gumeysiga Itoobiya, isagoo
qaaday tallaabooyin fool-xun oo uu ku raalli galinayo
kooxda TPLF ee ku amar-ku-taaglaysa xukunka Addis-Ababa,
si ay aqoonsi uga helaan taliska Addis Ababa oo isaguba
aadka u liita.
Maamulka Hargaysa wuxuu
sameeyay falal guracan oo ay ka mid yihiin xidhxidhid
shacabka Ogadenia si koox-koox ah loo xidho, dhac,
masaafurin iyo in dad soomaali ah, oo dambiga kaliya ee
ay galeeni yahay inay u dhashen dalka OGADENYA, gacanta
loo geliyo taliska Itobiya.
Qaar ka mid ah dadkaas
ilaa eegga waxay ku jiraan xeryaha ciqaabta taliska
dhiigyo cabka ah ee Adis-Ababa. Dhaqanka siyaasiga ah ee
ku dhisan sokeeye riixa iyo cadow kalkaalka ee kooxda
Hargaysa ay caadada ka dhigatay waxaa ka mid ah jidhdil
iyo jaa’ifooyin kale.
Dhacdooyinka yaabka leh ee
in laga yaqyaqsado mudan waxaa ugu dambeeyey riwaayadii
15/6/2004 ay kooxda Hargeysa ku matashay kulan ay ku
magacabeen Maxakad oo lagu dulmayay dad rayid oo u
dhashay soomaalida Ogadenya oo in ka badan lix bilood ku
jiray xabsiyada maamul ku-sheegga Hargaysa. 30 ka mid ah
waxaa lagu xukumay 3-5 sano oo xadhig ah, kuwaasoo lagu
eedeeyay in ay la dirirayaan gumaysiga Itoobiya, ayna ka
mid yihiin jabhada gobanimadoonka JWXO taas oo aan sal
iyo raadtoona lahayn. Waxaa kale oo falalkaas
waxshinimada ah ka mid ah iyadoo 18-19-kii bishan si
wayn loo ugaadhsanayay dadka u dhashay Ogaadeenya ee
safarada ku joogay magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.
Dhanka kalana waxaan
lahaynin nin ka mid ahaa maxaabiista ay sheegeen in la
xukumay oo aan goobtaba la keenin, meel uu ku
danbeeyeyna lama garanayo, waxaana la filayaa in sidii
cadada u ahyd ay gacanta u galiyeen gumaysiga Itoobiya
ama ay dileenba.
Haddaba JWXO waxay
bulshada caalamka, hay’adaha xuquuqda aadamaha daneeya
iyo bulsho weynta Soomaaliyeedba ugu baqaaqaysaa in lala
socdo xaalada adag ee socotada Ogadenya kala kulmaan
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, isla markaana lagu
cadaadiyo kooxda Hargeysa inay shuruud la’aan ooda ka
qaado shacabka Ogadenya ee aan waxba galabsan ee
xabsiyada ay ka dhaamiyeen.
Sidoo kale waxay JWXO ugu
baaqaaysaa shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan goballada
Woqooyiga Soomaaliya inay ka hortagaan falalka kooxdan
maamulka dalkooda haysa ee daandaasiga iyo hurinta
colaadaha sokeeya ku caan baxayday, kuwaas oo u hor
seedaya colaad sokeeye iyo dhibaato aan dani uu jirin
ummadda soomaaliyeed meel ay joogtaba. Waxaanuna
cadaynaynaa in raad-reebka xun ee ay arintaas ka tagto
aan lala wadaagin kooxda maamul ku sheega ee Hareysa ka
wada siyaasada qabiil sooca iyo sokeeye riixa ku dhisan
ee lagu taageerayo taliska dhiigyacabka ah ee gumaysiga
Itoobiya.
Wararkii Radio xorriyo ee
maanta... Guji
Jabhada Wadaniga
Xoreeynta Ogaadeenya.